Sign in to follow this  
General Duke

Twin-Cities: GMC fund raising event huge success...PICS+ Next stop Toronto, Boston..

Recommended Posts

709.jpg

.

 

Dr. Dhegacade oo ka qayb galay xaflad yabooh dhaqaale loogu ururiyey cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC) & kulliyada caafimaad ee (Institute for Health Science & Tech) oo lagu qabtay St. Paul/Minneapolis.

 

Minneapolis, Oct 24 - Xaflad agab dhaqaale loogu ururinayo cisbitaalka Galkacyo Medical Centre (GMC) iyo Kulliyada caafimaadaka ee Puntland Institute for Health Science & Technology ayaa xalay lagu qabtay magaalooyinka mataanaha ah ee St. Paul & Minneapolis ee Minnesota.

 

Xafladda oo ahayd mid bilan, dad badanina ay ka soo qayb galeen, ayaa lagu soo bandhigay culuum iyo xoggo ku saabsan hawlada cisbitaalka, baahida caafimaad ee gobollada Somaliya, daryeel la'aanta iyo baahida dad xirfadlayaal ah oo kaafiya baahida caafimaad ee bulshada, iyo sidii Somalida qurbajoogtu ay kaalin uga qaadan lahaayeen u helitaanka daryeel iyo adeeg caafimaad danyarka ku nool Somaliya ee karin.

 

Macluumaad ku saabsan kulliyadda caafimaadka ee Puntland Institute for Health Science & Technology ee dhismaheeda hadda farta lagu hayo, laguna han weyn yahay in dhismaheeda la ebyo sannadka 2011 ayaa sidoo kale la soo bandhigay. Kulliyada ayaa hadafkeeda 1-aad uu yahay in ay soo saarto dhakhaatiir, umulisooyin, kalkaaliyeyaal caafimaad, farsamo-yaqaano, iyo xirfadleyaal caafimaad oo dawr ka qaata *****lka baahida caafimaad ee qoyska Somalida.

 

Dr. Cabdulqadir Maxamuud Jaamac 'Dr. Dhegacade' oo xaflada ka hadlay ayaa uga mahadceliyey ka qayb galayaasha iyo tabarucayaasha is-xilqaanka iyo kaalmaynta danyarta Somalida ah oo uu sheegay in ay tahay waajib saaran qof kasta oo damiir leh, garawsanna mas'uuliyada bulsheed ee ka saaran daryeelka danyarta.

 

Dr. Dhegacade waxaa uu soo bandhigay xoggo muujinaya baahida caafimaad ee hooyada iyo ilmaha ee aasaaska u ah bad-qabka qoyska Somalida ah.

 

Waxaa kale oo uu Dr. Dhegacade soo bandhigay tusmooyin ka tarjumaya xaalada qallafsan ee caafimaad ee hooyada iyo ilmaha ku nool Somaliya.

 

Dr. Dhegacade waxaa uu ku noolaa dalka Talyaaniga in ka badan 40 sano, dibna ugu laabtay Somaliya 10 sano ka hor; waxaa uu ka codsaday xirfadleyda Somalida ah ee ku nool qurbuhu in ay ku dhiiradaan in ay cilmiga iyo xirfadda ay Somaliya dib ugu celiyaan, uguna gargaaraan ummadda aanay jirin dawlad iyo dad ku hawlan daryeelooda caafimaad, bulsheed iyo dhaqan dhaqaale.

 

Xaflada waxaa ka soo qayb galay dhakhaatiir iyo xirfadleyaal caafimaad oo Somali ah.

 

Waxaa laga xusi karaa dhakhaatiirka ka qayb qaatay munaasabada yabooha dhaqaale Dr. Axmed Dalmar, Dr. Maxamed Cabdiraxmaan, Dr. Maxamed Maxamuud Afqarshe, iyo dhakhaatiir kale.

 

Dr. Cawa Cabdi iyo Asli Ashir ayaa xaflada ka jeediyey weedho ximkad xambaarsan oo taabanaya ahmiyada daryeelka hooyada iyo ilmuhu ay ummadda u leedahay, iyo sida looga baahan yahay qof kastaa in uu xil iska saaro agaasimka, fulinta, iyo gacan ka gaysashada hawlaha caafimaad ee bulshada.

 

Shacab door ah iyo xirfadley guud oo Somali iyo Maraykan-ba leh ee ku nool Minessota ayaa ka soo qayb galay xaflada.

 

Xubno ka mid ah siyaasiayaanta Minnesota oo ay laga xusi karo xildhibaanada Keith Ellison iyo Karen Clark oo labaduba taageeray barnaamijnka dhaqaale ee cisbitaalka iyo dhismaha kulliyadda caafimaadka.

 

Xuseen Samatar Garabyare oo ah murashax siyaasadeed oo u tartamaya (Minneapolis Public Schools Board - District 3) ee Minnesota ayaa isna ka hadlay munaasabada.

 

Dr. Dhegacade ayaa ka soo bilaabay barnaamijka dhaqaale ee cisbitaalka iyo kulliyada dalalka Sweden iyo Britain, horena u soo maray Bosotn (MA) iyo Washington D.C Metro; Toronto, Canada ayaa caawa (24-ka Oktober) lagu qaban doonaa xaflad tan la mid ah.

 

Dadkii ka soo qayb galay xaflada ayaa si wanaagsan u huray yabooha dhaqaale ee cisbitaalka iyo kulliyada caafimaad

Share this post


Link to post
Share on other sites

African Future? = epic fail. I hate it when people try to make stuff bigger than it is. Just keep it to Somali Future or something like that.

 

Nice pics though.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Boston poster is a bit over the top, but we have learned in Minneapolis that the man deserves all the praise and credit for what he has achived in Galkacyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sensei   

I wonder who would have the VA pics, they should be posted as well. Not quite he same gathering as MN, but enough to meet the purpose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Sensei:

S. Max'ed Cawaale is obviously very pleased to see the doctor!!!

 

GD,I assume you are somewhere in there.

Yeah,probably they used to be childhood friends. I see some of my relatives there as well! Well done reer Manayaabolis

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this