Sign in to follow this  
General Duke

Geneva: Ambassador Bari Bari takes up his post: PICS

Recommended Posts

Amb_Yusuf_Mohamed_Ismail_Ba.jpg

 

Danjire "Bari-Bari" oo loogu soo dhaweeyay Jineva

 

Jineva, Swiss (Calanka.com) 30-Marso-08

Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" oo ah Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Jimciyadda Qaarumaha ka dhaxeysa oo saldhiggedu yahay Jineefa si diiraan loogu soo dhaweeyey bisha Maarso 20/kii Shirweeynaha 7aad ee lagu qabtey Golaha Xuquuqal-Insaanka ee Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeysa oo fadhigiisu yahay magaalada Jineefa ee dalka Switzerland.

 

Kursiga Soomaaliyeed ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeeysa ee Geneva oo aan si rasmi ah loogu farisan tan iyo 1991 ayaa Safiiro badan ka muujiyeen farxad iyo bogaadin badan kuwaasoo salaan diiran ugu tagey oo intooda Muslimka eey u duceeyeen Ummada Soomaaliyeed in uu ILAAHEEY SWT culeeyska ka qaado.

 

Daqiiqado ka dib markii uu Dr Ghanim Al-najjar, Wakiilkii hore ee Jimciyadda Qaaruumha ka dhexeysa u qaabilsanaa Xaaladda Xuquuqal-Insaanka Soomaaliya uu warbixin-tiisii ugu dambeeysey ka jeediyey Shirweeyniha, Guddomiyaha Golaha wuxuu fursad uu siiyey Danjiraha Soomaaliyeed in auu halkaas ka jeediyo khudbaddiisii ugu horreysey.

 

Sanadihii la soo dhaafey Bayaannadii Xaaladda Xuquuqal-Insaanka Soomaaliya waxaa soo bandhigi-jirtey Dowladda Talyaaniga.

 

Sannadkaan waa markii ugu horreysey ee Waddamada Qaaradda Afrika go'aansadeen in ey iyagu Golaha u soo jeediyaan bayaanno ku saabsan Xaaladda Xuquuqal-Insaanka ee waddamo Afrikaan ah qaarkood oo eey Soomaaliya ka mid tahay.

 

Dood dheer ka dib iyo wada-hadallo diblumaasiyadeed gaar-ahaaneed iyo guud-ahaaneedba ayaa la isku af-gartey in qoraal hor-dhac la hor-dhigo Golaha. Maalmihii ina soo dhaafeey waddamo dhoowr oo aan ka mid aheeyn Qaaradda Afrika ayaa ka caga jiideyey qodobo ka mid ah bayaanka Xaaladda Xuquuqul-Insaanka ka jirta Soomaaliya ayaa gunaanadkii dooda taageerey isla bayaanka. Waddamadaas waxaa ka mid ah: Mareekanka, Boqortooyada Ingiriiska, Talyaaniga, Kanada, Norwey, Swisska, Finland, Giriiga, Faransiiska, Austriya, Sbain, Burtuqiiska, Luksemburg, Sloveniya, Jamhuriyadda Jeg, Serbiya, Qubrus.

 

AlxamduliLLAAHI SWT shaley galab marka ey saacadda Swisska aheeyd 5.30 ayaa aqlabiyad lagu ansixiyey bayaanka Xaaladda Xuquuqal-Insaanka ee Soomaaliya. 26 Marso, 2008 xilkii uu ahey Dr Ghanim Al-najjar waxaa lagu wareejiyey Dr Shamsul Bari oo ah gar-yaqaan u dhashey dalka Bangaladesh oo muddo u shaqeeynayey Hay'adda Qaxootiga ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa UNHCR.

 

Kaalinta mas'uulkaan loo xil-saareey waxeey ku koobaan tahay in uu u fidiyo taageero farsamo DFKMG Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha ku saabsaan hor-u-marinta Xuquuqal-Insaanka Soomaaliyeed.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amb_Yusuf_Mohamed_Ismail_B.jpg

Ansixinta Bayaanka Golaha QM ee Xuquuqal-Insaanka ee ku wajahan Soomaaliya

 

Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" oo ah Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u fadhiya Jimciyadda Qaarumaha ka dhaxeysa oo saldhiggedu yahay Jineefa si diiraan loogu soo dhaweeyey bisha Maarso 20/kii Shirweeynaha 7aad ee lagu qabtey Golaha Xuquuqal-Insaanka ee Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeysa oo fadhigiisu yahay magaalada Jineefa ee dalka Switzerland. Kursiga Soomaaliyeed ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeeysa ee Geneva oo aan si rasmi ah loogu farisan tan iyo 1991 ayaa Safiiro badan ka muujiyeen farxad iyo bogaadin badan kuwaasoo salaan diiran ugu tagey oo intooda Muslimka eey u duceeyeen Ummada Soomaaliyeed in uu ILAAHEEY SWT culeeyska ka qaado.

