Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Udub wants to install Sharia law on somaliland.

Recommended Posts

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Soo Jeediyey In Dalka Laga Hirgeliyo Sharci Ku Saleysan Diinta Islaamka.

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

 

 

(Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin)

hadhwanaag 2009-04-16 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Madax weyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa soo jeediyey inay Xukuummadu Sameyso shuruuc cusub oo ku qotoma Diinta Islaamka. Isla markaana laga guuro sharcigii hore ee ahaa [Panel Code-ka] ee dalka lagu xukumi jiray. Isagoo qiray inay Caddaaladda wadanku murug galay oo ay dad badani ka xanaaqaan.

 

Sida waxa uu Madaxweyne Kuxigeenku ka sheegay kulan loo sameeyey mashruuca dib u habeynta iyo tayeynta maamulka Garsoorka Somaliland iyo maareynta dacwadaha oo maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

 

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ayaa ka hadlay sababta ay xukuumad ahaan u hakiyeen mudaharaadyo dalka laga dhigo, isaga oo ku sababeeyey inay uga faa’iideyn karaan dad fidmo walayaal ah oo dhib aanay qaadi karin ku kicin kara,

 

waxa uu sheegay in Cadaaladda dalku qallooc galay, oo ay bulshadu kal-sooni darro ka qaaday isaga oo ku tilmaamay Xeerka dalka lagu dhaqaa inaanu ahayn mid habaysan oo caalamku ka guuray.

 

“Waxa loo baahan-yahay inaynu samayno gudidii habayn lahayd ama tayayn lahayd shuruucda caalamiga ah oo aynu iska leenahay, kii hore-na [Panel Code] waa in guud ahaanba meesha laga saaro, waa inaynu samayno mid Somaliland iska leedahay oo shareecadda islaamka ku qotoma.”ayuu yidhi Axmed Yaasin

 

Md. Axmed Yuusuf Yaasin waxa uu sheegay in dalka lagaga dhaqmo laba sharci oo kala duwan, Isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxa jirta in shuruucdeeni aynu dadka ku dhaqaynay ay u qaybsan yihiin laba qaybood midi waa tan aynu hadda ku shaqayno ee xeerarka inoo ah [panel Code]. mid kale-na waa tii aynu hore u lahayn. Kan aynu hadda ku dhaqanaa waa kii 1960-kii lagu dhaqmayay mana haboona inaynu isku hallayno oo dadka ku dhaqno, haddii kale dee koonfurta [somalia] wax-ba kama duwanin,”.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Alifkaad ka tagtaa Al-baqruu ku dhibaa. Kiisku waxa uu ka bilaabmaa Station-ka [saldhiga Booliska], Station-kana haddaanu joogin qofkii waxan u tababarnaa wax-ba hagaagi maayaan, annagu haddaanu xukuumadda nahay in badan baanu ka hadalnay, waxaanu soo jeedinay in meelahaas laga furo xarumo Academic ah oo inanku marka uu Dugsiga sare ka baxo uu Seddex sanno ku soo qaato Tababarada maamulka garsoorka iyo maareynta dacwadaha. Haddii kiiska booliska ka xumaado wax-ba socon maayo.”

 

Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin oo ka hadlay sababta ay xukuumad ahaan isu hortaageen in dalka mudaharaad Salmi ahi ka dhaco waxa uu yidhi "Sababta aanu u hakinayno mudaharaadyaddu waxa ay tahay in nin doonaya inuu fidno sameeyo halkuu doono ha ku jira'e uu naga faa'iidaysto, dhaq-dhaqaaqa badanina annaga waxa uu nagu noqonayaa dhib, haddii adiga oo raba in aad fikirkaaga muujiso ay fidno kaaga soo baxdo waa masiibo, tuugii baa jira oo bakhaar kasta waxa hoos yaalla BKM marka uu tuugu dadka mudaharaadka wada soo dhex raaco . kolkaa Ninkii wadankan nasteexaynayoow cagta dhulka u dhig, nin doonaya in wax loo istaadho yaan loo bilaabin wadankeenu Yurub oo kale oo nabadiisa cid yar baa waxyeelayn karta,

ileyn qoryihii aynu dalka la soo galnay Guri kasta wey dhex yaalaan oo wax kasta waa

laga fili karaa, annaguna taasaanu diidaynaa"

 

Mar uu Madaxweyne ku xigeenku Axmed Yuusuf Yaasiin la hadlayey Guddida Caddaaladda dalka waxa uu soo jeediyey oo uu yidhi “Gobolka aan lahayn racfaan waxaa muhiim ah in loo sameeyo, oo la abuuro kooxo u tababaran tayaynta garsoor-ka oo hadba Gobol u guura, ninka jooga Ceerigaabo waxa laga-yaabaa inuu Maxakamada sare wax uga baahdo, kolkaa waa in tiimkaa guurguurayaa u tagaan oo ay u dhan yihiin baabuurtiisii iyo qalabkiisiiba, taana waxaan rajaynaayaa inaad qorshihiina ku darsataan.”

