Jacaylbaro Posted June 19, 2009 Warsaxafadeed: Dawladda Somaliland oo Mar kale Jawaab ka bixisay Aflagaado ka soo Yeedhay Eritaiya Hargeysa(Qarannews)- Wasaaradda Khaarijiga Somaliland ayaa mar kale jawaab adag ka bixisay Hadal Deel Qaaf ah oo Dhigeeda Maamulka Ereteria ka soo yeedhay, kaasi oo ay ku aflagaadaysay Dawladda Somaliland iyo Haykalkeeda Nidaam. Wasiiru dawlaha Wasaaradda arrimaha Dibada Somaliland Md. Siciid Maxamed Nuur oo Aflagaadadaas Eritariya ka jawaab celiyay ayaa ku tilmaamay xukuumadda Asmara Sida Maahmaahda Somaliyeed ee tidhaahda Hal Didsani Geed ay ku xoqato ma weydo, Eritariya waxa ay Muddooyinka caadaysatay inay hadba wadamada la deriska ah mid isku qaado iyada oo dhawaan laga saaray Xubinimadii ay kaga jirtay ururka midowga africa. Wasiiru dawlaha oo warsaxaafadeed arrintaasi ku saabsan ka soo saaray Hargeysa waxa isaga oo Dhamayas tiran uu u dhignaa sida tan: "Waxa Ummadda u liita qofka dabeecadiisu dadka oo dhan ka dhex saarto,Eritrea waxay la mid tahay qofka ay maahmaahdaasi ku soo baxday oo kale ah.waxay mandaqada ka tahay tuke baal-cad oo qas iyo faro gelin mooyaane aan wax kale ku hawlanayn. Waxa la wada ogsoon yahay dhibaatada ay ku hayso Itoobiya. Waxaan qarsoonayn handadaadda iyo cadaawadda ay ku hayso xukuumada Jabuuti. Waxaan qarsoonayn Xiq-digga iyo xaasidnimadda ay u hayso Somaliland oo ay kula colowday daris- wanaagnimadda ay kula dhaqanto jaarkeedda awgeed. Eritrea haddii ay hagaagsan tahay oo ay masuuliyadi ku jirto ma dhacdeen inay waxba iskula hadhi waydo, ha noqoto mid darisnimo, mid goboleed iyo mid caalamiba.siyaasada ay ku dhaqmaysaa waa waxba dhawran mayno, waa go’aan keligii taliye ah oo aan dan iyo muraad-toona ka lahayn maslaxaada shacbigiisa. Eritrea waxay kow ka tahay qas abuurida iyo inay ceel ku rido nabada iyo xasiloonida gobolka. Somaliland waa xukuumad Dimuqraadi ah oo ka tashatay madax-banaanideeda mana jirto cid ay u daba fadhiisanaysaa xorioyadeeda, mana jirto cid ay haybaddaysanayso, iyadaana danteeda taqaan halkay ku jirto ummana baahna cid u tilmaanta Somaliland waxa ka wada raali ah gobolka oo dhan oo aanay ku jirin shar wadeyaashu. Somaliland iyo inta aad meelo kale ku mashquulsan tihiin, waxa haboon inaad eegtaan gudahiina iyo wixii dantiinu tahay oo ah inaad u dhaqantaan sidii dal xor ah oo madax banaan." Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted June 19, 2009 Eritrea is playing with fire... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Paragon Posted June 19, 2009 ^Why? Because Riyaale's gonna commence a regime change in Asmara? Quote Share this post Link to post Share on other sites
MoonLight1 Posted June 19, 2009 War Somalilandeey maad ka joogtid, Eritrea waa gaangistarka afrika balaayo iyo jabhado bay idinku kicinaysaa hadeydan ka fiirsan hadalka aad ku oranaysaan ninkaa waalan ee Afawarqi la yiraah. Wallee hadii kale sleeping cells-ka alshabab ee jooga s'land buu idinku hubayn. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted June 19, 2009 It is a good and responsible answer to the statements of the African mad dog ........ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somali Pirate Posted June 20, 2009 i guess mr zenawi told his heel dog to get on with the program. Go on riyaale. entertain your master with the new tricks you have learned lately. who knows zenawi mught employ few of them back home Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted June 20, 2009 i guess Riyaale dude is doing his masters duty! what an a hole!! keep it up basket man...lol Quote Share this post Link to post Share on other sites