Sign in to follow this  
Saalax

Siilaanyo welcomed with red carpet - Addis ababa -

Recommended Posts

Saalax   

Libaax-Sankataabte. Waan kala aqaana dadka deegaan ah iyo ONLF. dadka deeganka ah are not interested in burning trucks carrying goods it's a ONLF habit. Anyhow ONLF are not saints just slightly better than former WSLF. Which we both know it's history of clannish violence against the people of somaliland and it's well documented how they were the footsoldiers of siad bare.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

There is a difference being just a footsoldier and a footsoldier attacking other innocent fleeing somali displaced people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Libaahe waa nin cuqdadeysan illeen. 1988 bey kaga dhagn tahay wali.

 

Siilaanyo is a governor of a Somali province, he visited Ethiiopia as such. He was welcomed by a vice minister and no one else, marka qeylada yaree. Ethiopia doesn't even recognize him.

 

P.s. why are u so excited about Ethiopia's visit lol sidii adoo janno laguugu bishaareeyay ehe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo Oo Kulan Layeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia Males Zenawi.

 

 

Siilaanyo_1.jpg

 

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Siilaanyo Oo Kulan Layeeshay Raysal Wasaaraha Ethiopia Males Zenawi

Addisababa(OWN)- Raysal Waraaha Dawlada Fadaraalka Ethiopa Md.Meles Zenawi ayaa maanta Qasiga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilanyo.

Labada Hogaamiye ayaa waxa ay wararku tibaaxayaan in ay ka wad hadleen xidhiidhka u xadheeya labada wadan iyo sidii loo dardar galin lahaa, waxa ay wararku sheegayaan in Raysal Wasaare Meles Zenawi uu si weyn u soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland isaga oo sheegayna in u si kal iyo laab leh u soo dhawaynayo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa kale oo uu xusay Md.Zenewi in doorashadii ka dhacday Somaliland ay mudnay mid la hambalyeeyo, doorashadaas oo uu ku guulaystay Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu sheegay in Somaliland ka soo gudbtay xaalado fara badan taas oo uu ku sheegay in shacbiga Somaliland ay muujiyeen dhabr adayga.Madaxweynaha Somaliland ayaa isna geestiisa uga mahad celiyey sida Saaxiib tinimada leh iyo sida heerka sarena ah ee loo soo dhaweeyey waxaanu Meles Zenawi ku tilmaamay haleyey Geeska Afrika, ah waxaanu si xoog leh uga mahad celiyey soo dhawaynti iyo qaabilaada kalgacaltooyo ee dawlada Ethiopia ku qaabishay isaga iyo waftigiisa.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa balanqaaday in uu sii xoojinayo xidhiidhka u dhaxeeya labada dal u dhaxeeya kaas oo ah mid qaan gaadha waxaanu ka waramay Madaxweynuhu taariikhda Somaliland iyo Xidhiidhka U dhaxeeyey labada daladood.

Kulan ay yeesheen labda dhinaca ayaa waxa Somaliland uga qayg galay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, Wasiirka arimha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed C/laahi, dhinaca Xukuumada Ethiopiana Raysal wasaare Meles Zenawi iyo wasiirkiisa arimaha Dibada ahan Raysal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Madax kale.

Ugu danbayntii Waftiga Madaweynaha Jamhuuriyada Somaliland Hogaaminayo waxa qado sharaf ugu sameeyey Hotel Shereton Wasiirka Arimaha Dibada ee Ethiopia ahna Raisal wasaare ku xigeenka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

Originally posted by Libaahe*:

Siilaanyo_1.jpg

 

 

Kursigaan nin kasta oo Soomaali leader sheegta baa lagu fariisiyaa , xataa lama badalo , 10 sano same room, same kursi,waan la yaabanahay ma falbaa.Ubaxaan yar ee nin kasta la hor dhigo uun baa iga yaabiyey. :eek: farole-zenawi.jpg?w=450&h=346

shariif%20and%20melez.jpg

Dahir%20Riyale_Zenawi.jpg

 

Melez kaas xataa nalkaa yar iska badali waayey ee Soomaaliya qaxoontiga ka ahaa baa Soomaali oo dhan hoos tagtay Allow noo yasir. :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by NGONGE:

^^ Waa isku mid dee. The intentions of the ONLF are good and noble but when that same organisation goes on blow up other people's trucks, the victims can not be blamed for not giving a stuff about such intentions.

lool@NGONGE. War arintaa inay ONLF ka dambaysay ma la hubaa Mujaahid?

