Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Hotel minister Janagow: It was wrong to fight President Yususf government

Recommended Posts

Muqdisho: Mid ka mid ah ragii lasoo dagaalamay dawladii Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay qalad ahaayeen dagaaladii ay waqtigaasi ku hayeen dawladda KMG ah.

 

12. december 2009 

Muqdisho(AllPuntland)- Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow oo ka mid ahaa ragii hogaaminayay Maxaakiimtii weerartay Baydhabo 20- December- 06-dii iyo kana qeybgalay ama la dhacsanaa fikirkii dagaaladii lugu hayay dawladii Madaxweyne Yuusuf, ayaa hada sheegay in ay ahaayeen dagaaladaasi kuwa qaldan oo ay ayagu ku qaldanaayeen dagaaladaasi.

 

Mr, Janaqow oo ka hadlayay habeenadii ugu dambeeyey Raadiye ay maamusho dawladda KMG ah oo ka hadla magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, ayaa sheegay in ay dagaaladaasi ahaayeen kuwa ayagu masuuliyaduu lahaayeen, isagoo sheegay in ay qaldaneyd weeraradii ay ku qaadayeen dawladdii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

“ In aan weerarno dawladdaas maheyn, waxa ay xaqu ahayd in la saxo, oo kaliya, maadaama ay la dagaalamayeen Al- Shabaab iyo Xisbul Islaam oo cadow ku ah Shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri Mr, Janaqow.

 

Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax Janaqoow wuxuu ka mid ahaa Siyaasiin aad uga soo horjeeday Dawladii KMG ahayd ee sannadyadii 2006 ilaa 2008-dii, wuxuuna ku sifeyn jiray waqtigaasi hogaamiyaashii dawladdaas iyo Wasiiradiiba kuwa ka soo horjeeda ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isagoo marar badan oo uu ka hadlayay warbaahinta ku tilmaamay kuwa iibsaday Shareecadii Islaamka, balse wuxuu maanta qiray in ay dagaaladaas ahaayeen kuwa aysan waxba ka jirin.

 

Hada oo la joogo wuxuu ku sifeeyey Janaqow Hogaamiyaasha Al- Shabaab & Xisbul Islaam kuwa ka soo horjeeda maslaxada Umada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay waajib diiniya tahay in lala dagaalamo, waa sida uu hadalka udhigaye.

 

Mr, Janaqow oo la weydiiyey sababaha keenaya waqtigan hadalkiisa ah in ay tahay markii ay Al- Shabaab noqdeen koox meel gooni ah istaagtay, oo ay hora ugu hadli waayeen ay ahayd baqdin ay Al- Shabaab ka qabaan, ayuu sheegay in ay Diinta Islaamku ogoshahay in loo baahan yahay Siyaasadaha mararka qaarkood.

 

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Dowladda Federaalka KMG ayuu Sh C/raxmaan Janaqoow hada ku baratamayaa, wuxuuna jagadaas helay markii Shariif Sheekh Axmed oo ay saaxiibo isku dhow mudo dheer ahaayeen uu qabtay hogaanka dawladda KMG ah ee Soomaaliya, taasoo C/rixmaan usahashay in uu soo galo markal masraxa Siyaasadeed ee Soomaaliya.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this