Sign in to follow this  
BiLaaL

DKMG oo sharciyo adag soo hordhigtay idaacadah ugu weyn Muqdisho

Recommended Posts

BiLaaL   

Dowladda Somalia oo sharciyo adag soo hordhigtay idaacadah ugu weyn Muqdisho

 

Mogadishu 19, Feb.07 ( Sh.M.Network) Xarunta Nabad sugidda qaranka ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan Balaaran oo ay ku yeesheen 3 idaacadood oo madax banaan oo ku yaala magaalada Muqdisho iyo saraakiil ka tirsan waaxda nabad sugidda, kaasoo looga hadlayay arimo la xiriira saxaafadda.

 

Kulankaan ayaa yimid, ka dib markii warqad qoraal ah loo keenay 3da idaacadood ee kala ah Banadir, Shabelle iyo Hornafrik oo looga dalbanayay in ay tagaan xarunta nabad sugidda.

 

Kulankaan ayaa dhinaca nabad sugidda waxaa hogaaminaya Taliye K/xigeenka nabad sugidda qaranka Gen. Nuur Max'ed Buur Shirbow, waxaana lagu eedeeyay 3dani idaacadood in ay buun buuniyeen waxyaabo xagga amaanka ah ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

 

Gen. Nuur Shirbow ayaa u sheegay madaxdii ka socotey 3dani idaacadood in aan la tabin karin howl-galada ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ethiopia ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in aan la soo hadal qaadi karin dadka ka qaxaya magaalada Muqdisho .

 

Dalka waxa uu ku jiraa xaalad deg deg ah sidaasi darteedna aan la heli karin buu yiri saxaafad madax banaan oo dhameystiran maadaama ay dhacaan waxyaabo badan inta lagu jiro xaaladani.

 

Waxa uu sheegay in dhowaan ay idaacadaha u soo diri doonaan wakiilo ka socda dowladda oo tifaftira wararka ka baxaya 3dani idaacadood.

 

Sidoo kale eedeymaha Mas'uulkani uu u soo jeediyay idaacadaha ayaa waxaa ka mid ahaa in Codad laga soo uruuriyo dadka lagu muujiyo madaafiic ka soo dhaceysa dhinaca ciidamada dowladda Ethiopia iyo kuwa dowladda Somalia oo waxyeeleyneysa shacabka aan waxba galabsan, iyagoo ka warwareegaya buu yiri idaacadahaasi in ay muujiyaan dhinaca xabadda bilaabay.

 

Gen. Nuur Shirbow waxa uu ugu baaqay dadka Somaliyeed in ay ka shaqeeyaan amaanka, haatana aan loo baahneyn dagaal dambe.

 

Taliye K/xigeenka hay'adda nabad sugidda Qaranka Nuur Shirbow waxa uu qirey habacsanaan ka jirta xagga dowladda Somalia gaar ahaan wasaaradda warfaafinta, laakiin iyagu ay talaabooyinkaan u qaadeen mar haddii ay isku soo beegmeen howlaha amaan ee ka jira dalka.

 

Laakiin Madaxda Idaacadaha Madax banaan ayaa ka dalbaday dowladda KMG ah in ay keento qoraal ay ku sharciyeyneyso arintaan, iyadoo qoraal la'aana aysan aqbali karin arintaan.

 

Ma ahan markii ugu horeysay oo warbaahinta xorta ah ay u yeerto dowladda Somalia, iyadoo bartamihii bishii hore dowladda Somalia ay u yeertay idaacadaha Hornafrik, Shabelle iyo IQk, ka dib markii idaacadahaasi howlahooda warbaahineed muddo 24 saac ah ay hakisay dowladda Somalia.

 

Waana markii labaad ee Idaacadaha Muqdisho lagu amro in aysan tabin karin waxyaabaha sida dhabta ah uga soconaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gen. Nuur Shirbow ayaa u sheegay madaxdii ka socotey 3dani idaacadood in aan la tabin karin howl-galada ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Ethiopia ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo sidoo kale in aan la soo hadal qaadi karin dadka ka qaxaya magaalada Muqdisho.

:D:D:D:D

 

Kuwaan yaab ma iga dhameyaan. Lasoo hadal qaadi karin yaah?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Waa shacabka aan gumaadnee afkiina heesta juuq ha oranina, si doqnimo ku jirto ayey digniintan u faafinayaan, meeshuba waxa jooga waa ismadhaanto iyo dhasheeda, barakada beela

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this