Sign in to follow this  
General Duke

IGAD defence ministers agree to send troops to Somalia

Recommended Posts

Kampala: Wasiirada Gaashaandhigga IGAD oo Go'aamiyay Ciidamo Hub ka Dhigis ah oo Somaliya loo Diro

- Sunday, March 13, 2005 at 00:25

 

Kampala (AllPuntland) - Wasiirada Gaashaandhigga ee Urur Goboleedka IGAD ee maalmahanba shirku uga socday magaalada Kampala ee xarunta Uganda ayaa maanta soo saaray go'aamo cad cad oo kusaabsan fikraddooda ku aaddan Soomaaliya.

 

Kulankan ay lahaayeen wasiirada gaashaan dhigga ayaa ahaa mid looga xaajoonayay in ciidamo loo diro Soomaaliya , inta ay noqonayaan , dalalka diraya iyo kharashaadka ku baxaya , waxayna ugu danbaystii isla qaateen qodobadan:

 

1. In Soomaaliya ciidamo loo diro,

2. In ay ka socdaa Urur Goboleedka IGAD oo kaliya,

3. In laga maarmo Midowga Afrika oo ay ku filan tahay hawsha hub ka dhigista IGAD oo kaliya,

4. In dalalka ciidamada diraya ay noqdaan Ethiophia, Uganda, Djibouti, iyo Ereteria.

 

Dawladda Uganda ayaa illaa iyo haatan carabka ku dhufatay tiro ciidamo ah oo ay diyaarisay waxayna sheegtay inay diyaar u yihin 700 oo askari hase yeeshee waxay sheegeen inay intaasi kasii badin doonaan.

 

Ungand ayaa sidoo kale codsatay in loo soo diro khuburo ka tababara ciidamadeeda ka qayb qaadanaya hub ka dhigista dhinaca dhaqanka Soomaliyeed.

 

Go'aankan kasoo yeeray wasiirada gaashaandhigga ee IGAD ayaa ahaa mid Soomaalida badankeed ay u dhagtaagaysay waxa uu noqon doono; wuxuuna ku soo beegmayaa xilli ay qaar kamid ah hogaamiye kooxeedyada Soomaaliya ay diidmo qayaxan ka muujinayeen ciidamo shisheeye oo ka qaybqaata hub ka dhigista.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

IGAD kaliya.These people must be high. If any troops are to be deployed in Somalia, they should include other African union members, and exclude all frontline states. These people helped in the destruction, and prolonged the suffering of the Somali people. How could one seriously think they could help in bringing out peace in Somalia. What Joke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this