 

Daqiiqado ka dib markii uu Dr Ghanim Al-najjar, Wakiilkii hore ee Jimciyadda Qaaruumha ka dhexeysa u qaabilsanaa Xaaladda Xuquuqal-Insaanka Soomaaliya uu warbixin-tiisii ugu dambeeysey ka jeediyey Shirweeyniha, Guddomiyaha Golaha wuxuu fursad uu siiyey Danjiraha Soomaaliyeed in auu halkaas ka jeediyo khudbaddiisii ugu horreysey(Hoos ka eeg). Sanadihii la soo dhaafey Bayaannadii Xaaladda Xuquuqal-Insaanka Soomaaliya waxaa soo bandhigi-jirtey Dowladda Talyaaniga. Sannadkaan waa markii ugu horreysey ee Waddamada Qaaradda Afrika go'aansadeen in ey iyagu Golaha u soo jeediyaan bayaanno ku saabsan Xaaladda Xuquuqal-Insaanka ee waddamo Afrikaan ah qaarkood oo eey Soomaaliya ka mid tahay.

 

 

Dood dheer ka dib iyo wada-hadallo diblumaasiyadeed gaar-ahaaneed iyo guud-ahaaneedba ayaa la isku af-gartey in qoraal hor-dhac la hor-dhigo Golaha. Maalmihii ina soo dhaafeey waddamo dhoowr oo aan ka mid aheeyn Qaaradda Afrika ayaa ka caga jiideyey qodobo ka mid ah bayaanka Xaaladda Xuquuqul-Insaanka ka jirta Soomaaliya ayaa gunaanadkii dooda taageerey isla bayaanka. Waddamadaas waxaa ka mid ah: Mareekanka, Boqortooyada Ingiriiska, Talyaaniga, Kanada, Norwey, Swisska, Finland, Giriiga, Faransiiska, Austriya, Sbain, Burtuqiiska, Luksemburg, Sloveniya, Jamhuriyadda Jeg, Serbiya, Qubrus.

 

AlxamduliLLAAHI SWT shaley galab marka ey saacadda Swisska aheeyd 5.30 ayaa aqlabiyad lagu ansixiyey bayaanka Xaaladda Xuquuqal-Insaanka ee Soomaaliya(Halkaan ka furo).

 

26 Marso, 2008 xilkii uu ahey Dr Ghanim Al-najjar waxaa lagu wareejiyey Dr Shamsul Bari oo ah gar-yaqaan u dhashey dalka Bangaladesh oo muddo u shaqeeynayey Hay'adda Qaxootiga ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhexeysa UNHCR.

 

Kaalinta mas'uulkaan loo xil-saareey waxeey ku koobaan tahay in uu u fidiyo taageero farsamo DFKMG Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha ku saabsaan hor-u-marinta Xuquuqal-Insaanka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geneva, Swiss oo lagaga gudoomay danjire Bari-Bari waraaqihiisii aqoonsiga

 

Balcad, Somaliya (Calanka.com) 07-April-08

 

Bisha Abril 4, 2008 saacada Swiss/ka markii ey aheeyd 3 iyo 21 daqiiqadood ee galabnimo ayaa Maareeyaha Guud ee Jimciyadda Qaaruumaha ka dhexeysa saldhiggeedu yahay magaalada Jenefa ee Dalka Swiss/ka, Mudane Sergei Ordzhonikidze wuxuu Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" si rasmi ah uga guddoomey warqaadda lagu magacaabey.

 

Warqaddaan waxaa saxiixey Madaxweeynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed.

 

Danjiraha waxaa lagu magacaabeey Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u fadhiya JQ ka dhexeysa ee Jenefa iyo Hay'adaha Caalamiga fadhigoodu yahay dalka Swiss/ka.

 

Munaasibadda guddoonka warqadda magacaabista Danjiraha waxaa goobjoogayaal ka ahaa madax kale ee ka socota JQ ka dhexeeysa, Marwada Danjiraha Zamzam Jaamac Abshir "Dhoorre" iyo Danjiraha ey DFKMG Soomaaliyeed u magacawdey Boqortooyada Ingiriiska & Barwqasooranka Commonwealth, Mudane Cabullatif Maxamuud Cabdi.

 

 

Xilka loo magacaabey Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" waxaa lagu ansixiyey shir ey yeesheen Golaha Wasiirada DFKMG Soomaaliya bishii Juun 2007 kaasoo ka dhacey Caasimadda Dalka Soomaaliya, Magaalada Muqdisho.

