Sign in to follow this  
General Duke

Puntland Minister Marwo Casha Geele USA tour: PICS

Recommended Posts

caashogeeleMN1.jpg&cat=6&pid=2936&cache=

 

zCaashaGeelleStPaul2.jpg

 

Marwo Caasha Geelle oo la kulantay madax ka tirsan dawlad goboleedka Minnesota.

 

St. Paul, Oct 26 - Wasiirka horumarinta haweenka & arrimaha qoyska ee Puntland Marwo Caasha Geelle Diriye ayaa kulan la yeelatay Tina Liebling (DFL), mudane ka tirsan golaha wakiilada oo laga soo doorto degmada 30A ee dawlada goboleedka Minnesota.

 

Marwo Caasha ayaa uga la wadaagtay Md. Liebling xog waran guud oo ku saabsan Puntland, qorshaha guud ee Puntland ee horumarinta caafimaadka, adeegyada bulshada iyo dawrka dumarka ee horumarinta arrimaha qoyska.

 

Wasiirka ayaa sudii kale ka xog warantay wax qabadka wasaarada haweenka, qorshe hawleedka siyaasadeed ee wasaarada, iyo dadaalka guud ee wasaaradu ugu jirto daryeelka bulshada, gaar ahaan hooyooyinka iyo dhallaanka.

 

Md. Liebling, oo laga soo doorto degmada 30A oo ay deggan yihiin Somali badani, ahna ku xigeenka guddoomiyaha guudiga siyaasada ee Caafimaadka & Adeegyada Bulshada ee Minnesota ayaa uga xog warantay wasiirka hawlaha golaha iyo mashaariicda horumarineed ee ee sannad-miisaaniyeedkan u qoondaysan degmada iyo dawlada goboleedka MN.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale la kulantay Robert Lilligren, ku xigeenka golaha deegaanka ee Minneapolis.

 

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay is-kaashi dhex mara Puntland iyo Minnesota iyo weliba wadashaqayn ay yeeshaan magaalooyinka Puntland iyo kuwa Minnesota.

 

Wasiirada ayaa maalmaha soo socda sidoo kale kulamo la yeelan doonta madaxda mudanayaasha Congress-ka iyo Senate-ka ee Minnesota, iyo Duqayda magaalooyinka St. Paul & Minnesota.

 

Wasiirada ayaa todobaadada soo socda lagu qadaa in ay safar hawleed ku tago Wasington D.C. iyo dawlad goboleedyo kale oo ay ka mid yihiin Washington.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska oo si weyn loogu soo dhaweeyey Minnesota (Daawo masawirada)

 

Caasho Geelle Diiriye oo ah Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska DGPL ayaa si weyn loogu soo Dhaweeyey Gobolka Minnesota Caasho Geelle ayaa waxaa Casho sharaf u sameeyey Ururka Puntland Diaspora Forum waxaan ay xaflada casho sharaftu ka dhacday Hotelka la yiraahdo Radisson oo ku yaal Xaafadda Roseville.

 

Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska Halkaan Ka Dhagayso waxay ka hadashay Xaaladda dalka guud ahaan gaar ahaan waxay wax ka taabatay Burcad badeedka iyo dhibaatooyinka ay geystaan waxay kale oo ka hadashay dhibaatada haysata Dhalinyarada shaqa la,aanta iyo dadka reer guuraaga ah

 

Waxay kale oo ka hadashay dayaca haysta Gabdhaha Soomaliyeed Khud badeedii ayaa ahayd mid kaftan ku uu san ka marnayn waxayna tiri Inta aan Dayax Gacmeedka la i saarin horta ragga wax badan ayaa loo sacabiyey ee hadda dumarka caawey ha u sacabiyaan inta meesha la fadhiyana sacabka Ragga ayaa ku qoran Marwo Caasho Geelle Diiriye ayaa Khudbadeedii dhinacya badan taabanaysay.

 

Xaflada casho sharafta ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan Jaaliyadda Soomaliyeed ee Minnesota waxayna ahay casho sharaftan mid ka gadisan soo dhaweyntii looga bartay Jaaliyadda Minnesota waayo waxay ahayd sida goobta laga sheegay ama dareenku ahaa Gabar Wasiira oo Soomaaliya oo dad ka inta badan aysan arag wali Gabar Soomaliyeed oo Wasiir ah..

