Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Under Alshabab You Cannot Eat Meat

Recommended Posts

Waxaa Saakay ay Maleeshiyada Al-Shabaab xanibaad ku soo rogeen dhamaan Hilibkii soo gelayay suuqa weyne Bakaaraha iyo qeybo kale oo ka mid ah suuqyada ay gacanta ku hayaan.

 

Sidoo kale War aan ka helnay Wakiilka SomaliSwiss ee Gobolka Banaadir oo goobahaas laga mamnuucay in hilib laga Cuno ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay ganacsatada Hilibka ee Suuqahaas ay shalay ku amreen in aysan Hilib keeni Karin suuqyada, ayagoo u sheegay in Hilibku uusan xalaal ahayn oo ay gowraceen dad ay ku tilmaameen kuwo aan diin ahaan wanaagsanayn.

 

Dhanka kale Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa waxay ganacsatada Hilibka u sheegeen in xoolaha la qalayo sida Geela ay u keenaan Shabaab si ay ugu gowracaan, taas oo ah tan kaliya ee xalaal looga dhigi karo Hilibka ganacsatadu ku iibiyaan suuqyada magaalada sida Shabaabku sheegeen.

 

Arrintaan ayaa caqabad ku noqotay dadka u iib keena Xoolaha magaalada Muqdisho iyo kuwa ka Ganacsada Hilibka Xoolaha ee Keena Suuqyada Muqdisho, ayadoo saakay aan wax Hilib ah la keenin Suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Suuqyada kale ee Suuqa Hilibka lagu iibiyo ee aysan ku sugnayn Al-Shabaab ayaa saakay qiimaha Hilibku aad uga kacay qimo ahaan, taas oo loo aaneynayo xayiraadda ay Al-Shabaab saareen Ganacsiga Hilibka ee Suuqyada ay iyagu ka arimiyaan, waxayna arrintaas si wayn u saameysa Goobaha Cuntada Bisil lagu Iibiyo ee Suuqyada Bakaaraha iyo kuwa kale.

 

Wararka ayaa sheegaya in Xoogaga ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka tagay goob ku taal degmada Dayniile oo lagu qalo subax walba ilaa 400-neef oo xoolo isugu jira Geela, Lo’da iyo Ariga ayaa la sheegay in ay joojiyeen gowraca xoolahaas.

 

Hase yeeshee waxaa dadka badan ay is weydiinayaan is hor taaga Al-shabaab ay ku sameeyeen xoolihii hilibka, waxaana arrintan loo sababeeynayaa in ay la xiriirto arrimo dhaqaale oo ay ku doonayaan Shabaabku.

 

Si kasta ha u dhacdee arrintu waxaan weli la ogayn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in la joojiyo xoolahii la qala jiray, waxaana ganacsatada hilibka ka ganacsata ay sheegeen in ay saameyn ku yeesheen is hor taaga lagu sameeyay shaqadii ay nolol maalmeedkooa ka heli jireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alshabaab oo markii u horeysay ka hadashay sababta ay u joojisay Hilibka

 

Xarakada Alshabaab ayaa maanta ka hadashay sababta ay u joojiyeen gowraca hilibka geella, xilli maalintii labaad magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay hilib la'aan.

 

Gudoomiyaha Alshabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir Cali Maxaa Xuseen ayaa sheegay in sababaha ay u joojiyaan hilibka uu yahay in loo hogaansami waayay amaro ay fareen Ganacsatada xoolaha.

 

Cali Maxaa Xuseen ayaa sheegay in ganacsatada ay la socodsiiyeen in ay u guuraan kawaabka weyn ee Muqdisho ee xoolaha lagu qali jiray, isagoo xusay in sababta go'aankaas u qaateen ay tahay mid la xiriirta caafimaadka.

 

"Intii shacabka ay eeyaha wax la cuni lahaayeen, waxaa dhaanta in qudaar ay raashinka ka cunaan oo ay hilibka iska dhaafaan, maadaama goobtii lagu gowracayay xoolaha aanay caafimaad ahaan ay liidato"ayuu yiri Cali Maxaa Xuseen.

 

Waxaa uu digniin u diray ganacsatada miisleyda ah ee hilibka iibisa, kuwaasoo uu faray in ay sida ugu dhakhsiyaha badan uga guuraan miisaska ay soo dhigteen wadooyinka, isla markaana ay tagaan kawaanada hilibka.

 

Degmada Dayniile oo ah halka lagu qalo xoolaha ugu badan ee dadka Muqdisho ay cunaan, ayaa maalintii labaad waxaa ku sugan xoogag taabacsan Alshabaab, kuwaasoo is hortaagay in wax xoolo ah halkaas lagu qalo.

