Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Huge troop movement as change is expected..

Recommended Posts

Muqdisho: Ciidamado fara badan oo lasoo dhigey wadooyinka Caasumada Soomaaliya.

27. oktober 2007

Muqdisho(AllPuntland)- Markii ay xalay Magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaalo ay soo qaadeen kooxaha ka soo horjeeda Nidaamka iyo kala danbeynta dalka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada lasoo dhigey ciidamo fara badan oo ka mid ah Milateriga DKMG iyo Ciidamada Itoobiya.

Ciidamadan ayaa siweyn loogu arkayaa isgoysyada kala ah Aadan cadde iyo Suuqaha Bakaaraha ,waxa ayna meelahaasi ka wadaan howlgalo baaritaano ah oo lugu baarayo guryaha iyo waliba wadooyinka soo gala Isgoys-yadaasi.

Ciidamada dowlada Itoobiya ayaa saaka ka soo baxay Wasaarada Gaashaandhiga waxa ayna ku baaheen meelo badan oo ka mid ah Magaalo Madaxda dalka Soomaaliya ,ayagoo markaasina diiday in ay dadweynuhu maraan meelaha ay joogaan ciidamada dowlada Itoobiya.

Askar fara badan oo ka mid ah ciidamada dowlada Iyo kuwa Itoobiya ayaa wadooyinka hareeraheeda taagan waxa ayna sugaan amaanka dadka Shacabka ee deegaanadaasi ,ayagoo ka codsanaya dadka deegaanada in ay soo sheegeen kooxaha Qaraxyada geysta hadii ay yaqaanaan.

Ciidamada Soomaaliya iyo Milateriga Itoobiya oo la wareeray saaka iyo Xalayba ayaa ah kuwa hor leh oo Magaalada soo galay shalay galab ,kana yimid Magaalada Baydhabo ,waxa ayna sida wararku sheegayaan la wareegayaan amaanka caasumada Soomaaliya.

Warar hoose oo laga helayo xaafiisyada Ciidanka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in howlgalladii ugu balaarnaa oo ay fuliyaan ciidamada dowlada Itoobiya ay bilaabayaan maalmaha soo socda ,ayadoo aysan ku wahelin cid ka mid ah dowlada Soomaaliya.

Dowlada Itoobiya ayaa todobaadkii hore war ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay jiraan dad ka soo horjeeda Israaca Soomaaliya ,isla markaana jooga Magaalada Muqdisho lana shaqeeyo xubno ka mid ah dowlada Soomaaliya oo nabada caasumada ka soo horjeeda.

Taasna waxa ay keentay in ay Itoobiya ciidamadeeda Soomaaliya ku soo darto ,ciidamo xoojin ah oo fara badan doonaya in ay amaanka Muqdisho gacanta dowlada Soomaaliya galiyaan.

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this