Sign in to follow this  
General Duke

Third contingent of Ugandan troops armour arrive in Mogadishu...

Recommended Posts

Kooxdii 3aad oo Ciidamada Ugandha ah oo soo gaaray Muqdisho

Last Updated::2007-03-08 13:12:56

 

AMISOM_kooxdii_3aad.jpg

 

Muqdisho:- Waxaa saaka oo Khamiis ah kasoo degay Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho sadex diyaaradood oo sida ciidamo.

 

Sadexdan diyaaradood oo kasoo degay Garoonka Muqdisho ayaa la xaqiijiyey in labo diyaaradood ay saarnaayeen ciidamo halka diyaarada sadexaad ay siday Qalab ciidan.

 

Ciidamada Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa ah kooxdii sadexaad oo ciidamo ah oo ka yimaada dalka Ugandha.

 

Cutubyada maanta yimid ayaa gaaraya 400 taasi oo ka dhigaysa ciidamada Ugandha ee jooga gudaha Muqdisho 1200 oo askari.

 

Dowlada Ugandha ayaa dalka Soomaaliya u qoondeysay in ay usoo dirto 1500 oo askari.

 

Ciidamada Ugandha ayaa xalay waxaa weerar ku qaaday maleeshiyooyin hubeysan xili ay marayeen isgoyska KM4.

 

Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay 10 qofood oo shacab ah kadib markii ay rasaas xoogleh ay isweydaarsadeen Ciidamada AMISOM iyo maleeshiyooyinka hubeysan.

 

Ciidamada Ugandha ayaa hada degan xeradii ciidamada ee Xalane iyo nawaaxigiisa, waxaana la sheegayaa in ay weli dhiman yihiin cutubyo kale oo kusoo fool leh Muqdisho.

 

Ciidamada Ugandha ayaa sheegay in ay iska difaaci doonaan cidii weerar kusoo qaada, ayadoo weerarkii xalay lagu qaaday ciidamadaasi la arkayey askarta Ugandha oo rasaas xoogleh isaga caabiyey kooxihii soo weeraray, hase yeeshee dhacdadan ayaa khasaaraha ugu weyn uu soo gaaray shacabkii halkaasi ku sugnaa.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this