Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts, a case of laugh now cry later.

Recommended Posts

BAYDHABO: Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Muqdisho oo laga cabsi qabo inay isku dhacaan

Posted to the Web Oct 23, 23:47

 

 

Baydhabo: (pp) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Xarrunta ah DFKS ayaa sheegaya in asbuucaan gudihiisa laga cabsi qabo inay isku dhacaan Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maxaakiimta Muqdisho.

 

Bilihii la soo dhaafay oo dhan ayaa waxaa soo baxayey cabsi aad u tiro badan oo laga qabay inay mar uun isku dhacaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa maxaakiimta .Waxaana soo dhowaaday waqtigeedii, maadaama ay is kulaalayaan kuwa dowlada iyo Maleeshiyada Maxaakimta Muqdisho.

 

Maleeshiyooyinka Maxkamaduha ayaa Asbuucii la soo dhaafay lagu soo daabulayey Garoonka Diyaardaha ee Bali-doogle , halkaas oo ay hor joogeyaasha Maxkadaduhu ay isugu keeneen Maleeshiyo iyo Tiknikooyin lagu qiyaasay 50-meeyo ay saaran yihiin hubabka noocyadiisa kala duwan.

 

Ka bixitaankii ay Ciidamada Dowladu ay kabaxeen Deegaanka Buur-hakaba ayaa waxay soo de-dejisay inay Maleeshiyaadka Maxaakiimtu ay ku soo siqaan deegaanka buur-hakaba oo ay hada ku suagn yihiin.

 

Ciidamada DFKS ayaa la sheegayaa in la geliyey heegankii ugu danbeeyey, badidoodna laga soo saaray goobihii ay horay ugu sugnaayeen. Dhaqdhaqaaqa ciidamada Dowlada oo ku hubaysan Baabuurta gaashaaman ayaa laga dareemayaa magaalada Baydhabo , waxaana saraakiisha dowlada ay wada galeen heegankii ugu danbeeyey , kaddib markii ay ka warheleen goobihii ay soo baneeyeeen ee dhanka buur-hakaba inay soo buuxiyeen Maleeshiyooyinka maxaakiimta oo ay ka'ag dagaalamayaan sida ay Puntlandpost xogta ku helayso quwado shisheeye oo mutadawaciin ah.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee naga soo gaara magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ay kusugan yihiin goob lagu magacaabo Mood moode oo Deegaanka Buur-hakaba u jirta 40 km.Waxaana magaalada Baydhabo Daafaheeda laga dareemaya Ciidamo aad u faro badan oo kuwa dowlada ah oo ku sii socda dhanka ciidamada Jiida hore ee fariisimaha dowlada, halka kuwa maleeshiyada Maxaakiimtu ku sugan yihiin deegaanka Buur-hakaba oo ay horay u baneeyeen kuwa DFKS.

 

Kala soco Puntlandpost Wararka ku saabsan arrimaha Soomaaliya waqti walba iyo goor walba

 

Daabacaada: Qaybta Wararka deg-dega: Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhacade oo soo gaarey Buurhakaba

23 Oct 23, 2006, 16:52

 

Ciidamo aad u fara badan oo ay horkacayaan Maddaxa Amniga ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga Yusuf Max'ed Siyaad "Indhacade" iyo Ku-xigeenkiisa Sheekh Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa soo gaarey degmada Buur-hakaba ee Gobalka Bay.

 

 

 

Xubnahaan ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamiga ee gaaray Degmada Buur-hakaba ayaa ku soo beegantay ka dib markii degmadadaasi xalay saqdii dhexe ay ka baxeen Ciidamo ka tirsan DFKMG ah oo halkaasi horey u qabsaday.

 

 

 

 

Ciidamadii ay wateen xubnhaan Maxkamadaha ka tirsan ayaa durbadiiba waxaa la geeyay fariisimaha adag oo ay Ciidamada Maxkamadaha ka sameynteen dulleedka Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Bay.

 

 

 

Xasan Aadan Burow oo ah Taliyaha Ciidamada amniga ee degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in Mas'uuliyiintaa u imaadeen Degmadaasi sidii loo qorsheyn lahaa weerar culus oo Maxkamadaha ay ku qaadaan Magaalada Baydhabo oo xligaan fariisin dhexe u ah Dowlada Federaalka Somalia.

 

 

 

Burow oo aan qadka telefoonka kula xiriirnay isagoo ku sugan Degmada Buur-hakaba ayaa sidoo kale sheegay in ka bixitaanka Ciidmada Dowlada ee Buur-hakaba ay timid kadib markii ay maqleen in ciidamo ka tirsan Maxkamadaha oo aad u hubeysani ay ku soo food leeyihiin Degmada Buur-hakaba, taasina ay keentay in xalay saq dhexe ay Buur-hakaba isaga hayaamaan waa sida uu hadalka u yiri.

 

 

 

 

Imaanshaha xubnhaan sar sare ee ka tirsan Golaha Maxkamadaha Islaamiga ayaa dadweynaha qaarkood ku macneeyeen iney qorsheynayaa weerar maalmahaa soo socda ay ku qaadaan Magaalada Baydhabo ee xarunta dhexe xiligaan u ah DFKMG ah.Ka dhageyso halkan Khudbada Sheekh Shariif

 

 

 

Cabdi Fatax Axmad, Baydhabo

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this