Sign in to follow this  
General Duke

Puntland fosters better relations with Arab power/ No recognition for Somaliland

Recommended Posts

Hargeysa: Masar oo si cad uga hortimid Kala goyn lugu sameeyo dalka Soomaaliya.

 

21. februar 2010

Hargeysa(AllPuntland)- Diblumaasiga dawladda Masar ujooga dalka Soomaaliya oo ka hadlayay magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka la baxay Somaliland ayaa si cad uga hor yimid in wax aqoonsi ah lasiiyo maamulkaasi, oo horay usheegay in ay ka baxeen Soomaaliya, inkastoo ay taasi ka biyo diideen dawladdo badan oo kuyaala gobalka iyo Aduunka.

 

Safiirkan ayaa sheegay in aysan dawladda Masar saacadna raali ka aheyn in qeyb qeyb loo kala jaro Soomaaliya, isagoo sheegay in ay Masar taageersan tahay nabad ka dhacda dalka Soomaaliyeed iyo isku xirnaansho dheeri ah oo laraadiyo, isagoo ugu yeeray Soomaalida oo dhan in ay wada hadalo yeeshaan.

 

Safiirkan wuxuu wax laga xumaado ku qeexay dagaalada ka socda Soomaaliya, isagoo ugu yeeray Soomaalidu in ay wada hadaladaan, wuxuuna ugu baaqay wadamada gacanta kuleh Siyaasada Soomaaliya, in ay joojiyaan, si buu yiri loo gaaro xal kama dambeys ah oo ku wajahan xaaladaha Siyaasadeed, amaan iyo dhisme ee Soomaaliya.

 

Amb. Siciid Mursi wuxuu tibaaxay in ay la dhacsan yihiin xaaladaha horumareed ee uu sheegay in ay ka socdaan Puntland, wuxuuna sheegay in ay Maamulka Puntland doonayaan horumarka Umada Soomaaliyeed, isagoo fariin udiray Soomaalida oo dhan ku sheegay in ay ufakaraan Sida Puntland oo kale.

 

Hadalka Diblumaasigan ayaa ku soo beegmaya xili ay dhawaan dawladda Yahuudu sheegtay in ay diyaar utahay aqoonsi ay siiso Maamulka la baxay Somaliland, balse taasi ayaa umuuqata mid jawaab kala kulantay dawladda Masar.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this