Cowke Posted June 28, 2010 Wasiiru Dowlaha Maamul Wanaaga Puntland oo Ku Taliyey in Shirarka Dibada Ka Dhaca Loo Soo Wareejiyo Puntland (Garowe) RBC: Wasiir Dowlaha Maamul wanaaga Puntland Maxamed Faarax Ciise Gashaan oo maanta ka qayb galayay kulan maanta uga furmay xarunta jaamacdda PSU xubn ka kala duwan oo ka ocda DKMG ah iyo Puntland ayaa sheegay in Puntland cid kasta soo dhawaynayso. Waxa uu sheegay wasiira Dowlaha in puntland waxbadan ku cel celisay kulamada lugu qabto Kenya iyo Jabuuti in halkaa lugu qabto maadama ay tahay goob nabdoon sida uu sheegay hasayeeshee waxa uu sheegay in arintaa ay ka dhega adeegaan. Mr Gaashaan ayaa intaa sii raaciyay in Puntland ay ku dagaalanto sidii dadka soomaalida la isku soo jiidi lahaa waxuuna tilmaamay in arintaa ay tahay tan Puntland had iyo jeer ku cel celiso oo ay hamiga ku hayso . Wasiira Dowlaha ayaa tilmaamay in dhoor jeer ayaa madaxda DKMG ah kal hadlay in Puntland ku qabsadaan kulamada dalka dibadiisa lugu qabto iyo sidoo kale tartamada ciyaaraha .la qabto. “Runtii waxaan hada ka hor la kulmay allah u naxaristee wasiirkii hore ee Sportska DKMG ah Salaymaan colaad rooble waxaana xaqiidii kala hadlay in tartamada ciyaaraha lugu qabto Puntland asna waa iga aqbalay marka wax kasta hadii sidii loo dhaho u fulaan waxba ma dhacayn” sidaa waxaa yiri Wasiira Dowlaha Mamul wanaga Puntland. Maxamed Faarx ciise Gashaan ayaaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Bulshada soomaaliyeed lugu dadaalo in mel iskugu yimadaan waxuuna xubnaha kulan kaa ka soo qaybgalay ee ka socday DKMG ah u jeediyay in madxda DKMG ah ay kula taliyaan sidii Soomaliya isku keeni lahaayeen. Ma ahan markii ugu horaysay ee Puntland ka hadasho arimaha la xariira DKMG ah iyo Puntland fikirkeeda ku aadan soomaaliya waxa ayna Puntland ku cel celisaa in xudun ay u tahay Soomaaliya. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 28, 2010 Wakiilo Ka Socda Wasaaradaha Arimaha Gudaha DKMG iyo Puntland oo Kulan uga Furmay Garowe Garowe (RBC) Waxaa maanta lugu qabtay Xarunta Jaamacdda PSU ee galbeedka Magaalada Garowe kulan baalaran oo ay ka soo qayb galeen Xubna kala duwan oo ka kala socda Gobalada Puntland iyo Gobalada koofureed qaarkood. Kulan kaa oo ay soo qaban qaabisay Hay,adda ILO oo ah Hay,adda hoostgata UNka ahna Hay,adda Shaqaalaha aduunka ayaa waxaa goob joogyaal ka ahaa Xubna ka socda Wasaradda arimaha gudaha DKMG ah iyo Dowlada hoose ee Gobalka Banaadir iyo wasaarada arimaha gudaha Puntland iyo Dowladaha hoose ee Gobalada Puntland. Shirkaa oo socon doona muda laba maalin aha ayaa waxaa ka soo qayb galay 40 xubnood waxaana ay kaga doodi doonaan sidii wada shaqayn buuxda u dhaxmari lahayd Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo Wasaaradaha Arimaha gudaha Puntland iyo DKMG ah iyo Dowladaha hoose . Inta uu socda kulan kaan ayaa xooga waxaa lugu saari doonaa sidii loo xoojin lahaa wada shaqayn dhaxmarta Wasaaradda arimaha Gudaha iyo Dowlada hoose iyo Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Taasoo iminka wada shaqaynta ka dhaxaysa aysan ahayn mid si wayan u muuqata. Waa markii ugu horaysay ee barnaamij nuucaan oo kale ah laga fuliyo Puntland in muda ah waaxana arintaan aad u soo dhawayay ka soo qaybgalayaashii kulan kaa joogay oo saxaafdda la hadlay. RBC NEWS Xafiiska Garowe C/raxmaan ilkacase Quote Share this post Link to post Share on other sites