Sign in to follow this  
Jumatatu

Troop deployment 'plan' in Somalia..!

Recommended Posts

Jumatatu   

HornAfrik oo heshay document sir ah oo ka hadlaya keenista ciidamo shisheeye dalka iyadoo uusan ansixin baarlamaanka Soomaaliya.

 

Document sir ah oo ay heshay shirkada Warbaahinta HornAfrik ayaa waxaa uu muujinaya sida loo sii qorsheeyey ciidamada ka socda dalalka IGAD qaabka iyo sida loogu tala galey iney dalka Soomaaliya u yimaadaan.

 

Documentigan oo aanu ku xusneyn in ciidamada IGAD geyn tooda laga ansixin doono baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa tilmaamaya in dowlada la sii dajinayo magaalo kale oo KMG ah inta loo diyaarinayo in loo soo raro magaalada Muqdisho, iyo in keenista ciidamada loo qeybiyey dhowr waji, sida ay u hawl galayaana loo qeybiyey shan waaxood, iyo waliba in saddexda bilood ee ugu horeysa in dal walba oo ka tirsan IGAD ciidamadana u soo diraya Soomaaliya uu iskiis isaga bixin doono wixii kharash ah ee hawl gal kaasi ku baxaya.

 

Hawlgalka ciidamada IGAD ay ugu direyso Soomaaliya oo loo bixiyey IGAD ZONE ayaa cel celiska ciidamada ay soo dirayaan ku qiyaasaya guud ahaan sideed kun “8,000†oo askari.

 

Wajiga koowaad ee ciidamada ayaa documentiga uu tilmaamayaa iney hawshoodu tahay iney muddo laba todobaad ah ay ka sii horeeyaan iyagoo laga doonayo iney sii sugaan amaanka halka ay dowladu dageyso.

 

Wajiga labaad ayaa isna dhacaya laba todobaad ka dib marka dowladu soo gasho gudaha Soomaaliya, waxaana ay ciidamadu galayaan waaxda Dooxada Jubba oo la geynayo laba guuto, waaxda bartamaha Soomaaliyana hal guuto, waaxda Punt-Land hal guuto, wajiga saddexaad ee ciidamadaasi IGAD ayaa ka dhacaya waaxda Banaadir, taasoo ku xiran sida documentiga uu tilmaamayo in dowlada federaalka ay dhameystirto dibu heshiisiinta siyaasadeed.

 

Marka laga soo tago qaabka iyo waaxyah loo baahinayo ciidamada oo documentiga ku tilmaaman waxaa kaloo ku cad war saxaafadeed ka soo baxey golaha amaanka ee midowga Afrika shirkii ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, kaasoo lagu soo dhoweeyey warkii ka soo baxey shirkii madaxda IGAD oo ka dhacay Abuja, kaasi oo tilmaamayey in ciidamo ka socda dalalka wadamada Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Sudan iyo Uganda la geeyo Soomaaliya, waxaana la geynayaa ciidamo ka socda dalalkaasi, oo qariidad ahaan documentiga loogu muujiyey,waxaana loo qeybiyey shan waaxood.

 

Waaxda Koowaad: Baay iyo Bakool.

Waaxda Labaad: Dooxada Jubba.

Waaxda Saddexaad: Punt-Land.

Waaxda Afaraad: Bartamaha Soomaaliya.

Waaxda Shanaad: Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa kaloo documentiga ku cad qaabka dhismaha ciidamadaasi iyo taliskooda iyo jadwalka shirarka, looga tashanayo qaabka ciidamada ku soo gaarayaan gudaha Soomaaliya, oo ay ku jiro shirka wasiirada gaashaan dhiga dalalka IGAD 12 Maarso uga furmaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, 17 Maarsana waxa ay xogheynta dalalka IGAD ku kulmayaan magaalada Nairobi, si looga dooda qorshaha ciidamada, 25 Maarsana waxaa Kampala ka dhacaya shir ay isugu imanayaan madaxweynayaasha dalalka IGAD, si markaa qorshaha loo oggolaado.

 

4 April 2005 waxaa Golaha Amaanka ee Midowga Afrika la soo hor dhigayaa magaalada Addis Ababa qorshaha ciidamada, iyadoo 6 April 2005 uu dal walba bilaabayo inuu ciidamadiisa kala hadlo qaabka hawlgalka, iyadoo 18 Aprilna uu Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey uu ogolaansho siin doono, taasoo ka dhacaya magaalada New York.

 

20 ilaa iyo 25 Aprilna taliyaha ciidamada IGAD Zone ayaa xaqiijin doona in ciidanadiisu diyaar u yihiin galida Soomaaliya, waxaana 30 April 2005 soo galaya magaaalada ay sida KMG ah u dagi doonto dowlada ciidamada ugu horeeya ee IGAD ka socda, iyadoo ay la socdaan goob joogayaal ka socda Midowga Afrika, iyadoo wajiga saddexaad ee ciidamadaana la keeni doono 1da December 2005.

 

Qorshaha waxa kaloo ku cad in IGAD ay kala wareegi doonaan hawl galka nabadda Soomaaliya ay ku sugayaan ciidamo ka socda Midowga Afrika 28 February 2006, iyadoo dowladana laga soo rarayo dalka Kenya 14 May sanadkan 2005.

 

March 09, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this