General Duke Posted May 1, 2007 Xildhibaano cusub oo la dhaariyey iyo Munaasabada Shaqaalaha Adduunka oo Baydhabo laga xusay Last Updated::2007-05-01 17:12:05 Baydhabo:- Lix xildhibaan oo cusub ayaa kusoo biiray Baarlamaanka Federaalka kuwaasi oo bedalay qaar kamid ah 31dii xildhibaan ee xilka laga xayuubiyey. Xubnaha la dhaariyey ayaa kala ah: 1- Maxamed Cabdi Weyrax, wuxuu bedalay Jaamac Cali jaamac. 2- Saciid Maxamed Axmed wuxuu bedalay Maxamed Cabdi Yuusuf. 3- Maxamed Maxamuud Xasan, wuxuu bedalay Zakari Xaaji Maxamed. 4- Cabdi maxamed Axmed, wuxuu bedalay Maxamed Cabdi Daryeel. 5- Sharif Maxamed Sheikh Axmed waxaa wuxuu bedalay Shariif Saalax. 6- Raabaco sheikh Axmed, wuxuu bedalay Fowsiya Maxamed. Golaha Baarlamaanka ayaa maanta sidoo kale ka dooday arrimaha shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Muqdisho bisha June ee sanadkan. Maanta oo ku aadaneyd maalinta Shaqaalaha Adduunka ayaa sidoo kale si weyn looga xusay magaalada Baydhabo ayadoo xaflad loogu talo galay maalintaasi ay ka qeyb galeen xildhibaanada iyo mas'uuliyiinta Dowlada iyo gobalka. HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites