Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Security crackdown continues..

Recommended Posts

Suuqa 2-aad ee suuq bacaad ee Magaalada Muqdisho oo saaka xiran.

 

Mogadishu,17, August 2007 (HornAfrik Media)

 

Ciidamo itoobiyaanka ah ayaa saaka howlgalo baaritaano ah waxaa ay ka bilaabeen deegaanka suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho iyadoo la xirey wadooyinka.

 

Waxaa saaka lagu arkayay deegaanka qeybo ka mid ah Ciidamo aad u hubeysan oo itoobiyaan ah iyo waliba Ciidamada dowladda KMG ah ee soomaaliya kuwaas oo soo buuxiyay wadooyinka soo gala suuq Bacaad, waxaana dhamaanba albaabada loo laabay saka goobihii ganacsiga ee suuqaasi.

 

Howlgaladaan ciidamada itoobiyaanka ay gacanta ku siinayaan kuwa dowladda KMG ah ee soomaaliya ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii shalayto deegaanka suuq Bacaad uu ka dhacay weerar bam gacmeed ah oo lala lala bartilmaameedsaday gaadiid ay saarnaayeen ciidamada dowladda, FKMG ah

 

Dhinaca kale waxaa hakad galay saaka howlihii dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee suuqa labaad ee Magaalada Muqdisho suuq bacaad kadib markii ay saameyn xoogan ku yeelatay qul qulatooyinka ka socda deegaankaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Dad fara badan oo lugu qabtay Muqdisho 24 saac ee lasoo dhaafay oo ay ku jiraan dad Ajnabi ah.

17. august 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxda xafiiska xiriirka warbaahinta & dadweynaha ee ciidanka Booliiska G/lle Cabdi-Waaxid Max’ed Xasan ayaa sheegay in ay ciidamada dowlada Soomaaliya soo qabteen 24 saac ee lasoo dhaafay dad kala duwan oo ay ku jiraan Ajnabi uu sheegay in ay argagixiso yihiin.

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in ay gacanta ku dhigeen dad boqolaal gaaraya oo uu sheegay in ay yihiin kuwa qaraxyada ka wada Magaalada Muqdisho ,isla markaana wuxuu sheegay Cabdiwaaxid Maxamed Xuseen in ay dadkaasi ku jireen dadka farsameeyo qalabka wax lugu qarxiyo isla markaana Waqti dhow Maxkamad lasoo taagayo.

 

Madaxda xafiiska xiriirka warbaahinta & dadweynaha ee ciidanka Booliiska G/lle Cabdi-Waaxid Max’ed Xasan ayaa sheegay in dadkaasi waqtigan lugu hayo xabsiyada ay dowladu gacanta ku heyso ,asagoo dhinaca kale sheegay in aysan wax khasaare ah ciidamada ka soo gaarin howlgalladii dadkan lugu soo qabtay.

 

G/lle Cabdi-Waaxid Maxamed Xasan oo la weydiiyay sida ay ku ******** in ay kooxaha ajnabigaa yihiin Argagixiso ayuu sheegay in ayaga ka heleen warbixino kala duwan oo arintaan ku aadan.

 

Sarkaalkan ayaa wuxuu kaloo shaaca ka qaaday in gabi ahaanba lasoo gaaray gabagabadii soo qaqabashada dadkaasi qaraxyada ka wada magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Waa markii ugu horeysay oo ay ciidamada dowlada Soomaaliya si rasmi ah usheegaan in ay soo qabtaan kooxo ka tirsanaa kooxaha weerarada la beegsada ciidamada dowlada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this