General Duke Posted June 30, 2008 Sharma-Sheikh: Shir Madaxeedka dalalka Midowga Afrika oo si rasmi ah ugu furmay dalka Masar 30. Juni 2008 Sharma-Sheikh(AllPuntland)-Waxaa magaalada loo dalxiis tago Sharma Shiikh ee dalka Masar ka furmay shir madaxeedka 12-aad ee Madaxda dalalka Midowga Afrika iyadoo uu furay Madaxweynaha dalka Masar Mr. Maxamed Xusni Mubaarak, isagoo ka hadlay ujeedada shirka iyo qodobada looga hadlayo, wuxuuna sheegay in shirkan miraha ka soo baxo ay noqon doonaan kuwo wax gal ah. Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen Madaxweyneyaasha dalalka Afrika ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo saakay gaaray Sharma Shiikh, iyadoo uu Madaxweyne Yuusuf uu halkaasi ka jeedin doono khudbad xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka Soomaaliya iyo heshiiskii dalka Jabuuti lagu gaaray natiijooyinkii ka hirgalay iyo waxyaabaha weli hortaagan hirgelintooda. Guddoomiyaha ururka Midowga Afrika John Bean oo isna shirka ka hadlay ayaa ku dheeraaday arrimaha dalka Soomaaliya wuxuuna si gaar ah uu diirada u saaray heshiiskii Dowladda KMG iyo Mucaaradka ay ku gaareen Jabuuti, kaasoo uu soo dhoweeyay kuna tilmaamay heshiis horumar leh. "Shirkii Jabuuti ka dhacay ee heshiiska ay ku gaareen Dowladda iyo Mucaaradku waa mid lagu guulaystay oo rajo wanaagsan gelinaya caalamka iyo shacabka Soomaaliyed, laakiin waxaa harsan sidii ay Soomaalida ugu faa'iideysan laheyd heshiiskan wax ku oolka ah" ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika oo intaa raaciyay in shirkaasi uu yahay fursad qaali ah oo caalamka taageero ka helaya, isagoo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida ee isku haaya siyaasadda in ay ka faa'iideystaan natiijadii ka soo baxay heshiiska Jabuuti. Guddoomiyaha Midowga Afrika oo Saxaafadda ku hadlayay bannaanka hoolka shirarka ayaa waxaa kaloo uu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM ay sii joogi doonaan dalka Soomaaliya inta laga xalinayo khilaafaadka ka jira dalka Soomaaliya. Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa isagana la filayaa in uu ka hadlo xaaladda dalka Soomaaliya, wuxuuna Madaxweynaha uu sheegay in Beesha caalamka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ugu baahan yihiin taageero dhinac walba leh si loo soo celiyo xasiloonida dalka, wuxuuna Madaxweynaha uu mar kale ku celin doonaa dalabka ciidamo nabad ilaalin oo ka socda beesha caalamka. C.M.Cali AllPuntland. Quote Share this post Link to post Share on other sites