Sign in to follow this  
General Duke

Part time Puntlanders aside who supports Galgala terror cell?

Recommended Posts

Garoowe:”Atam & Alshabaab waa isugu kaaya mid” Axmed Doonyaale.

30. juli 2010 

 

APL

 

 

FIKRAD iyo FALANQAYN KA DHIIBO WARKAAN, KU QOR FORM-KA DHAMAADKA WARKAAN YAAL

 

Garoowe:(Allpuntland)-Axmed Xusseen Doonyaale oo ah Siyaasi reer Puntland ah islamarkaasna bilo ka hor laga qaaday Xilka Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee dawlada Puntland ayaa dhaliil xoogan dusha uga tuuray Hogaamiyaha Ciidamada ku haystay gobolka Bari,waxaana uu sheegey inuu yahay nin Argagaxiso saaxiib dhow la’ah.

 

Doonyaale wuxuu sheegey in Maxamed Siciid Atam uu ciidamo badan oo Alshabaab ah shaqaaleystay,islamarkaasna Ajaanib aad ubadan uu galiyey buuraha xuduudka ay wadagaan gobolada Sanaag & Bari,waxaana uu sheegey in Alshabaab & Atam ay u simanyihiin lana wada dagaalamayaan.

 

“Atam markii hore wuxuu haysta ciidamo deegaankeena kasoo jeeda,imikase wuxuu soo dhaweystay koox aanan waxba naga dhaxayn oo Ajaanib u badan,Annaga Atam & Alshabaab waa isugu kaaya mid waanuna la dagaalamaynaa”Ayuu yiri Axmed Doonyaale.

 

Wasiirkii hore ee Xanaanada xoolaha dawlada Puntland ee Soomaaliyeed wuxuu sheegey in Ciidamada Puntland ay awood u adeegsandoonaan Kooxda Atam,waxaana uu taas ku macneeyey inay diideen Heshiisyo & Dadaalo nabdeed oo lawaday.

 

Cabdiqani Xayir

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boosaaso:"Waanu ku filanaha Kooxda Galgala"Wasiirka Arimaha Guda D/Puntland.

29. juli 2010 

Boosaaso:(Allpuntland)-Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose & Hor'umarinta reer miyiga ee dawlada Puntland Jen,Cabdullaahi Axmed Jaamac(Ilkajiir)ayaa markii ugu horaysay si toos ah uga hadlay Dagaalkii bilowgii todobaadkan ka dhacay buuraleyda gobolka Bari,waxaana uu Wasiirku sheegey in Dagaalkaasi uu ahaa Talaabo Dawladiisa lagu daandaansanayey.

 

Jen,Ilkajiir Wuxuu ugu horayn Hambalyo udiray Dhamaan Bulsho weynta reer Puntland ee imika sanadkii 12-aad Xukuumadooda u buuxsamayo,waxaana uu sheegey in Waqtigan aysan haboonayn in Dagaalo ay shacabku galaan,isagoo sidoo kale sheegey in Kooxda kusugan Galgala ay imika qas cusub bilaabeen,waxaana uu sheegey Wasiirku in Xukuumadiisu ay talaabo ka qaadi doonto cidkasta oo isku dayda Khalkhal Amaan.

 

"Dagaalkii maanlintii dhaweyd dhacay wuxuu ahaa mid nasiib daro ah oo aanan Waqtigan loo baahnayn,Waxaanuna wadnay Xal sidan dhaama oo aanu labada dhinac isugu soo dhaweynayno,waxaanuna ka xunahay in Halkaas ay wax ka dhacaan,imikana ciidmadeenu waxay joogaan goobtii wax ka dheceen oo aanu la wareegnay"Ayuu yiri Jen,Ilkajiir oo saacado un ka hor kasoo noqday Buuraha Bari oo uu kusugnaa maalmihii lasoo dhaafay oo APL la hadlay isagoo kusugan magaalada Boosaaso.

 

Wasiirka Arimaha Guduhu wuxuu sheegey in xukuumadiisu aysan waqtigan diyaar u ahayn inay Dawlahada Caalamka ka codsato inay duqeeyaan Buuraha Galgala oo saacadihii lasoo dhaafay Cabsi badani kajirtay,waxaana uu ku gaabsaday in Xukuumadiisa oo aanan duqaynin ay halkaas isaga filantahay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xukuumadda iyo dadka degaanka ayaa wadajir xoog isaga saaraya-

 

Allidalaamale:-Wasiirka Arimaha Gudaha,Dawladaha Hoose iyo Hor'umarinta reer miyiga ee dawlada Puntland Gen.C/llaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo wareysi siiyay warbaahinta BBC ayaa

 

sheegay in kooxda Al-Shabaab ee deeganka Galgala u oogu baaqayo in ay si nabad ah uga baxaan dhulkaas, haddii kale xukuumadda iyo dadka degaanka oo wadajira ay xoog isaga saari doonaan kooxda kusoo duushay dadka Islaamka ah ee reer Puntland.

