Sign in to follow this  
General Duke

Kampala: Yusuf of Somalia invited to commonwealth meeting

Recommended Posts

1216_C66.jpg

 

Yusuf oo casumaad helay

14 Nov 14, 2007 - 7:49:39 AM

 

Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Uganda halkasoo uu kaga qaybgalayo shirka dalalka barwaqo-sooranka caalamka oo ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda.

 

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Somali oo saxaafadda u xaqiijiyay socdaalka Madaxweyne Yuusuf uu ku tagayo dalka Uganda ayaa sheegay inuu yahay mid uu ku casumay Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni.

 

Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu ka jeediyo shirka dalalka barwaaqo-sooranka dunida ee ka dhacaya Uganda qudbad uu kaga hadlayo xaaladda dalka Somalia, iyo waxqabadka dowladda Somalia intii ay ka jirtay dalka Somalia.

 

Sida uu sheegay Afhayeenka u hadlay Madaxweyne Yuusuf, waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu ka codsado dalalka shirkas ka soo qaybgalaya inay gacan ka geystan sidii ciidammadii Afrikaanka ahaa la geyn lahaa Somalia gacan uga geystaan.

 

Madaxweyne Yuusuf; ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka qaybgala shirka dalalka barwaaqo-sooranka, waxaana lagu wadaa inuu kaga gudbo dalka Uganda dalka Portugal oo kaga qaybgalayo shirka dalalka Afrika iyo Yurub oo halkaas ka dhacaya.

 

Garowe Online, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf Oo Lagu Casuumay Shir Madaxeedka Dalalka Barwaaqa Sooranka Ee Ka Dhacaya Uganda Iyo Safar Kale Oo Ku Bixinayo...

Posted to the MOL November 14, 2007, 6:23 am

 

Madaxweynaha dowlada KMG C/laahi Yuusuf Axmed ayaan ku sii jeeda Xarunta dalka Uganda ee Kampala ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa Uganda Y.Museveni .

Mr.Yuusuf ayaa ka qeyb galaya kulanka hogaamiyaasha dalalka ku bohoobay ururka Barwaaqa Sooranka kaasi oo todobaadka soo socda furmaya.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa la sheegay in madaxda ka qeyb galaya uu ka dhaadhaacinayo in ay gacan ka geystaan dar dar gilinta dhameeystirka ciidamada Africa ee Soomaaliya loogu yaboohay.

Waxa uu madaxweyne Yuusuf noqonayaa madaxweynihi ugu horeeyay ee ka qeyb gala kulanka Barwaaqa Sooranka haddii ay dhacdo .

 

Ka dib kulankaasi ayuu Yuusuf u gudbayaa dalka Burtaqiiska halkaasi oo uu ka dhacayo shir madaxeedka Yurub iyo Africa , halkaasi oo arinta Soomaaliya si weyn loogu gorfeyn doono.

Safarka madaxweynaha ayaa soo baxayaa xilli laga sugayo magacaabidda Ra`isul wasaaraha Soomaaliya xilli ay weli wada tashiyo u socdaan .

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha DFKMGS oo markii ugu horreysa ka qeyb-geli doona Shirweyne Caalami ah oo lagu kala qabanayo dalalka Uganda iyo Portugal

 

Muqdisho Arbaco , November 14 2007 SMC

 

Madaxweynaha DFKMGS, Md. C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa lagu wadaa inuu Toddobaadka soo socdo socdaal rasmi ah ku tego Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, si uu dhigiisa dalkaasi, Yuweeri Museveni kala hadlo xaalladihii ugu dambeeyey ee dalka Somalia, xiriirka labada Dal iyo hawlgalladda Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka “AMISOM” ka wadaan dalka Somalia.

 

Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalladda Baydhabo, ayaa Idaacadda Somaliweyn u xaqiijiyey inuu Madaxweyne Yuusuf u ambabixi doono Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala, isla markaana uu ka qeyb geli doono Shirweynaha Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku jira Ururka Barwaaqo-sooranka “Common-wealth” oo lagu wado inuu bishan 23-da ka furmo Caasimadda dalka Ugandha ee Kampala.

 

Madaxweyne Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu kulammo la yeesho Madaxda Dowladaha kulankaasi ka soo qeyb geli doono, si uu ugu booriyo inay DFKMGS taageero ka siiyaan dhinacyadda Siyaasadda, dhaqaalaha iyo soo-celinta Nabadda dalka Somalia.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha DFKMGS, Md/ C/llaahi Yuusuf Axmed, ayaa waxa u qorsheysan inuu bilowga bisha soo socoto u ambabaxo Caasimadda dalka Portugal ee Lisbon, si uu uga qeyb galo Kulan-sannadeedka Hoggaamiyayaasha Dalalka Qaaradaha Afrika iyo Europe.

 

Mas’uul ka tirsan Madaxtooyadda Somalia, ayaa sheegay inuu Madaxweynuhu ka codsan doono Madaxda Afrikaanka iyo kuwa Europe ee ka soo qeyb geli doona Shirka ka furmi doona caasimadda dalka Portugal ee Lisbon sidii ay Taageero dhaqaale iyo mid Loojistiko oo degdeg ah u siin lahaayeen DFKMGS, si ay gacan uga geystaan soo-celinta Nabadda iyo Ammaanka ee dalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this