 

waxaana Goobta looga tiriyey Buraanbur Amaan iyo Guubaabo iskugu jira Haween badan oo Guubta ka Hadlay ayaa sheegay in ay soo dhaweyn jireen rag Boorsooyin dhaadheer wata laakiin hadda ay tahay wakhtigii Haweenka Marwo Xaawo Faarax Cadde Ayaa Sheegtay in Caasho Geelle Mudan tahay In Dayax Gacmeed la saaro

 

Dhinaca kale Professor Mohamuud Xaamud oo ah Madaxweynaha ku Xigeenka PDF ayaa si diiran u soo dhaweeyey Wasiirada oo waxaana hanbalyo iyo soo dhaweyn Hawada u soo marsiiyey Ambassador Abdiqadir Hashi oo Canada ku sugan sida Goobta uu ka sheegay Xiriiriyaha Barnaamijka C/fitaax yare Hadalkii Xaamud

 

C/risaaq Ducaysane oo ah Xiriiriyaha Qurba Joogta Puntland Xafiisna ka Furtay Caasumadda Puntland oo Howlo Safar u Jooga Minnesota haddana ka mid ah Jaaliyadda Minnesota oo goobta ka hadlay ayaa ka waramay Howl karnimada Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Qoyska Caasho Geelle wax uuna Xusay in wasaaradaan ay tahay tan ugu shaqaalaha badan Puntland waxuuna ka wara may doorka ay ka cayaartay Puntlland gaar ahaan Xiligii Doorashooyinku socdeen.

 

Mohamed Kaynaan oo ah Xildhibaan ku jira Baarlaanmka Dowladda Federaalka ah kana soo jeeda Puntland ayaa asna goobta ka hadlay asaga oo soo dhaweeyey Wasiirada.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Peacenow   

I'm impressed with the Puntlanders here. They look classly and educated not like the Somalilanders crap you use walking the streets of London.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Adeer there is nothing wrong with Somalilanders in the UK. I grew up there, a fine bunch of Somali's they are, though I disagree with the secessionist nonsense.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Casha Geelle is becoming quite famous and is a capable minister better than her male conterparts. Somalis in MN should do fundraising for the minister so that she can more for the people back home.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Puntlanad Adeer and not Bari, that's just one of the regions Of the beloved state and no she is not from down under. Casha is a wonderful lady may Allah reward her hard work for the state, she did a great deal in settling the stand off in the elections.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marwo Caasha Geelle oo la kulantay madaxda hay'ada Qaxootiga America, ARC.

 

Minneapolis, Oct 28 - Wasiirka horumarinta haweenka & arrimaha qoyska Marwo Caasha Geelle Diriye oo safar hawleed dhawr todobaad ah ku joogta Minnesota ayaa maanta kulan la yeelatay madaxada hay'ada Qaxoogisa America, ARC ee fadhigeedu yahay Minneapolis.

 

Kulanka oo ahaa mid xog waraysi labada dhinac ah ayaa Marwo Caasha ay ugu horayntii dulmar guud ka bixisay sib-badelada iyo horumarka siyaasadeed ee Puntland, tadawurka iyo heerarka kala duwan ee ay soo martay, qorshe hawleedka siyaasadeed ee dawlada ee 5-ta sano ee soo socota, iyo siyaasada Puntland ee ku aadan daryeelka muhaajiriinta iyo barakacayaasha ka soo haajiray gobollada Bartmaha & Koonfurta Somaliya ee muddo ku sugnaa gobollada Puntland.

 

Wasiirka oo ka hadashay muhaajiriinta loo yaqaan 'IDP - internally displace persons' ee ku sugan Puntland ayaa ay sheegtay in qiyaastii ay dhan yihiin illaa 400,000 oo u badan dad danyar ah, una badan dumar iyo caruur, oo u yimid Puntland in ay ka badbaadaan dagaalada aafeeyey Koonfurta Somaliya, isla markaana ay nolol ka samaystaan Puntland.

 

Marwo Caasha waxaa ay sheegtay in muhaajiriintu ay la kulmaan dhibaatooyin badan oo isugu dhafan kuwa bulsho, dhaqaale, iyo nololeed oo ay adag tahay sida ay sheegtay in dawlada Puntland ay ****osha dhammaan baahiyaha muhaajiriinta ku sugan Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this