Sign in to follow this  
Saalax

Dalladda Horumarinta Gobolka Sanaag oo Laga Abuuray Ceerigaabo

Recommended Posts

Saalax   

Dalladda Horumarinta Gobolka Sanaag oo Laga Abuuray Ceerigaabo.

Ceerigaabo(Oodwenenews)- Kulan ballaadhan oo maalintii Salaasada lagu qabtay Xarunta Shirarka Mahuraan ee Ceerigaabo ayna kazoo qayb galeen Intooda badan madax-dhaqameedyada, Guurti, Aqoonyahan, Qaar ka mid ah Qurbe-joogta, iyo dadweyne kale oo dhammaantood kazoo kala jeeda beelaha deggan gobolka Sanaag ayaa waxa halkaas lagaga dhawaaqay Dalladda Horumarinta Gobolka Sanaag.

Dalladdan oo sida la sheegay ka kooban dhawr iyo lixdan xubnood ayaa dhammaan madax-dhaqameedyada iyo aqoonyahnka iyo guurtida iyo waxgaradkii halkaas ka hadlay dhammaantood waxay si goonni-goonni ah halkaas ka caddeeyeen in ay taageersan yihiin dalladdan cusub oo ah tii ugu ballaadhnayd ilaa inta la ogyahay ee wadajir magic reer-Sanaag ah lagu abuurto.

 

 

4grvq9.jpg

 

 

Afhayeenka Dalladdan cusub ee horumarinta gobolka Sanaag Chief-Caaqil-Maxamed cawed Faarax oo ka mid ahaa xubnihii dhinaca dalladdan ee halkaas ka hadlay ayaa isagoo ka warramay qaab-dhismeedka iyo himilooyinka loo abuuray iyo weliba higsashada waxqabadka dalladdan waxa hadalladiisii ka mid ahaa “Annagu dalladdan abuuristeeda waxannu meesha ka saaraynaa kala beelayntii bulshada Sanaag oo aannu u aragnay in ay tahay arrin lagu kala qaybinayo oo dantooduna aanay ku jirin taas beddelkeedana innakoo isku duuban oo isku hal beel oo beesha Sanaag magaceennu yahay aynu daneheenna wada jir iyo isku duubnaan kaga wada shaqayno”. Isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “Arrimaha waxqabadkayaga ugu waaweyn ee aannu ku talo jirno waxa ka mid ah in aannu abuurno ururro kala goonni goonni ah oo ay ka mid yihiin Ururka Madax-dhaqameedyada Ururka Aqoonyahanka Ururka Haweenk Ururka Dhallinyarada Ururka Culimaa’u-diinka iyo Ururka Ganacsatada kuwaas oo mid kastaaba hoggaankeeda leh kaddibna ay kazoo dhex baxaan guud ahaan kuwo aqoonteeda leh oo hoggaamin kara horumarka iyo isku tiirsanaanta gobolka Sanaag”. Isagoo Qurba-joogta la hadlayana wuxu intaas kusii daray “Qurba-joogta reer-Sanaag iyagana dhinacooda waxannu kula talinaynaa in ay samaystaan urur ay ku midaysan yihiin oo nagala shaqeeya arrimaha horumarint gobolka iyo bulshada Sanaag”.

 

2uiud7b.jpg

 

Sikastab ha ahaatee iyadoo gudd ahaan bulshada kala duwan ee halkaas ka hadashay la odhan karo hadalladoodu waxay ka sinnaayeen saddex weedhoos oo ah waannu taageersan nahay dalladdan horumarinta Sanaag, waannuna la shaqaynaynaa, iyo xukuumadda cusub iyadana waannu taageersan nahay oo waxqabadkeediina waa ka filaynaa. Haddana guud ahaanba samaynat dalladdan horumarinta Sanaag ayaa u muuqata xilligan mid loo baahnaa islamarkaasna wax badan ka tari doonta hawlaha horumarineed ee loo abuuray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this