Cowke Posted June 23, 2010 Hadalheynta Qaranka ( Xaalada Beeraleyda Gobolka Mudug) Sawiro. Cawil Maxamuud Cabdi RBC Radio, Gaalkacyo Cawil@raxanreeb.com Barnaamijka Hadalheynta Qaranka waa todobaadle inta badan aynu ku soo qaadno marxaladaha loogu hadalheynta badan yahay ee ka jira gobolada iyo deegaanada dalka Soomaaliya. Todobaadkan waxaanu Barnaamijka Hadalheynta Qaranka si gaar ah ugu eegi doonaa xaalada Beeraleyda ku dhaqan gobolka Mudug gaar ahaan kuwooda beeraha ku leh dhulka deegaanka Roox ee duleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland. Deegaanka Roox waxaa uu magaalada Gaalkacyo ka xigaa dhinaca waqooyi, waxaana qiyaas ahaan uu Gaalkacyo u jiraa qiyaastii in ka badan 45 Km, waxaa halkaasi ku yaala beero waaweyn oo ku fadhiya dhul baaxad leh, waxaana beerahaasi maal gashtay oo iska leh ganacsatada gobolka Mudug qaarkood. Beeraha deegaankaasi Roox waa kuwa loo dalxiis tago mararka qaar, waxaa ka baxa Dalagyo iyo Geed mirood, waxaa sidoo kale ka baxa cowska la siiyo xoolaha oo qaarkii loo iib geeyo magaalada Boosaaso si loo siiyo xoolaha la dhoofinayo ee safarka u galaya ilaa iyo wadamada Khaliijka Carabta. Dalagyada iyo Geed miroodka beeraha Roox ka baxa ayaa waxaa ka mid ah, Cambaha, Liin bambeelmada, Saytuunka, Liin dhanaanta, Basasha, Yaanyada, Basbaaska, Qaraha, Sisinta, Galeyda, Masagada, Barbarooniga, Babaayga, Mooska iyo waxyaabo kale oo badan. Ganacsatada beeraha Deegaanka Roox ku yaala iska leh ayaa waxaa ka dhaxeeya iskaashi weyn, waxay wadaagaan biyaha iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka u ah, waxaa beer walba ka howlgala oo ka shaqeeya dhalinyaro da’yar ah oo ka yimid dhinaca gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasi oo in badan ka yaqaana tabcashada beeraha noocyadooda kala duwan. Waxaa intaasi u dheer in ay leeyihiin xoolo nool, gaar ahaan ariga oo ay dhaqdaan, waxaadna beer walba ku arkeysaa tiro xoolo ari ah oo ku xareysan, kuwaasi oo ay dhaqaan dhalinta ka shaqeysa beeraha, waxayna nolol ka dhigtaan caanaha xoolahaasi ay ka maalaan iyo raashinka oo u dhexyaala beeraha dhexdooda. Beeraleyda ayaa waxaa ay magaalada Gaalkacyo u iib keenaan qudaarta fudud ee mar walba soo go’da sida Basbaaska, Barbarooniga, Liin dhanaanta, Yaanyada, Basasha iyo weliba Babaayga, kuwaasi oo ay ku iibiyaan qiimo jaban, waxaana arintani aad uga faa’ideysta ganacsatada yar yar ee ku shaqeysta ka ganacsiga qudaarta, kuwaasi oo markii hore qudaarta fudud looga keeni jiray meelo ka fog fog magaalada Gaalkacyo. Haddaba Roobabkii gu’ga ee lagu diirsadey sanadkan ee misana sida weyn uga da’ay guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ay deegaanka Roox beeraha ku yaala u geysteen khasaaro xoogan, kadib markii beeraha deegaankaasi ay ku soo rogmadeen daadad xoogan oo waxyeeleeyay dalagyadii iyo geed miroodkii u baxayay sanadkani beeraleyda gobolka Mudug. Waxaa sidoo kale waxyeelo ka soo gaartey ceelal biyood ay ka dhaansan jireen biyaha oo uu dulsaarnaa matoor biyaha ceelka ka soo saara isla markaana gaarsiiya beeraha, kaasi oo uu dumay dhulkii uu ku fadhiyay, waxaana horey ceelashaasi ugu qoday Hay’adaha samafalka kuwooda qaabilsan arimaha beeraha, laakin haatan waxay ku sii shaqeystaan oo ay beerahooda ku waraabshaan baliyo waaweyn oo ay fariisteen biyihii uu dhigay roobkii gu’ga, kaasi oo uga buuxa xurfooyin ku yaala dhinacyada beeraha deegaanka Roox. Dhinaca kale waxaa ganacsatada gobolka Mudug ee leh beeraha ku yaala deegaanka Roox waxay cabasho lixaad leh ka muujiyeen cayayaan yar yar oo dhibaato xoogan ku haya beerahooda, kaasi oo cunaya geed miroodka beerahaasi ku yaala, waxayna si gaar ah uga cawdeen cayayaanka loo yaqaan dirindiirta kaasi oo aafeeyay dhamaan geed miroodkii beerahaasi. Gaar Yaasiin oo ka mid ah milkiilayaasha mid ka mid ah Beeraha ku yaala deegaanka Roox ayaa xilli uu ku sugnaa gudaha beertiisa, waxaa uu RBC Radio u sheegay in ay jiraan cayayaan dhibaato ku haya dalagii iyo geed miroodkii sanadkan ay ku tiir iyo tacab beeleen, isaga oo sheegay in ay heleen taatiko ay kula dagaalamaan oo ah in ay buufiyaan oo ay ku shubaan had iyo goor dawooyin loogu talo galay in ay cayayaanka ka dilaan dhirta dusheeda, waxaana hawshaasi wada qaar ka mid ah hawl wadeenada beerahaasi oo isticmaalaya haan ay ku jiraan biyo daweysan oo u saaran dhabarka, isla markaana wadata tubo lagu buufinayo dhirta. Ganacsatada beerahani milkiyadooda iska leh ayaa sheegay in ay qabaan rajo weyn oo ah in ay mustaqbalka dhow kaafin karaan dhamaan qudaartii looga iib keeni jiray meelo ka baxsan magaalada Gaalkacyo gaar ahaan dhulka fog ee koonfurta Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay rajeynayaan in lagu dhiiran doono hawsha ay wadaan oo ay ku dayan doonaan shacab farabadan oo ka mid ah kuwa ku nool gobolka Mudug. Guud ahaan intaasi ayaan ku soo gaba gabeynayaa barnaamijkii Hadalheynta Qaranka, tan iyo markale Nabad Gelyo. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites