Sign in to follow this  
Dhubad.

General Gabre Dile - Calling the Shot in Mogadishu

Recommended Posts

Dhubad.   

Saraakiisha Itoobiyaanka oo sharciyo adag u sameynaya ciidamada dowladda, iyo Jen. Gabre oo beelihii ay dagaaladu kala dhaxeeyeen ka codsaday inay keenaan…

Saraakiisha hogaamineysa ciidamada Itoobiya ee ku sugan Koonfurta Soomaaliya gaar ahaana caasimadda ayaa sharciyo adag u sameynaya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaasoo todobaadyadii ugu dambeeyey ka waday falal amni daro gudaha magaalada Muqdisho iyo suuqyada.

 

Jeneraalka ugu sareeya ee hogaamiya ciidamada Itoobiya Jen. Gabre Dile ayaa la sheegay inuu isugu yeeray ciidamada dowladda federaalka si loogu sameeyo tirakoob guud isla markaana loogu sameeyo aqoonsiga ID Kaarka cadeynaya ka mid ahaanshaha ciidamada dowladda KMG.

 

Jen. Gabre ayaa u sheegay ciidamadaasi in wixii ka dambeeya marka loo sameeyo Kaararka iyo Nambarada aqoonsiga ciidamada dowladda lagu qaadi doono sharci Milateri oo adag, haddii ay sameeyaan falal damebiyeedyo ay kula kacayaan shacabka, Soomaaliyeed, gaar ahaana falalka dhaca, boobka iyo dilka.

 

Wararka ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada ee dowladda ay soo dhoweeyeen go’aanadaasi isla markaana ay bilaabeen tirakoobka ciidamada saxda ah ee dowladda, waxaana xusid mudan in saraakiishaasi ay xero ay ku ogaayeen ciidamo gaaraya 1700, ay ka soo xaadireen 400 oo ciidamo ah, taasoo ay aad ula yaabeen madaxdaasi, waxayna saraakiisha Itoobiyaanka ka dalbadeen ciidamada dowladda inay noqdaan ciidamo Qaran ayna illaaliyaan shuruucda.

 

Sidoo kale, Jen. Gabre oo kulan la qaatay qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada beelaha ****** oo u badnaa kuwii sida aadka ah uga hor jeeday Itoobiyaanka ayaa la sheegay inay kaga wada hadleen arrimo la xiriira sidii ay diyaarin lahaayeen odayaashaasi ciidamo beeleedyo oo beel walba ay keento ciidamo gaaraya 1500, kuwaasoo lagu xareyn doono xeryaha ciidamada ee dowladda isla markaana tababar loo furi doono.

 

Wararka ayaa sheegaya in odayaashaasi ay aqbaleen codsigaasi isla markaana ay bilaabeen inay uruuriyaan ciidamo beeleedyadooda, kuwaasoo hoostegi doona Jananka hogaamiya ciidamada Itoobiya ee Jen. Gabre, wuxuuna ka balan qaaday Gabre odayaashaasi in maleeshiyooyinkooda aysan ka amar qaadan doonin madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this