Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Nuradin Farah on Somalia

Recommended Posts

Nuruddiin Faarax oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in shirar badan oo Soomaalidu ay isugu timid kadib ay weli wax is beddel ah ku iman, sidii ay kooxaha Soomaalida u fakiri jireen iyo shuruudihii ay isku xiri jireen.

 

Qoraagu waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda ay ku eedeeyso maxkamadaha inay aragagaxiso yihiin, halka mucaaradkuna ay leeyihiin ma aqoonsanin wax dowlad la yiraahdo, haddana ay wada kulmayaan iyadoo ay dad ajnabi ah dhexdhexaadinayaan.

 

Nuruddiin Faarax waxa uu sheegay in loo baahan yahay in xal loo helo dhibaatada Somalia, isagoo intaa raaciyay waa in lala xisaabtamo qolyaha keenay ee u ogolaaday in Ethiopia Somalia ay soo gasho, oo uu ku tilmaamay inay dambi tahay.

 

Qoraaga ayaa sheegay in isagu uu haatan ka hor isku dayay inuu dhexdhexaadiyo dowladda iyo maxkamadihii xilligii ay joogeen, balse ay suurta geli weysay, isagoo xilligaasi uga digay sida uu sheegay dowladda iyo maxkamadaha haddii aanay heshiin in Muqdisho lagu dagaallami doonno Ethiopiana ay soo geli doonto.

 

More .......... and Listen to the Audio

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this