 

Go'aanka Alshabaab ku mamnuuceen hilib qalista ayaa waxay noqotay mid saameyn guud ay ku yeeshaan dadka Muqdisho, waxaana arrintan si gaar ah u saameysay qeybaha ay maamulaan oo maalintii labaad hilib la'aan ka jirto.

 

Sidoo kale qeybaha ay ka taliso Dowladda KMG ayaa hilib la'aanta ka jirtaa, waxaana la qalay xoolo aan badneyn, kuwaasoo sida muuqata aanay wada kaafin karin, waxaana sare u kac uu ku yimid qiimaha hilibka la siisto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

^cinwaanka waa: 'INTAAD HILIB WASAQEYSAN CUNI LAHAYD CAANO & KHUDAAR KA DHEREG BEESADANA HA KUU DHAQAALOOWDO' :D

 

Wilaayada Islaamiga ah Xarakada Muajaahidiinta Alshabaab Gobalka banadir ayaa maanta soo saaray amar lagu mamnuucayo in Xoolo lagu qalo Barxada Xoolo Qalka Degmada daayniile ee Magaalada Muqdisho.

 

kadib Shir jaraa'id oo u Barxadaasi ku qabtay Waaliaga Gobalka banadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Abuu Jabal) ayuu Saxaafada uga warbixiyaya Sababaha ay wilaayadu umamnuucday In Xoolo lagu qalo Halkaasi isagoona tilmaamay in Xarakadu ayasan raali ka aheyn In Shacabka Muslimka ah ee Soomaaliyeed la siiyo amaba ay Cunaan hilibka Xoolo lagu qalo Goobo aysan wanaagsaneeyn Nadaafadeedu.

 

Waaliga ayaa sidoo kale sxaafadaa usheegay in ay Dhowr Jeer kala hadleen arrimahaasi dhanka nadaafada ah ganacsatada Xoolaha qalan u iib geeysa Suuqyada Magaalada Muqdisho Balse aysan jirin ilaa iyo hadd Cid wax kaqabatay Nadaafada Kawaankaasi macmalka ah sidaas darteedna loo xidhay.

 

"Wilaayada Gobalka Banadir uma dulqaadan Doonto in la waxyeeleeyo Caafimaadka Shacabka Muslimka ah e Soomaaliyeed intii shacabka lasiin lahaa Hilib lagu soo ag qalay Mukulaalaha iyo Eeyaha waxaa u wanaagsan in ay Cunaan Qudaarta isla markaana ay Cabaan Caanahooda".ayuu Hadalkiisa sii raaciyay Waaliga Gobalka Banadir Abuu Jabal.

 

Wilaayada ayaa ugu Dambeeyntii Ganacsatadda Xoolaha ku amartay in ay u wareegaan Kawaanka ugu Weyn Xoolo Qalka Magaalada Muqdisho ee ku yaala Degmada Kaaraan ee Muqdisho kaasoo dhawaan ay Wilaayadu dayactir Ku sameeysay islamarkaana maanta wixii ka dambeeya aaan Xoolo lagu Gowrici Doonin Kawaanka Degmada Daayniile ee isla magaalada Muqdisho.

 

Ugu dambayntii Wilaayada islaamiga gobalka baanadir waxay shacabka Soomaaliyeed ubalan qaaday in dhawaan laga shaqaynsiin doono kawaanki weynaa ee xoola qalka Suuqa Kaaraan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

It would actually be a jolly idea to limit Somali meat production. nuff somali elders in london are suffering heart complications due to too much red meat, which our people ignorantly believe is healthy.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Malika   

:D @ Karl, maaxaa wax isku dareysaa..Somali elders in London iyo people struggling to survive in Mogadishu..war kala saar labadasi..lol

 

I agree, too much of red meat is not healthy,Al-Shabaab should force people to eat fish and veg.

 

Al-Shabaab,shaqoo badanaa..yaa from monitoring peoples 'faith' to what they eat,to how they dress etc etc. Walle they are the ideal 'nanny state' in the making..No room for 'free will' huh?..

 

ps. I am sure there is a good reason for this ban.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

Originally posted by Jacaylbaro:

It is more than healthy waaryaa ,,,, don't believe the vegetarian sh!t

lol@vegetarians. man, if i ruled the world, i would force vegetarians to eat beef burgers three times a day.

 

ps.Most foods can be healthy and unhealthy at the same time. tuna is healthy, but if you have too much you can get mercury poisoning. the key is balance. red meat has many benefits. however, too much red meat is bad for your arteries as it is high in chlosterol. somalis are probably more at risk as they have twenty sugars in their tea and fouty grains of salt in their meals. hence: high blood pressure amongst xalimos and negroes.anyway, this is all unrelated to to the subject. if you need advice ask dr chocolate and honey. this is her field.

 

ps. mmmmmmmm. burger for lunch it is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this