Cowke Posted July 16, 2010 Khamri ay qabteen Booliska Gobolka Mudug Oo Lagu Burburiyey Magaaladda Gaalkacyo [Photos] July 15, 2010 Waxaa maanta fagaaraha barxada qaybta Booliska gobalka Mudug lagu burburiyay ilaa 130 dhalo oo ah maandooriyaha loo yaqaan qamriga oo ay Ciidanka amaanka gobalka Mudug dhawaan gacanta kusoo dhigeen 3 kartoon oo ay ka buuxdo qamriga loo yaqaan Dry Gin,waxaana ay ciidamadu ay sheegeen in lagu soo qaatay qamrigan gaari ka yimid dhanka gobalka Wardheer degmada galaadi ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Maxkamada Darajada koowaad ee gobalka Mudug ayaa ku xukuntay min 6 bilood oo xarig ah dadkii lagu soo qabtay qamrigan waxayna sidoo kale maxkamada xukuntay in meel fagaara ah lagu bur buriyo qamrigan. Goobta ay ka dhacaysay burburinta qamrigan ayaa waxa joogay Gudoomiyaha maxkamada darajada koowad ee gobalka Mudug io xeer ilaaliyaha maxkamada,Gudoomiyaha maxkamada rafcaanka gobalka mudug sidoo kale waxa goobtaas ku sugnaa Taliyaha Ciidamada booliska gobalka mudug G/sare Muuse Xasaasi iyo qaar ka tirsan ciidanka booliska gobalka Mudug. Taliyaha Ciidamada Booliska gobalka Mudug G/sare Muuse Axmed Cabdiraxmaan (Xasaasi) ayaa ka hadlay goobtaas isagoo u mahad celiyay ciidanka booliiska oo marar badan soo qabtay waxyaalaha qalqalka galiya amaanka iyo xasiloonida gobalka Mudug.waxaana uu ku booriyay in aysan ka caajisin hawsha ay u hayaan dalka iyo dadkaba,sidoo kale waxaa uu digniin u diray kooxaha ka ganacsada mandooriyaha isagoo sheegay in gacan bir ah ay ku qaban doonan ciidamada amanka gobalka Mudug. Ma ahaan markii ugu horeeysay oo ay ciidanku soo qabtaan maandooriyaha loo yaqaan qamriga,hase ahaate waxaa jira goobo waa weyn oo caan ku ah ka ganacsiga qamriga kuwaasi oo ku yaala bartanka magaalada Gaalkacyo. Ahmed Mohamed Ali (Caano Geel) Horseed Media Galkaacyo-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites