Jacaylbaro Posted November 1, 2007 WAFI XUKUUMADA AH OO KU SII JEEDA LAASCAANOOD Burco(QARAN)-Wafti xukuumada ah oo uu horkacayo Wasiirka Hawlaha Guud iyo guriyaynta ayna waheliyaan Wasiirka Macdanta iyo Biyaha,W/xigeenka Qorshaynta,saraakiil ka tirsan W/caafimaadka, W/waxbarshada,Hayada SRA,iyo masaauliyyin kale oo badan ayaa caawa fiidkii soo gaadhay Magaalada Burco,Kuwaasoo u sii jiida dhinaca magaalada laascaanood. Madaxa waftigan Md.Siciid Sulub oo Wariye Kayse Axmed Digaalewax ka waydiiyaya ujeedada safarkoodan laascaanooda ayaa waxa uu yidhi “Ujeedayadu waxay salka ku haysaa dibudhiska iyo maamul samaynta gobolka sool”. Waxa uu intaa raaciyay Wasiirku inay Gurmad Raashin iyo Daawo isugu jirta tii dadka iyo xoolaha ah u sidaan Laascaanood. Waxa kale oo Wasiirku intaa ku daray inay la socdaan Injineeradii wasaarada hawlaha guud,Hayada Wadooyinka SRA,wasaarada kastana ay masuuliyiin kala socoto,iyadoo ujeedadu tahay in qiimeyn guud lagu soo sameeyo xaalada gobolka sool.islamrkaana ayna daba imandoonaan Hayadihii samafalka caalamiga iyo kuwii wadniga ah, si ay iyaguna kaalintooda u qaataan ‘Wajigii hore waxa uu ahaa kii ciidanka,hadana waa dibudhiskii iyo sidii gobolka wax loogu qaban lahaa dhinaca horumarka” Waftigan oo caawa fiidkii soo gaadhay Burco ayaa subaxnimada hore ka jarmaadi doona kaasoo la filayo inuu duhurnimada gaadho laascaanooda.. Magaalada laascaanood ayaa hada degan xaaladeedu,iyagoo ay halkaa hore ugu sugnaayeen wasiiro iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumada gaar haan kuwa ka soo jeeda gobolkaasi. TogdheerNews. Quote Share this post Link to post Share on other sites