Sign in to follow this  
General Duke

Report: US troops cross into Somalia....

Recommended Posts

Kolonyo ciidamada Maraykanka ah oo u soo talaabay xadka Kenya ay la leedahay Somaliya

Last Updated::2006-11-06 16:38:54

 

Nairobi:-Sida uu maanta ku warramay wargeyska Kenya Times ee ka soo baxa dalka Kenya Kolonyo ciidamo Maraykanka ah oo ka tirsan ---

Ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee ku sugan dalka Jibooti isla markana watay labaataneyo baaburta waaweyn ee xamuulka wax ay Sabtidi aynu soo dhaafnay ka soo gudbiin magaalada Garisa iyaga oo u soo talaabay dhinac xuduuda Kenya ay la leedahay dalka Somaliya .

 

 

Wargeysku waxaa uu sheegay in Talaabadan uu Maraykanku qaaday ay timi iyada oo ay jiraan khatarada dagaal gobaleed qarxa,waxaana uu intaa raaciyay in ay cabsida laga qabo qaraxa dagaalkan ay sii kordhisay digniinta Maraykanku uu ka soo saaray weeraro is miidamin ah oo ay fuliyaan xubnaha mayalka adag ee ku sugan Somaliya ,weeraradas oo ku wajahan dalalka Etoobiya iyo Kenya .

 

Waxaa Wargeysku uu intaa ku daray in ay sidoo kale jiraan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog badan oo ay ciidamada Kenya ay ka wadaan magaalada Garisa iyo xuduuda Kenya ay la leedahay Somaliya kadib marii xayiraad lagu soo rogay dhaq dhaqaaqa gaadiidka ee saddexda xarumod ee qaxootiga ee maamusho hay'ada UNHCR ee Dadaab asbuuci hore.

 

Waxaa wargeysku sheegay in dhaq dhaqaaqyadan ciidan ay xoojinayaan tuhumo la xiriira dhisida isbahaysi ciidan oo ka dhan ah maxkamadaha Islaamiga ah kuwaas oo ciidamadoodu qabsadeen magaalada Muqdisho iyo inta badan koon furta Somaliya intii u dhexaysay bilihii March iyo October.

 

 

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: Ciidamo ka socda xukuumadda Maraykanka oo ka soo talaabay xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Isniin, November 06, 2006

 

Nayroobi (AllPuntland)- Wararka laga helayo xadka ay wadaagaan wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka socda wadanka Maraykanka ay ka soo tallaabeen xadka ay wadaagaan labada dal.

 

Ciidamadani oo ka soo ambabaxay fariisinta Maraykanku uu ku leehayay wadanka Jabuuti ayaa waxaa la filayaa in ay kulamo la qaataan madaxda dawladda Soomaaliya.

 

Socdaalkani ayaa waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo dhowaan magaalada Nayroobi lagu qabtay saraakiil ka socota maxkamadaha magaalada Muqdisho iyo xubno ajnabi ah oo gacan siinayay, kuwaasoo hub galinayay wadanka Kenya.

 

Saraakiishani ayaan horay loo shaacin imaatinkooda wadanka Soomaaliya, iyada oo lagu sheegay in ay ku lug leedahay sidii ay xukuumadda Soomaaliya ugala hadli lahaayeen xaaladda argagixisada Soomaaliya.

 

Dhowaan xukuumadda Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay digniin ugu jeedisay muwaadiniinteeda ku dhaqan wadanka geeska Afrika, in ay ku soo fool leeyihiin hanjabaado argagixiso.

 

Mahad Jama Koronto

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Mareykan ah ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan xuduuda Somalia ay la wadaagto dalka Kenya.

 

Nov 9.2006 Radio Free Somalia (RFS)

 

Dadweynaha ku dhaaqan degmada Dhoobleey ee gobolka J/hoose ayaa waxa walaac ka muujinayaan ciidamo Mareykanka oo dhowr jeer yimid xadka ay wadaagaan dalalka Somalia iyo Kenya, kuwaasi oo uu sheegay in howl-galo ay ka sameeyeen halkaasi.

 

Ujeedada dhaq dhaqaaqyada ciidan ee Mareykanka uu ka wado xuduudaha Somali ayuu ku sheegay in ay tahay mid aaney garaneyn sababaha xilligaan ku soo beegay iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Dhoobleey ayaa waxa uu sheegay in ay arkayeen gaari iyo diyaarado is bar bar socda oo baarayay hawada sare iyo dhulkaba.

 

Arintaan ayaa ku soo beegmay xilli maxkamadaha islaamka iyo Dowlada KMG ay ku kala boodeen shirkii dib u heshiisiinta ay qaban qaabisay dowlada Sudan

 

 

Webmaster@radiofreesomalia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this