Jacaylbaro Posted August 12, 2010 Madaxweyne Siilaanyo Oo Badhasaabyo Cusub Ku Dhawaaqay, Gobolada Sanaag Iyo Salalna U Daayay Kuwii Hore U Joogay Hargeysa (HWN)Madaxweyneha jamhuuriyadda somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta ku dhawaaqay liiska badhasaabada gobolada dalka. Warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada oo ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyada C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay in madaxweyne siilaanyo uu ku dhawaaqay magacyada 9- badhasaab. Waxaanu warsaxaafadeekaas oo dhamaystirani uu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu gudoomiyeyaal cusub u magacaabay gobolada Maroodi Jeex,Togdheer,Saaxil, Hawd, Gabiley, Sarsar, halka uu gobollada Sanaag iyo Salal dib ugu magacaabay Badhasaabadii hore u joogay inay hawsha halkaa ka sii wadaan.. Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad ee dastuurka JSL, isla markaana tix-gelinaya ahmiyada wayn ee ay goboladani u leeyihiin dhismaha Qaranka, tixgaliyayna kartida, aqoonta iyo hufnaanta shaqo ee ay leeyihiin waxa uu u magacaabay in ay guddoomiyayaal ka kala noqdaan 1. Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Mudane Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje). Gudoomiye ku xigeen gobolka Maroodi-jeex:Mawliid Weris Cabdilaahi 2. Gudoomiyaha Gobolka Togdheer. Yaasiin Maxamed Cabdi Gudoomiye ku xigeen gobolka Togdheer: Cabdi Daahir Caynaanshe 3. Gudoomiyaha Gobolka Saaxil: Maxamuud Cali Hayste (Ramaax) Gudoomiye Ku xigeen gobolka Saaxil khaddar Cali Cilmi 4. Gudoomiyaha Gabilely Rashiid Cumar Sh. Maxamed Gudoomiye ku xigeen gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi (Cali Case) 5-Gudoomiyaha Gobolka sool Mudane Cabdilaahi UJaamac Diiriye, Gudoomiye ku xigeen gobolka Sool Axmed Aadn Carte 6- gudoomiyaha gobolka Hawd: Jamaal Xuseen Hurreh Gudoomiye ku xigeen gobolka Hawd khaddar Ibraahin Jaamac 7-Gudoomiyaha gobolka Saaraar: Ibraahin Xasan Cali Gudoomiye xigeen gobolka Saaraar: Ibraahin Jaamac Maxamed 8-Gudoomiyaha gobolka Sallel: Maxamed Muuse Bucul 9-Gudoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurreh (dib-u-magacaabid) Madaxweynuhu waxa uu gudoomiyeyaashii hore iyo ku xigeenadooda hore ee gobolada Maroodi-jeex. Saaxil, Togdheer, Sool, Saraar, Hawd iyo Gabiley uga mahad-celiyay mudadii ay xilka soo hayeen, iyada oo ay sunnaha dawladnimotahay isbedelku awgeedna waxa uu Madaxweynuhu faray inay sida ugu dhakhsaha badan ugu wareejiyaan masuuliyiinta cusub ee xilalka loo magacaabay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 12, 2010 good to see Cali Cabdi Hurreh is renamed as sanaag governor. :cool: Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted August 12, 2010 Originally posted by Libaahe*: good to see Cali Cabdi Hurreh is renamed as sanaag governor. :cool: You know I came into the thread just to check for that. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted August 12, 2010 AfricaOwn, :cool: anigu waan iska oga ina la badalayn governorkan since he did alot of good things for gobolka sanaag in the past years. Quote Share this post Link to post Share on other sites