AYOUB Posted July 30, 2008 Ethiopia:Warar Cusub oo Sheegaya Sababtii loo Xidhay Ugaas Abdiraxmaan ugaas Muxumed Qani 07/29/08 Jijiga(Kilil5)---Ugaas Abdiraxmaan ugaas Muxumed Qani Siigaale ugaaska beesha Cabdale ee degta Gobolka goday oo todobaadadii lasoodhaafay lagu xidhay magaalada goday ayaa la sheegayaa in loosoo gudbiyay magaaladan Jijiga. Shir ay xukuumada deegaanku qabatay magaaladaas goday todobaadadii lasoo dhaafay oo uu hogaaminaayay madaxwaynaha deegaanku mudane Cabadilaahi Xasan ayay xukuumadu ka sheegtay shirkaas in ay xukuumada iyo dawlada deegaanku ay damacsanyihiin inay 30,000 kun oo qoys ay dib u dajin ugu samayndoonaan magaalada goday. Dadkan tiradabadan ayaa la’aaminsanyahay in badidooda lagakala keenidoono qoomiyadaha kale ee Itoobiya. Ugaaska oo ka mid ahaa dadkii halkaas shirka loogu hayay ayaa sadex jeerr farta taagay intii uu shirku socday balse loodiiday inuu hadal ka dhibto shirkaas. Ugaaska ayaa la sheegay in markii shirku dhamaaday uu si gooniya ula hadlay madaxwaynaha deegaanka iyo maamulkii halkaas joogay oo uu u sheegay in umada somaliyeed ee ku nool gobolkaasi waa godaye ay aad u baahantahay suuro galna ayna ahayn in qoomiyado kale iyo gobolo kale dad laga keenay in dib u dajin loogu sameeyo isla gobolkan oon wali dadkiisiiba aan dib u dajin loosamaynin arinkan iyo fikirkan ka soo horjeeda kii ay xukuumadu wadatay ayaana loo aanaynayaa in ugaaska loo xidhay. Intii uu shirkaasi ka socday magaaladaasna waxaa ka dhacay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo fikiradan ay xukuumadu soojeedisay ee ay damacsantahay inay dib u dajin ugu sameeyaan dad aan deegaanka udhalan. Dadbadan ayaa iyagu aaminsan tani inay noqondoonto khiyaamo qaran iyaga oo sabab uga dhigaaya in dawladu damacsantahay in deegaanka somalida ay qoomiyado kale la wadaajiso. Waxay dadbadani sheegayaan in ay dhacdadan ookale ka dhacday deegaanka wakhtigii Xayla salaas taas oo uu ku beeray dadbadan oo kasoo jeeda qoomyada Axmaarada deegaanka soomalida ilaa hadana ay ku dhaqanyihiin deegaanka. Waxaa sidoo kale jirta in ay adagtahay dadka somalida ahi iyagku inay kunoolaadaan deegaanada kale ee dalka iyada oo aan haba yaraatee wax fursad ah aan looga ogolayn inay kaqaybgalaan shaqaalaha deegaanadaas kale balse waxaad arkaysaa in ay boosaska ugu muhiimsan deegaanka ay badidooda haystaan dad kasoo jeeda qoomiyadaha kale ee dalka gaar ahaan qoomiyada axmaarada oo iyagu aad ugu badan deegaanka kana soo jeeda dadkii uu Boqor xayle salaase ku beeray deegaanka. Jijiga Kilil5 Online Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted July 30, 2008 ^ Reer Godey showed their opposition of this terrible idea in a peaceful protest. Ufortunately, there are more than 200 people in the prisons of Godey now. This gumeysi is not going to last longer. Quote Share this post Link to post Share on other sites