Sign in to follow this  
General Duke

TFG to start tax collection in Mogadishu...

Recommended Posts

cadde_gaabow.jpg

 

DFKMG oo canshuur ururin bilaabeysa

3 Apr 3, 2007 - 8:19:33 AM

 

Dowladda KMG ah ee Somalia, ayaa ku dhowaaqday in ay canshuur ururin ka bilaabi doonto magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

 

Ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Duqa Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, ayaa sheegay in Howlo cunshuur ururin ah ka bilaabi doonaa magaalada Muqdisho horaanta toddobaadka soo socda.

 

Dhagax tuur ayaa si gaar ah u cayimay in qorshaha cunshuur ururinta bilaaban doono Sabtida ama Axad, si lacagaha cunshuurta loogu dar dar geliyo howlaha dowladda KMG ah ee Somalia ka qabaneyso caasimadda.

 

Ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee Duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, waxa kale oo uu wacad ku maray in cunshuur ururin ka saameyn doonaan dhammaan magaalada.

 

"Canshuur ururinta waa ay saameyn doontaa qeyb kasta oo magaalada ka mid ah" ayuu yiri Dhagaxtuur.

 

Dhagaxtuur ayaa shacabka ku dhaqan magaalada caasimadda ah ugu baaqay inay bixiyaan lacagaha canshuurta ah oo ay dowladda KMG ah ee Somalia kusoo rogeyso

 

Canshuur ururinta ayaa dowladda KMG ah ee Somalia wax ay horey uga bilowday Waqooyiga magaalada, waxaana iminka kusoo biiri doono koonfurta sida uu sheegay Dhagaxtuur, oo rajo ka muujiyay in howshaas ay sidii loogu tala galay ku qabsoomi doonto.

 

Tallaabadan ayaa timid kadib markii dowladda sheegtey in ay ka adkaatay gacan bir ahna ay ku qabatay kooxihii qaran diidka ahaa ee rabshadaha ka waday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Degmooyinka Muqdisho oo laga bilaabayo Aruurinta Canshuuraha

Last Updated::2007-04-03 12:08:43

 

Muqdisho:- Maamulka Dowladaha Hoose ee Muqdisho ayaa lagu wadaa in asbuuca soo socda uu bilaabo hawlaha aruurinta Canshuuraha.

 

Maamulka Dowladaha Hoose ee Muqdisho iyo gobalka Banaadir ayaa sheegay in magaalada inteeda badan ay xasiloon tahay isla markaan ay doonayaan in laga hirgeliyo aruurinta Canshuuraha ee lamid ah kuwii horey loo qaadi jiray xiliyadii ka horeeyey dagaalkii sokeeye.

 

Dowlada Hoose ee Muqdisho ayaa sheegay in canshuurtan ay tahay tan magaalada u gaarka ah isla markaana dakhliga wax looga qaban doono baahida Bulshada Muqdisho ku dhaqan.

 

Dowladaha Hoose ee Muqdisho ayaa horey ugu guuleystay in ay canshuuro kusoo rogaan goobaha laga soo galo magaalada Muqdisho, ayadoo canshuurta inteeda badan laga qaadi jiray ganacsatada Qaadka.

 

Sidoo kale Dowladaha Hoose ayaa qeyb ku leh canshuurta laga qaado Dekkada iyo Airporka Muqdisho, ayadoo sidoo kale jiraan degmooyin kamid ah Muqdisho oo horey looga qaadi jiray suuqyadooda Canshuuro kadib markii la magacaabay maamulka Guddoonka Muqdisho oo ka kooban 16 degmood.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Maamulka gobolka Banaadir oo si rasmi ah canshuur aruurin ugu balaabayo Muqdisho.

3. April 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Maamulka gobolka Banaadir ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa lagu go'aamiyay in si rasmi ah howlaha canshuur aruurinta ah ay ka bilaabaneyso degmooyinka gobolka Banaadir qaarkood.

 

Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu sheegay in howlaha canshuur aruurinta ay tahay mid la go'aamiyay isla markaana aan dib looga laabaneyn, iyadoo degmooyinka gobolka Banaadir sida Degmada Kaaraan, Shibis, C/casiis iyo Boondheere si rasmi ah ay ugu socoto howlaha canshuur aruurinta, deegaanadaasi oo si weyn looga taageersan yahay dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

Maxamed Cismaan Dhagax Tuur oo ah ku xigeenka duqa magaalada ee dhinaca arrimaha bulshada ayaa sheegay in si rasmi ah howlaha canshuur aruurinta ay ugu bilaabaneyso Muqdisho saacadaha soo socda.

 

Hase ahaatee mararka qaar ayaa waxaa dhacda degmooyinka ay haatan ka socdaan canshuur aruurinta in lacagaha ku soo dhacda qasnata dowladda hoose aanan jirin cid la xisaabtanta iyo meesha ay ku baxdo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this