General Duke Posted November 2, 2009 Afgooye:Dhakhtar caan ka ahaa degmada Afgooye oo loo dilay sigaar uu cabayey 2. november 2009 Afgooye(AllPuntland)Dr:Axmed Bidaareey oo aha dhakhtar si weyn looga yaqiinay degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose ayaa maanta u dhintay xabad sigaar ah oo uu cabayey. Dilka askarigaan ayaa waxaa geystay askari ka tirsan Xisbul islaam kadib markii uu ka diiday dhakhtarka askarigaas in uu damiyaa sigaar uu cabayey. Dilka Dr:Bidaarey aya xiisad iyo dareen ka dhax dhaliyey maamulka Xisbul islaam , waxaana afhayeen maamulka u hadlay uu sheegay in gacanta lagu soo dhigay askarigi dilka geystay oo la soo taagi doono maxkamad islaami ah. Dad fara badan oo Soomaliyeed aya aad ula yaabay in xiligaan uu Dhakhtar Soomaliyeed u dhintaa sigaar uu cabayey oo si bareer ah loo toogtaa . Kooxaha islaamiyiinta sheegta ee mucaaradka ah ayaa diinta islaamka ka dhigay cayaar iyo in ay sida ay la tahay ka yeelaan , waxaana culima fara badan ay aad ula yaabeen meesha ay shareecada kaga qorantahay in qof loo dilaa sigaar uu cabayey. Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted November 3, 2009 ala yaa raxmu hero get killed and no one cares Quote Share this post Link to post Share on other sites