Sign in to follow this  
Abwaan

Cilmi Baare sare oo African ah oo sheegay in uusan qabsoomi karin shirka dib u heshii

Recommended Posts

Abwaan   

Mogadishu 12, July 07 ( Sh.M.Network)- Diyaargaroow balaaran ayaa loogu jiraa qabsoomida shirka dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya oo lagu wado inuu dhaco maalinta Axada ee soo socota, laakiin raga qaadaa-dhiga arimaha siyaasada gobolka waxa ay leeyihiin waxaa shirkaasi uu u muuqdaa inuu guuldareesanayo maadaama aysan shirka ku jirin inay ka soo qeyb galaab dhamaan qeybaha ku lugta leh colaada Soomaaliya iyo qalalaasaha siyaasadeed ee dalka ka aloosan.

 

Timothy Othieno oo ah cilmi baare sare oo ka tirsan machadka wada-tashiga caalamka ee fadhigiisu yahay magaalada Midrand ee koonfur Afrika ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya ay ka sii darayso haddii uu la qabto shirka.

 

Mr. Othieno ayaa hadalkan ku sheegay wareysi uu siiyey idaacada VOA-da qeybteeda Afrika la hadasha….

 

“waxay ila tahay, shir weyne ku sheegan oo ah shir dib u heshiisiineed waa madadaalo weyn…tan koowaad shirka ma aha mid loo wada dhan yahay…tan labaad waa mid walaaca ka abuuraya dalka…sababtoo ah qabiilka Hawiyaha oo ka mida qabiilada ugu xooga badan kama qeyb galayo shirka iyo sidoo kale maxkamadaha islaamiga, iyana kama qeyb galayaan shirka…arrintaasi waxay keenaysaa in looga faa’ideysto in xaalada ay sii xumaato…waxaan aragnay in ****** ay ku andacoonayaan in ay rabaan inay wax xukumaan…tanina waxay su’aal ka keenaysaa sharcinimada owlada KMG taasoo u halgamayso imnay hesho taagero shacab,”

Mar wax laga weydiiyey inuu sharaxaad ka bixiyo xaaladaha hada dalka ka jira Mr. Othieno waxa uu yiri.

 

“waxaan ka cabsi qabaa in rabshadaha ay sii kordhaan , gaar ahaan mid ka taagan Muqdishu halkaasoo shirka la qorsheenayo inuu ka dhaco…dowlada KMG ma xukunto guud ahaan caasimada …dhab ahaan waxaan aragnay tiro weeraro ah oo lagu qaaday madaxda dowlada KMG.

 

Othieno Waxa uu sheegay in rabshadaja loo isticmaali karo in lagu muujiyo mucaaradid looga soo horjeesto shirka dib u heshiisiinta laguna muujiyo in aanu qabsoomi Karin haddii aan ogolaasho laga helin qabiilka Hawiyaha iyo maxkamadaha islaamka.

 

 

Click here to find this article English

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this