 

Zackoow, ONLF ma baabuur shacab masaakiin ahi leeyihiin bay gubtay, mise this is only Libaahe's spin?

 

Aaway AT&T?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo si heer sare ah u qaabilay Madaxwayne Silaanyo iyo waftigiisii

 

 

23th3z9.jpg

 

 

(Hadhwanaagnews) Thursday, November 18, 2010

 

Adis-Ababa-(HWN)-Raysal Wasaaraha Dawladda Itoobiya, Mudane Meles Senawi ayaa maanta qaabilay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo waftigii Somaliland ee uu hogaaminayay oo hadda booqasho rasmi ah ku jooga Itoobiya. Kulankan oo ka dhacay qasriga Madaxtooyada ee Itoobiya waxaa kaloo dhinaca Itoobiya goobjoog ahaa Raysal wasaare ku xigeenbka Itoobiya Hailu Mariam Desaglen, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiye iyo masuulyiin kale. Dhinaca Soomaliland waxaa madaxwaynaha kulankan ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda, wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Qorshaynta, Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo Chief kabinetka.

 

 

 

Waxaa kulanka lagaga hadlay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeyay Itoobiya iyo Somaliland iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacayada Nabadgalayada, Ganacasiga, Isgaadhsiinta , Awoodda korontada iyo Waxbarashada. Madaxwayne Silaanyo iyo Raysal wasaare Meles oo hadallo ka jeediyay Munaasabada ayaa si qotto dheer uga warmaya qorshayaasha labada dal ee ku wajahan sii kordhinta xidhiidhka labada dal oo maalinba maalinta ka denbaysa sii kordhaya.

 

 

 

Kulankaasi ka dib waxaa shir gaar ah wada yeeshay Raysal Wasaare Meles oo uu weheliyo wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Hailu Mariam Desaglen, iyo Madaxwayne Silaanyo oo uu weheliyo wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar. Shirkan oo qaatay wakhti dheer waxaa lagu lafa-guray xiisadaha Siyaasadeed iyo Nabadgalyo ee ka aloosan geeska Afrika. Waxaa si balaadhan loo cabiray hindisayaasha siyasadeed iyo nabadgalyo ee labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ee ku wajahan arrimaha ka taagan Geeska Afrika, iyo sidii iskaashi buuxa ay uga wada yeelan lahaayeen yaraynta khataraha ay xasilooni daradani u keeni karto dadka ku dhaqan gobolka. Waxay kaloo ka hadleen sii adkaynta xidhiidhka Siyaasadeed, Nabadgalyo iyo Ganacsi ee ka dhaxeeyay labada dal oo imika galay marxaladii ugu saraysay intii uu xidhiidhkani jiray.

 

 

 

Sida laga warqabo, waxaa Madaxwaynaha Somaliland markuu yimid Itoobiya lagu soo dhaweeyay maamuus sare oo aan hore loogu soo dhawayn madaxayne ka socda Somaliland.

 

 

 

 

 

Press Office

 

 

 

Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

After all, Silanyo comes back to Addis, his real home.

'Caadaadii nin baajo'

'Bahal caydhiin ma daayo'

'Caarre waa dhalankiisa'

 

Cimri tegey ceeb ma lagu sagootiyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

LST,

 

ONLF baabuur ay dad rayid ah leeyihiin ma gubin, shacabna ma leyso. Qabiilada wada dega xuduudka Waqooyiga iyo Galbeedka Somaliya marar badan wey is dagaalaan oo baabuurna waa iska gubaan waana is laayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this