 

“Haddaan u soo noqdo Caddaaladda, waxaan filayaa inay dad badani ka xanaaqaan caddaaladeena oo ay murug ku jiro, idinkuna aydaan garanayn halka ay ka qalloocantay, laakiin anigu waxaan garanayaa meesha ka qalloocantay guddidii caddaaladdu wey fadhiyaan maanta, guddida caddaaladdu waa ayo?. Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo labada garsoore ee ku xiga ayaa ka mida, waxa ku xiga agaasimaha Caddaaladda iyo Xeer-ilaaliyaha guud iyo gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha kuwaasina markasta waa mashquul oo (full time job) shaqo wakhtigeedu buuxo ayay ku jiraan berigaa aanu dib u habaynta wadnay waxa ku jiray Guddiyadda odayaasha, Culimaa’udiinka iyo bulshada rayidka ah, hawshaasina waay naga jabtay oo qaybo ayaanu kaga tagnay. Maanta xeer ilaaliyaha guud haddii uu mashquul yahay qoladiinan [Guddida tababarka loo qabtay] waa inaad sii wadaan oo intay wax hagaagi doonaan idinku isku hawla. Waxa jira afar xubnood oo aan iyagu shaqo buuxda hayn oo ay keenaan Golaha Guurtida iyo Wakiiladu kuwaana bal xoojiya oo tababara si ay u noqdaan looyaro shaqeeya. Waxanan rajaynayaa inaad dedejisaan tusaale ahaan Magaalada Hargeysa shanta waaxoodba waxa haboon inay yeeshaan goobo wax lagu xukumo kiisaskana lagu baadho.”ayuu yidhi Madaxweyne Kuxigeenku Axmed Yuusuf Yaasin.

 

Hadalkan uu maanta ka dhawaajiyey Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasin ayaa ku soo beegmay wakhti uu dalku galay muran sharciyeed oo ay is-hayaan Xukuummada iyo Axsaabta mucaaridka [KUILMIYE iyo UCID]

 

Mustafe-Janaale

Hadhwanaagnews.com/O ffice

Hargeysa/Somaliland.

Email: Janaale94@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Udub lost it again this is another move for another extension for another six month this is what going to say. At the end of august, due to constitutional problems. we ask the upper parliament guurti house of elders. For another six month extension.

 

Dadku goormay udub ka il baxayaan.

Odaygan Axmed yusuf yaasin wuu soo walanaya shalay na wuxu laha Somaliland iyo Somalia ma kala maranto awoowga la gub. Maantana sharcigii buu yidhi aynu baddalno war shariciga Somaliland la baddali mayo .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

Originally posted by Xaaji_xundjuf:

It wont happen its just a fikrad from The vp

wax dhacaya maha Somaliland wa dimuqradiyad.

Sharia iyo waxa loo ma baahna sxb.

do you know wax ah ka haldlsid wa lagu galobi kara sxb? Shariah samada bey ka so degtay, democracyka somalianda oday yaro o istaga ku kajo o english ah ba laga copy gareyey. loma bahana in la cabudo colonial border iyo waraq. wa in Allah la cabudo, inshallah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

We already have a constitution and it works perfect for us, sharia law go and install in Egypt or something. Gaaalkaan sara jooga ku kaadja wa adigan hoos jooga qurbaha la jooga hadaad muslim doonaysiid meccad iska daggey lahayd.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fabregas   

^^ meshan jogo waxba kama galin, sxb, and it doesn't mean one can't have a view. Somalilanda wa muslim land like mecca. anyway, wa lagu xukumi, soon you will see, inshallah. and adana waxba lagama weydin dono,sxb. wa in ilahay la cabudo, not colonial border ama democracy iyo shirki.

Share this post


Link to post
Share on other sites

What muslimland aya lugu xukuma sharciga islaamka ball ii sheeg. oo aan ahayn ilma abdulaziz ibn qudhunka yar eeh Xijaaz ka samaysteen. ma meel kala jiira oo ay shariciga islaamku lugu dhaqo ma jirto, marka hadaba hana ma jiro

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this