 

Ilka jiir ayaa sidoo kale sheegay in kooxahan ay isugu jiraan kuwa degaanka ka soo jeeda iyo kuwo uu ku sheegay in ay dool kaga yimaadeen koofurta iyo galbeedka somalia,ilsa markaana weerar aan gabasho laheyn kusoo qaaday reer Puntland.

 

Wasiirka aya intaa ku daray in isimada,waxgaradka  iyo xukuumadda Puntland ay muddo 4 bilood ah ku howlanayaaneyn sidii xal nabad ah loogu dhameyn lahaa Arinta Atam,isla markaan ay u fuliyeen qodobo u soo dalbaday si wada hadal la isugu hor fariisto hubkana uu u soo wareejiyo,balse wasiirku wuxuu xusay inuu ka baxay wada xaajoodkii usocday isaga iyo Odayaasha deeganka weerarna u kusoo qaaday ciidamada Puntland.

 

Wuxuu intaas raaciyey in shirar badan oo ay yeesheen dadka degaanka ay ka soo saareen digniin ay u jeediyeen kooxdan, ayna ugu baaqeen si nabad ah in ay degaanka uga baxaan haddii kale iyagoo kaashanaya dawlada iyo dadka Puntland ay iska saari doonaan.

 

Ilka Jiir oo ka jawaabay in ay doowlado shisheeya gacan kusiinayay dagaalka ay kula jirana Al-Shabaab ayaa beeniyey in arinkaasi wuxuuna ku  hoosta ka xariiqay in Dowlada Puntland ay ku filantahay gacan adagna ku qabaneyso kooxahan isu soo beheystay iney xasilooni daro ka abuuran deeganada Puntland.

 

 

Cumar Afguduud

Allidamaale.com

Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

30. July 2010        

Allidalaamale:-Axmed Xuseen Doonyaale oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda deeganka Galgala oo wareysi siiyay VOA ayaa shaaca ka qaaday in deegankoda lagusoo duulay,isla markaana ay ku sugunyahiin buuraha Galgala kooxo ajnabi iyo Soomaali ka timid deegano kale oo aan u dhalan gobolada Puntland.

 

Doonyaale oo arinka tilmaamayana wuxuu yiri “Waxaa nagu soo duuley dad aan u dhalan dhulkayaga, waxna nala wadaagin waxayna dadkaasi ku sugan yihiin agagaarka Galgala, ayagoona qab qabsho iyo xarigba u geystay  dadka deeganka ee beeralayda ah sidaas daraaded waxaa nagu waajib ah in aan la daaglano kooxahas Al-Shabaabka ah Atamna waa nin lagu shaqeysanayo oo khiyaar laheyn” ayuu yiri Doonyaale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAREYSIYO : Barnaamij ku saabsan colaadaha Galgala

29 Jul 29, 2010 - 10:41:03 PM

 

Waa Barnaamij la yiraahdo hadal haynta Todobaadka oo ka baxa Idaacada Garowe maalin walba oo Jimco ah ayaa todobaadkan waxaa looga hadley xiisada ka jirtey buuraha Galgala.

 

Barnaamijkan oo la idiinku soo ururshey qeybo ka mid ah hadaladii warbahinta ka baxey ee looga hadlayey xiisadaha agagaarka Galgala ayaa waxaa diirada la saarey hadalada kala duwan ee kasoo baxey dhinacyada saameyntu ku yeelatey colaadaan.

 

Dhageyso dhamaan hadaladii warbaahinta laga sii daayey ee ku saabsanaa colaadaha kasoo kordhey buuraha Galgala ee ku yaal duleedka magaalada Bosaso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ Your circle is ever decreasing...

You could not get along with Betty who gave you asylum (and brought you up with free milk coupons) and flew to Uncle Sam. smile.gif You fell out with the Tigre handlers who took you back to the “promise land” you always dreamt about. Today you ranting and raving against reer Bari. What’s next General Duck?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this