 

1-Maarso 2008 Danjire Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil "Bari-Bari" wuxuu ku hor-dhaartey Madaxweeynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yusuf Axmed, Ra'isul-Wasaaraha DFKMG Mudane Nuur Xassan Xusseen, Ku-Xigeenka Koowaad Ra'isul-Wasaaraha DFKMG Mudane Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Cali Axmed Jaamac, Wasiiradda Haweenka iyo Hor-u-Marinta Qoyska Marwo Khadija Maxamed Diiriye, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib-u-Dejinta Mudane Nuur Iidoow Beyle iyo Mas'uuliyiin kale ee ka tirsan DFKMG Soomaaliyeed.

 

Danjiraha Soomaaliyeed Mudane Yusuf “Bari-Bari” ka dib markii uu ka soo degey magaalada Jenefa 20 Maarso 2008 wuxuu u guda galey shirkii 7aad ee Golaha Xuquuqal-Insaanka ee JQ ka dhexeeysa oo dhamaadeey 28 Maarso. Danjiraha Soomaaliyeed wuxuu ku guda jiraa kulamo uu la leeyahay Xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed oo ku nool Dalka Swiss/ka, Madaxda Dowladda Swiss/ka iyo Danjirayaal dalal kala duwan.

 

Soo dhoweeynta gaarka ah ee loo fidiyey waxaa kaloo markhaati u ah in uu labo khudbad ka jeediyey Shirka 7aad ee Golaha Xuquuqal-Insaanka JQ ka dhexeeysa ee Jenefa ka hor inta aan si rasmi looga guddoomiin warqadda lagu magacaabeey.

 

Danjiraha Soomaaliyeed waxaa sugaya hawl lixaad leh oo eey ugu horreyso dib-u-nooleeynta Xafiiska Ergada Joogtada Soomaaliyeed ee JQ ka dhexeeysa ee Jenefa.

 

 

Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Dalka Swiss/ka waxaa looga baahan-yahay in ey si wanaagsan oo Soomaalinimo ku dheehan-tahay ula shaqeeyaan Danjirahooda iyagoo si gaar ah u eegeya danahooda iyo mustaqbilka ubadkooda.

 

Sida la ogsoonyahay burburkii Dalkeena ku habsadey ka dib tirada Soomaalida ku nool Dalka Swiss/ka aad beey u korortey. Maadaama uu Danjiraha sidoo kale u xil-saaraanyahay xiriirka u dhexeeya Jamhuriyadda Soomaaliya iyo Dalka Swiss/ka waxaa laga filayaa in uu sare u qaado xiriirka labada dal iyo in uu u doodo xuquuqda Soomaalida ku nool Dalka Swisska.

 

Isla maalinta Danjiraha Soomaaliyeed Mudane Yusuf “Bari-Bari” laga guddoomayey warqadda lagu magacaabey ayaa dad kor u dhafaay 1000 qofood oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ku nool Swiss/ka ayaa marka ugu horreysey iyagoo mideeysan waxeey ku hor-mudaaharaaddeen Baarlamaanka Fedeeralka ee Swiis/ka oo ku yaal magaalada Caasimadda ee Bern, waxeeyna u doodayeen xuquuqdooda.

 

DFKMG ee Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Is-kaashiga Caalamiga waxeey si gaar ah ugu hawlan-tahay in ey xoojiso xiriirka Caalamiga ah ayadoo kaashaneysa Safaaradaha Soomaaliyeed oo intooda badan uu si xun u saameeyey burburkii Dalkeena inkastoo ey jiraan Diblumaasiyiin Soomaaliyeed ey taarikhdu si wanaagsan u xusi doonto waayo waxeey ilaaliyeen sharaftii iyo karaamadii Soomaaliyeed waxeeyna ku mintideen hantidii Dalkeena dibedda u tiil. Waxaa aad iyo aad lagama maarmaan u ah in ey Safaaradaha Soomaaliyeed sida ugu dhaqsi badan si dhab ah u hawl-galaan si eey u guttaan waajibaadka saaraan kaasoo ah in ey sare u qaadaan xiriirka iyo is-kaashiga Caalaamka oo ey Ummadda Soomaaliyeed sida gaarka ah ugu baahan-tahay. Dhanka kale Beesha Caalaamka waxeey soo dhoweeyneysaa xiriirka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya maadaama ey qaaradaha adduunka iyo dalalka deriska ah ey u haajireen Soomaali aad iyo aad u tira badan kuwaasoo u baahan daryeel dhab ah iyo in loo dodo xuquuqdooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this