Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu ministers and MP's come out against agreement of faction leaders.

Recommended Posts

Nairobi:Warsaxaafadeed ay soo saareen xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya ee ugu jira beesha ****** oo lagu beeninayo qoraalkii shalay ay soo saareen.........

- Sunday, March 13, 2005 at 11:49

 

Nairobi(Allpuntland)-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hilton Hotel ee magaalada Nairobi xubno ka tirsan labada gole ee xukuumadda oo ugu jira beesha ****** taasoo ay kaga soo horjeedaan warsaxaafadeed ay shalay xubno kale oo isla beesha ka tirsan oo ka mid ah golaha xukuumadda iyo baarlamaanku ka soo saareen magaalada Nairobi.

 

Warsaxaafadeedkaan oo ay qabteen xubno ay ka mid ahaayeen:

 

-Wasiirka Waxbarashada Cali Cabdullaahi Cosoble

 

-Wasiirka Horumarinta reer miyiga Maxamed Maxamuud Gacmadheere

 

-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle

 

-Wasiir ku xigeenka Tamarta Maxamed Shiikh *****

 

-Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Afax

 

-Xildhibaan Cabdullaahi Geeddi Shadoor iyo xubno kale ayaa u qornaa sidaan:

 

WARSAXAAFADEED:

 

Annagoo ah Wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya kuna saxiixan warsaxaafadeedkaan ,tixraacaynana warsaxaafadeedkii shalay oo bishu ahayd 12 March, 05 kaasoo ay sii daayeen qaar ka mid ah Xildhibaanada iyo Wasiirada ,iyagoo sheeganaya magaca beesha ****** .

 

Xildhibaanadaas oo ku doodaya inay wakiil ka yihiin Beesha ****** ,Warxaxaafadeedkoodaas oo ay ku sheegeen inay ku diidan yihiin go'aankii Golaha Wasiirada ee sida aqlabiyada ah lagu ogolaaday ,iyagoo qaarkoodna ay ka mid ahaayeen Golihii Wasiirada ee go'aankaas meel mariyey ,go'aankaas oo ilaa hadda horyaala baarlamaanka si looga doodo ,go'aan kama danbays ahna looga gaaro ,kaasoo dawladdu ku wareejisey Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

Sidaasi daraadeed annagoo ka jawaabayna warsaxaafadeedkaas waxaan soo jeedinaynaa qodobada hoos ku qoran:

 

1-Waxaa nasiib darro ah in muddo 2 sano iyo bar ah ka dib markii la dhisay dawlad Soomaaliyeed in xubno ka mid ah labada gole oo sheeganaya magac qabiil ay si bareer ah ugu xadgudbeen Axdiga Qaranka ee KMG ah.

 

2- Waxaa hubaal ah inaysan ka tarjumaynin rabitaanka beesha ay sheeganayaan.

 

3- Waxaan is waafaqi karin iyagoo ka qaybqaatay meel marintii go'aankii golaha Wasiirada inay hadana ka hordhacaan go'aankii golaha baarlamaanka,iskuna dayaan inay afduubaan go'aanka baarlamaanka Soomaaliyeed iyagoo qoraalkooda ku sheegay inuusan baarlamaanku ka hadli karin go'aana ka gaari karin qodobada horyaalla ,taasoo la yaab ku noqotay ummadda Soomaaliyeed ,kana hor imaanaysa Axdiga Qaranka.

 

4- Xubnahaas waxaa isaga khaldan kala duwanaanta xilligii dawlad la'aanta,fawdada iyo kooxaysiga iyo xilligan cusub ee ay jirto Dawlad Federaal ah oo beesha caalamkuna aqoonsan tahay.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaan ugu baaqaynaa qodobada hoos ku qoran:

 

1-Bulshada Soomaaliyeed waa inay garab istaagaan barnaamijyada dawladooda iska dhegatiraan hadalada keeni kara iska horkeenka bulshada Soomaaliyeed ee walaalaha ah.

