Sign in to follow this  
General Duke

President and PM due in Somalia this week

Recommended Posts

_40621049_gedi203apbdy.jpg

 

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada DKMG ah iyo Ra'iisal wasaare Geedi oo berito u kicitimi doona safar dalka gudihiisa ah iyo Goobaha ay booqan doonaan

Posted to the Web Feb 23, 12:16

 

 

Nairobi:Wefti balaaran oo ka kooban Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka FKMG ah ,ayna si wada jir ah u hoggaaminayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliyeed,Md.C/llaahi - Yuusuf Axmed iyo Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Md.Cali Maxamed Geedi ayaa waxay berito socdaal ugu kicitimi doonaan dalka gudihiisa.

 

Weftigaan ayaa waxay wararka xog ogaalka ahi ee ka soo baxaya sheegayaan inay booqasho ku tagi doonaan Magaalooyinka baydhabo,Beledweyne,Garoowe,Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah,iyagoo safarkooda lagu tilmaamay mid la xiriira u kuurgalida arrimaha gudaha ee dalka iyo u bandhigid ku aadaan barnaajimka Dawladda ee Bulshada Soomaaliyeed ee muddada 14 sano ku jirtay kala dambeyn la,aanta.

 

Socdaalka Wafuudaan oo qaadan doona mudda 3 cisho ah ayaa waxay dib ugu soo laaban doonaan Magaalada Nairobi oo fariisin KMG ah u ah Dawladda,iyadoo markaas dib lagu dhaqaaqi doono dhagaysiga Weftiyadii kala duwanaa ee dalka soo maray oo iminka qaarkood uga sii horreeyaan meelaha ay tagayaan,waxaana Baarlamaanka la hordhigi doonaa labo arrimood oo kala ah in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo gacan ku siiya Dawladda dib ugu laabashada dalka iyo halkii noqon lahayd Xarunta KMG ah ee Dawladda inta Magaalada Muqdisho loo arkayo meel laga hawlgali karo,arrimahaas oo ay jiraan aragtiyo kala duwan oo laga qabo.

 

Dhinaca kale Weftii Baarlamaanka ee uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Md.Shariif Xasan Sh.Aadan ee ku hakaday Dubai ayaa waxaa lagu wadaa inay galabta abaarihii 5:00 galabnimo soo gaaraan Nairobi,ka dib markii ay ka soo laabteen safar 7da cisho qaatay oo ay ku tageen Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga,waxaana socda abaabulo lagu soo dhaweynayo weftigaas.

 

Jaamac Ismaaciil dahrbaaxo

Puntlanndpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo isu diyaarineysa soo dhoweynta wufuudda Dawladda Federaalka Soomaaliya

 

Garoowe - 22.February.2005 Waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland oo ay ka mid yihiin Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo laga dareemayaa sida ay mas'uuliyiinta iyo dadweynuhuba isugu diyaarinayaan soo dhoweynta wafdiga dawladda federaalka Soomaaliya, ee deegaannada Puntland ku soo fool leh maalinta Khamiista.

 

Waxaa si weyn u socda qabanqaabada ku aaddan soo dhoweynta wufuudda kala duwan ee dawladda Federaalka ah oo qaybo ka mid ah oo hordhac ay maanta ka soo degeen garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe.

 

Wafdiga imanaya Puntland maalinta Khamiista ayaa waxaa ka mid ah; Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan, Ra'iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi, iyo saddexda ra'iisal wasaare, taas oo muujineysa in dhammaan mas'uuliyiinta ugu sarsaraysa dawladdu ay Puntland imanayaan.

 

Dawlad Goboleedka Puntland, ayaa guddiyo kala duwan u saartay soo dhoweynta wafdigaasi, waxaana magaalada Garoowe ka soconaya qaban qaabo so xoog leh u soconeysa, waxana la qiyaasayaa in ay soo dhoweyntani noqon doonto tii ugu ballaarnayd ee abid ka dhacda deegaannada Puntland.

 

Maxamuud Faarax Bile

farahbile@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this