Sign in to follow this  
General Duke

WARQAD FURAN OO KU SOCOTO MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF

Recommended Posts

WARQAD FURAN OO KU SOCOTO MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF

 

FAALLO:

 

 

Nov 15, 2005 Radio Free Somalia

 

Md. Madaxweyne hadaan kaaga waramo xaalada Xamar waa labo qeybood, kuwo danyara oo xalaal quutayaala ah iyo kuwo ku taajiray dilka, boobka iyo isbaarada oo hadda raba inay sii socoto fitnada, waxaadna ogaataa inaan diyaar u nahay daafaca Dowladda cusub

 

 

Md. Madaxweyne muga hore iga guddoon salaan ka soo go'day xalaal quudata oon weligeed xaaraan cunin oo xamaalata, taasoo ka kooban 114-ta cadadka Qur'aanka Kariimka ah, Xijaabka Burdaha iyo Yaasiinka iyo Digriga Culumada ku fool baxsata Bunka Jimcaad ee Kurbinta Raatibka ah.

 

Madaxweyne anunka xalaal quudataa nahay waa caafimaad qabnaa 70%, laakiin 30-ka kale waa kuwo buka oo boob, bililiqo iyo balaayo ku heshiiyay, taasoo kuu caddeyheyso in hadaanoo la helay dowlad Soomaaliyeedoo loo dhan yahay bilaabeynaa leh borobogaandada « Ciidamo shisheeye doonimeyno, Itoobiya iyo deriska doonimeyno », kuwaasoo dantoodu tahay inay sii degenaadaan oo heystaan Beeraha, Guryaha, Dugsiyada, Isbitaalada iyo Baabuurta islaameed si aysan dib ugu soo noqon nidaam, Sharci iyo kala dambeyn in dalka lagu soo celiyo, in dib leysugu celiyo wixii la kala dhacay, si ay Caalamka u qaldaana bannaanbax beena isugu soo baxay Trebuunka, iyagoo leh « Dadka Muqdisho degan iyo kuwa Soomaaliyeedba anagaa metelno.

 

Md. Madaxweyne hadaan kaaga waramo xaalada Xamar waa labo qeybood, kuwo danyara oo xalaal quutayaala iyo kuwo ku taajiray dilka, boobka iyo isbaarada oo hadda raba inay sii socoto fitnada, waxaadna ogaataa inaan diyaar u nahay daafaca Dowladda cusub iyo soo dhoweynteeda, ciddi ka hortimaadna aan la diriri doono, adigoo xasuusahaayo inaan nahay dadki ku shirbay « ADOO KOR SAARAN KAARA WEYN…MAKAAGA TUURAY KAARABIIN ».

 

Ogow inow ii yaalo Buurka Diikow Kaarabiinkaan kula dagaalay Taliski Siyaad oo hadana aan diyaar u ahay inaan dhiibo, Ciidamada IGAD haddii la diido ama la waayana ogow inaan dib u sifeysa doono si aan uga faa'iideysano fursadaan u dambeysa ee lagu soo dhisay xukuumada Federaalka, waa ogahay inaysan dagaashaneyn Soomaalida cusub iyo Itoobiyada ee wada Federaalka ah lagana gudbay cadaawadi u dhaxeysay Soomaalidi hore ee Siyaad iyo Amxaaradi hore ee Itoobiya oo wada keli talis ahaay.

 

Gabagabadii ogow inaan hiil iyo hoo kula garab taaganahay, adiga iyo Ciidamada IGAD, waana idin soo dhoweyheynaa, haday xumaatana Xabadda weyskula rideynaa ciddi diido Dowladnimada, nabadda iyo soo celinta Sharciga.

 

Waxaa Diyaariyay :

 

Maxamed Xasan JEERI

 

 

Editorial@radiofreesomalia.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this