Sign in to follow this  
Liibaan

Somaliland: Zanawi Oo Dhexdhaxaadin Doona C/laahi iyo Rayaale

Recommended Posts

Liibaan   

Ra'isal Wasaaraha Dawalada Ethiopia Meles Zanawi Oo Dhexdhaxaadin Doona Madaxweynahaasha Somaliland Rayaale iyo Ka Dawlada ku meel gaadhka C/laahi

 

hadhwanaag 2007-01-07 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Wefti u hogaaminayo Madaxweaynaha Somaliland Md, Daahir Rayaal Kaahin oo ay ku wehelianayaana Xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada oo uu ka mid yahay Wasiiraka Maaliyada Md, Xuseen Cawil Ducaale,a waxaaana hore ugu suganaa Ethiopia Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md, C/laahi Maxamed Ducaaale ayaa lagu wadaa inuu berito socdaal ku tago Magaalo madaxda Ethiopia ee Adis Ababa.

 

Sidaa waxa shabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey Afhayeenka Madaxweynaha C/ idiris Ducaale, balse uu ka gaabsadaay inuua waxa tafaasiil dheeraada ka bixiyo socdaalka Madaxweaaynaha iyo cida ku wehelinaysaa,au jeedada Socdaalka Madaxweynaha ayaa la sheegay inay ka danbeysaya kadib markii uu Ra'isal Wasaaraaha Dawlada Ethiopia Meles Zanawi uu u yeedhay Madaxweynaha Somaliland Md, Rayaale si uu u wada hadashiiyo Madaxweynaha Dawalada Kumeelgaadhaka C/laahi Yuusuf oo imika ku sugan Ethiopia,wararku na soo gaadhayaa macadayn waxay labada Madaxweayne kawadahadalidoonaan sidii ay labada masuula iskula meela dhigi lahaayeen arrimaha caakiran ee ka taagan Geeska Afrika Gaar ahaaana Magaalada Muqdisho ee imika u soo gacanagashay Dawlada kumeelagaadhka ee ay ciidamada Ethiopianku Caawainayaan.

 

Socdaalkan uu madaxweaayne Rayaale ku tagayo beri Ethiopia ayaa wiigii ugu danbeeyeyba ay shacabiga ku nool caasimada Hargeysa ay aad u hadal hayeen

 

 

Wixii intaa ka soo kordha socdaalka Madaxweynaha kala socda shaabakada wararka ee Hadhwanaagnews.com wakhtiyadaan soo socda

 

Weriye, Mustafe-janaale

Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa

E-mail, Janaale94@yahoo.com

 

------

 

Madaxweyne Riyaale Oo U Ambabaxaya Berrito Booqasho Uu Ku Tegayo Addis Ababa, Itoobiya

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 7 January, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

Hargeysa (Somaliland.org) – Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa lagu wadaa berrito inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo Addis Ababa, Itoobiya.

 

War rasmi ah lagama bixin socdaalka Madaxweyne Riyaale. Hase yeeshee, warar laga helay madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweynuhu berrito shir jaraa’id qaban doono, kaas oo la filayo inuu kaga hadli doono socdaalkiisa Addis Ababa.

 

Wararka la xidhiidha socdaalku waxay sheegayaan in mudane Riyaale uu martiqaad ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi, isla markaana ay ka wadahadli doonaan arrimo la xidhiidha xaaladda gobolka, gaar ahaan arrinta Soomaaliya iyo waxa ka khuseeya Somaliland.

 

Socdaalka Madaxweyne Riyaale ayaa waxa uu ku beeggan yahay iyada oo uu gobolka ka socdo dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo xawli ah, kaas oo lagu baadidoonayo sidii wadahadal loogu soo dabaali lahaa arrinta Soomaaliya, kadib hawlgalkii milateri ee ciidamada Itoobiya kaga fara-maroojiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah dhulkii ay ka talinayeen ee Koonfurta Soomaaliya, isla markaana uu Addis Ababa dib uga noqday maanta Madaxweynaha dowladda Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya, Col. Cabdillaahi Yuusuf oo halkaas wadahadal kula yeeshay Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi.

 

Col. Cabdillaahi Yuusuf iyo Meles Zenawi waxay ka wadahadleen – sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Itoobiya – arrimo la xidhiidhi sidii loo ballaadhin lahaa wadahadalada dib u heshiisiinta, loogana qaybgelin lahaa “dhammaan dhinacyada Soomaaliya”, taas oo uu sheegay Ra’iisul wasaare Zenawi inuu ka caawin doono.

 

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya, waxa uu dhowaan sheegay in Somaliland iyo Puntland ay la safnaayeen [dowladdiisa] duullaankii ay dhowaan ku qaadday Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya.

 

Dhinaca kale, shir jaraa’id oo saxaafadda lagu wargeliyey oo saaka lagu qaban lahaa Madaxtooyada ayaan qabsoomin. Shirkaas jaraa’id oo aan hore loo sii sheegin cidda qabanaysa ayaa la wararku waxay sheegayaan inuu qaban lahaa Agaasimaha Madaxtooyada, kaas oo la sheegay inuu ka jawaabi lahaa shir jaraa’id oo uu Khamiistii qabtay darawalkii hore ee Marwada Madaxweynaha, Abshir Xaashi oo soo bandhigay xogo u markhaati furaya fadeexad musuqmaasuq oo uu wargeyska Haatuf iftiimiyey in qoyska Madaxtooyadu ku lugleedahay, kaas oo sababay in la xidho tifatiraha iyo guddoomiyaha wargeyska Haatuf.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this