 

2-Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa kana codsanaynaa sii wadida taageeradooda hagar la'aaneed.

 

3-Xubnihii saxiixay baaqii 12 March,05 waxaan xasuusinaynaa uguna baaqaynaa inay dhawraan una hoggaansamaan Axdiga KMG ah oo ay marar badan beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ku dhaarteen.

 

WABILLAAHI TOWFIIQ

 

March,13,05

 

Iimaan Cali Cabdi

 

Allpuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda FKMG ah oo ka soo jeeda Beesha ****** oo maanta qabtay shir jaraa'id oo ay ku diidan yihiin heshiiskii Madaxda Muqdisho gaareen

Posted to the Web Mar 13, 12:28

 

 

Nairobi:-Waxaa maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Hilton oo ku yaal bartamaha magaalada Nairobi xubno ka koobnaa Wasiiro,wasiiro ku xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda FKMG ah oo dhamaan ka soo jeeda Beesha ****** ,kaasoo ay ku diidan yihiin heshiiskii Madaxda Muqdisho shalay saxiixeen ee looga gol lahaa nabad ku soo dabaalida magaalada Muqdisho oo mudadii 14 sano ahayd ku sugnayd qas,dagaal joogta ah iyo maamul la,aan.

 

Xubnihii shirka jaraa'id qabtay maanta oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada ee Dawladda FKMG ah,Cali Cabdullaahi Cosoble,Wasiirka Horumarinta Reer miyiga, Maxamed Maxamud “Gacma Dheere,Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Salaad Cali Jeelle,Wasiirka ku xigeenka Tamarta Maxamed Sh.Cismaan,Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Afrax,Xildhibaan Cabdullaahi Geedi Shadoor,ayna shirkooda jaraa'id si goob joog ah uga soo qaybgaleen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka FKMG ah ayaa waxay sheegeen inay ka jawaabiyeen Qoraalkii shalay ee qaar ka mid ah Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada ****** ee dawladda ku jira faafiyeen,iyagoo ku hadlaya magaca beeshaas oo sheeganayey inay si rasmi ah wakiil uga yihiin.

 

Shirka jaraa'id ee maanta ayaa waxay xubnihii qabtay ku sheegeen inaysan go,aankii shalay ee Madaxda Muqdisho ahaa mid lagu deg degay,islamarkaasna Golihii wasiirada ee sheegay inay diidan yihiin ciidamo dalka yimaada si aqlabiyad ah wax uga ansixiyeen go,aankii Golaha wasiiradu ku ogolaanayeen in dalka la keeno ciidamo shisheeye oo hub ka dhigis ka sameeya dalka,ayna jirto inaan go,aankaas horyaal baarlamaanka si looga doodo,iyadoo go'aan ka gaarideeduna u taal baarlamaanka oo si rasmi ah loogu wareejiyey Guddoomiyaha baarlamaanka,islamarkaasna ay nasiib darro tahay in lagu xadgudbo Axdiga KMG ah labo sano ka dib heshiiskii lagu dhisay Dawladda FKMG ah,iyadoo lagu andacoonayo hab qabiil.

 

Golaha wasiirada iyo baarlamaanka ee maanta saxaafadda u waramay ayaa waxay sheegeen inay meel ka dhac tahay in go,aanka keenitaanka ciidamo shisheeye ee loogu talagalay inay dalka hubka ka dhigaan lagu sheego qoraalkii soo baxay shalay inaysanba baarlamaanku ka doodi karin,islamarkaasna Xubnahaasi maanka ku hayaan Jabhadayntii laga soo gudbay iyo wakhtigii fawdada oo ay halmaansayihiin in dalku dawlad yeeshay dhexe,iyagoo ugu baaqay inay xubnihii shalay dhawraan Axdiga FKMG ah.

 

Warsaxaafadeedkii maanta soo saareen Golaha wasiirada iyo Xildhibaanada ****** ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this