Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Gov Slams Eritrea Interference

Recommended Posts

Warsaxafadeed: Dawladda Somaliland oo Mar kale Jawaab ka bixisay Aflagaado

ka soo Yeedhay Eritaiya

 

Hargeysa(Qarannews)- Wasaaradda Khaarijiga Somaliland ayaa mar kale jawaab

adag ka bixisay Hadal Deel Qaaf ah oo Dhigeeda Maamulka Ereteria ka soo

yeedhay, kaasi oo ay ku aflagaadaysay Dawladda Somaliland iyo Haykalkeeda

Nidaam.

 

Wasiiru dawlaha Wasaaradda arrimaha Dibada Somaliland Md. Siciid Maxamed

Nuur oo Aflagaadadaas Eritariya ka jawaab celiyay ayaa ku tilmaamay

xukuumadda Asmara Sida Maahmaahda Somaliyeed ee tidhaahda Hal Didsani Geed

ay ku xoqato ma weydo, Eritariya waxa ay Muddooyinka caadaysatay inay

hadba wadamada la deriska ah mid isku qaado iyada oo dhawaan laga saaray

Xubinimadii ay kaga jirtay ururka midowga africa.

Wasiiru dawlaha oo warsaxaafadeed arrintaasi ku saabsan ka soo saaray

Hargeysa waxa isaga oo Dhamayas tiran uu u dhignaa sida tan:

 

"Waxa Ummadda u liita qofka dabeecadiisu dadka oo dhan ka dhex

saarto,Eritrea waxay la mid tahay qofka ay maahmaahdaasi ku soo baxday oo

kale ah.waxay mandaqada ka tahay tuke baal-cad oo qas iyo faro gelin

mooyaane aan wax kale ku hawlanayn.

 

Waxa la wada ogsoon yahay dhibaatada ay ku hayso Itoobiya. Waxaan

qarsoonayn handadaadda iyo cadaawadda ay ku hayso xukuumada Jabuuti.

 

Waxaan qarsoonayn Xiq-digga iyo xaasidnimadda ay u hayso Somaliland oo ay

kula colowday daris- wanaagnimadda ay kula dhaqanto jaarkeedda awgeed.

 

Eritrea haddii ay hagaagsan tahay oo ay masuuliyadi ku jirto ma dhacdeen

inay waxba iskula hadhi waydo, ha noqoto mid darisnimo, mid goboleed iyo

mid caalamiba.siyaasada ay ku dhaqmaysaa waa waxba dhawran mayno, waa

go’aan keligii taliye ah oo aan dan iyo muraad-toona ka lahayn maslaxaada

shacbigiisa.

 

Eritrea waxay kow ka tahay qas abuurida iyo inay ceel ku rido nabada iyo

xasiloonida gobolka.

 

Somaliland waa xukuumad Dimuqraadi ah oo ka tashatay madax-banaanideeda

mana jirto cid ay u daba fadhiisanaysaa xorioyadeeda, mana jirto cid ay

haybaddaysanayso, iyadaana danteeda taqaan halkay ku jirto ummana baahna

cid u tilmaanta Somaliland waxa ka wada raali ah gobolka oo dhan oo aanay

ku jirin shar wadeyaashu.

 

Somaliland iyo inta aad meelo kale ku mashquulsan tihiin, waxa haboon

inaad eegtaan gudahiina iyo wixii dantiinu tahay oo ah inaad u dhaqantaan

sidii dal xor ah oo madax banaan."

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Somalilandeey maad ka joogtid, Eritrea waa gaangistarka afrika balaayo iyo jabhado bay idinku kicinaysaa hadeydan ka fiirsan hadalka aad ku oranaysaan ninkaa waalan ee Afawarqi la yiraah.

 

Wallee hadii kale sleeping cells-ka alshabab ee jooga s'land buu idinku hubayn. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

i guess mr zenawi told his heel dog to get on with the program.

 

Go on riyaale. entertain your master with the new tricks you have learned lately. who knows zenawi mught employ few of them back home

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this