Sign in to follow this  
Jacaylbaro

CEERIGAABO CUQAASHA GOBOLKA SANAAG OO LOO QABTAY AQOON ISWEYDAARSI KUSAABSAN NABADAYN

Recommended Posts

Ceerigaabo (Qarannews) 90 caaqil oo ah cuqaasha gobolka sanaag iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada ayaa loo qabtay aqoon isweydaarsi socon doona muddo 9 maalmood ah oo kusaabsan nabadaynta iyo maammul wanaagga “Peace building and Good governance”.

 

cuqaashasanaag4tf5.jpg

 

 

Haddaba iyadoo marxaladda gobolkan sanaag marka loo eego ay xilligan aad muhiim u tahay tiro intaas le’eg ama xataa kulan guud oo noocan oo kale ah oo ay yeeshaan cuqaasha gobolka sanaag, ama xataa la odhan karo cuqaasha gobolkan sanaag xilligii nabadaynta beelaha sanaag ee 1993 ayaa ugu danbaysey kulan noocan oo kale ah oo ay yeeshaan ama meel isugu yimaaddaan, ayaa marka la eego arrimaha aqoon isweydaarsigan lagaga hadlayo oo ay ka mid yihiin a) khilaafaadka iyo xallintooda, b) nabadaynta iyo tayogelinteeda, iyo c) doorka ama kaalinta maammulku kuleeyahay taabbo gelinta nabadaynta, waxaynu odhan karnaa waxayba arrintani sababi kartaa in cuqaashan kulankooda ay ka dhalan karaan faa’iidooyin hor leh oo ay ka mid noqon karaan xallinta khilaafaadyada beelaha dhexdooda ka jira ee xilligan.

 

 

 

Haddaba aqoon isweydaarsigan oo ka furmay xarunta gobolka sanaag ee ceerigaabo oo ay ku deeqday hay’adda caalammiga ee CARE INT. ayna fulinayso hay’adda waddaniga ee SCBO waxa furitaankiisii kasoo qayb galay madaxda heer gobol iyo degmoba ee sanaag, waxana hadallo koobkooban kasoo jeediyey maayorka degmada ceerigaabo md.ismaaciil xaaji nuur, xildhibaan cartan, iyo guddoomiye-xigeenka gobolka sanaag “c/casiis xasan siciid”, waxayna dhammaantood cuqaashan ku boorriyeen in ay fursaddan uga faa’iidaystaan dhinacyo badan ha ahaato marxaladdan gobol sanaag ahaaneed ee xilligan lagu jiro, horumarka iyo nabadda intaba, maayorka ceerigaabo oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi “cuqaashiinna tiradan ah ee la kulmiyey waa fursad muhiim u ah xilligan guud ahaanba gobolkan sanaag, waxanna rajaynayaa in ayba idinkasoo dhex bixi doonaan talooyin hor leh oo dhalin kara xallinta khilaafaadyada xilligan jira iyo horumar kale intaba” isagoo hadalkiisa sii watana wuxu yidhi “ waxan idinku boorrinayaa in aad fursaddan ka faa’iidaysataan, bulshadeennana uga faa’iidaysaan, mahadna waxan u jeedinayaa hay’adaha Care Int. iyo SCBO ee arrintan iska kaashaday”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this