Sign in to follow this  
Abwaan

MAXAAD KA FILAYSAA WADDAN XOOG LAGU QABSADAY? WARBAAHIN AAN XOR AHAYN

Recommended Posts

Abwaan   

Dowladda KMG ah ee Somalia oo albaabada u laabtay idaacado ay ka mid tahay Shabelle

Mogadishu 15, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Qoraal ka soo baxay Hay'adda nabad sugidda qaranka dowladda Somaliya ayaa lagu amaray in la xiro qaar ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho iyo mid ka mid ah TV yada caalamka xafiiskooda magaalada Muqdisho.

 

Qoraalkaan oo goordhow ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka dowladda KMG ah ayaa waxaa lagu amray in la xiro idaacadaha shabelle, Hornafrik, Idaacadda Qur'aanka kariimka iyo xafiiska TV ka Aljaseera ee ku yaala magaalada Muqdisho.

 

Qoraalkaan ayaa waxa uu farayaa laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 15 ka bisha Janaayo 2007 da in la farayo dhamaan hay'adahaasi aan kor ku soo sheegnay in ay joojiyaan howlaha warbaahineed oo ay wadaan mar allaale iyo markii ay soo gaarto warqaddani.

 

Agaasimayaasha Idaacadaha iyo TV ga Aljazeera waxaa la farayaa in ay yimaadaan xafiiska nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir, kaasoo ku yaala Baar Fiat, taariikhdu marka ay tahay bisha 16 ka bishaan oo ku beegan beri saacadu marka ay tahay 10 ka subaxnimo.

 

Qoraalka ka soo baxay hay'adda Nabad sugidda qaranka Waxaa ku saxiixan Taliyaha nabad sugidda qaranka ee gobolka Banadir G/sare Axmed Xasan Cali.

 

Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa horey u soo xirtey idaacadda Shabelle ee magaalada Baydhabo sanadkii la soo dhaafay.

 

Kalkaan ka daawo wareegtada lagu xirey idaacadaha Shabelle, Hornafrik, IQK iyo Xafiiska Aljazeera Somalia

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this