Castro Posted January 15, 2007 Originally posted by n-syl: God bless the Mujaahidiin in their fight to liberate the homeland from dirty Xabashos and their Somali slaves... Aamiin. Waxyaabihii ku qornaa waraaqahaasi waxaa ka mid ahaa in ururkaan uu dagaal la gali doono Ciidamada Itoobiya iyo wax uu ku tilmaamay kuwa dabadhilifka u ah , waxayna shacabka Soomaaliyeed uga digeen in aysan ku dhawaan goobaha ay joogaan. If at all possible, start with the dabadhilif first. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted January 15, 2007 Dagaallo culus oo caawa ka soconaya Muqdisha Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version Dagaal aad culus ayaa caawa ka soconaya magaalada Muqdisha. Wararkii ugu danbeeyey waxaa ay sheegayaan in ciidamada xabashida oo marayey waddada Warshadaha Agagaarka Warshadda cusub ee COCO_COLA una dhow guryihii ceymiska lagu qaaday weerar gaadmo ah Goobjoog.net Waxaa goobtaasi ka dhacay dagaal culus oo muddo socday. wararku axaa ay intaasi ku darayaan in ciidamo Xabashi ah oo gurmad ahaan ugu socdey goobta dagaalka iyagana loo galay agagaarka telefeshinkii hore ee xaafadda towfiiq oo halkaas uu iyadana ka dhacay dagaal xoog badan oo la isu adeegsadey hubka nuucyadiisa kala duwan. Ciidamo kale oo xabashi ah oo isku deyey iney ka soo gurmadaan dhinaca suuqa xoolaha ayaa iyagana jidka loo galay agagaarka warshadda baastada halkaas oo la sheegay in dagaal xoog badan oon asagoo kale waaayadan muqdisha la arag ka dhacay. In kastoo aan dhab ahaan loo xaqiijin Karin khasaaraha uu dagaalkan sedax geesoodka ah oo socdey muddo laba saacadoo ah geystey ayaa dad goobjog ahaa waxaa ay Goobjoog.net u sheegeen iney arkeen laba gaari oo ciidamada xabshidu leeyihiin oo holcaya waxaase la filayaa in qasaaro weyn la gaarsiiyey ciidamada xabashida oo iyagu ku guuldareystey iney isu gurmadaan Dagaalyahanka soomalida ah ee doonaya iney dalkooda ka xoreeyaan ciidamada cadowga xabashida ee xoogga ku qabsaday somaliya ayey muuqataa iney billabeen dagaal qorsheysan oo ay doonayaan iney dalka uga xoreeyaan gumaeysiga xabashida Ciidamada xabashida ayaa tan iyo markii ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee muqdisho aysan jirin wax iska cabin micno leh oo ay la kulmeen, taasi oo raisulwasaaraha Ethiopia ku macneeyey in somalidu ay raalli ka tahay in Ethiopia xukunto. www.goobjoog.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted January 15, 2007 Sxb this is just the begining of a long war of liberation. Muqdisho: Saldhig Booliis oo la weeraray iyo eedeyn loo jeediyay Maamulka G/Banaadir Email this Print this MOST POPULAR PDF version XML version TXT version Caawa abaarihii 8-dii fiidnimo oo qadar daqiiqado dhiman ayaa koox dabley oo ku hubeysnay gaari dhashiike ah ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliiska Dayax ee hoos taga Saldhigga Hiliwaa, iyagoo halkaasna ku dilay mid ka mid ah ciidankii halkaas ku sugnaa ayna saddex qori ka furteen. C/risaaq Cali Iimaan oo ah saddex alifle ka howl gala saldhiggaasi, isla markaana ku sugnaa marka ay is rasaaseynta ka dhacaysay saldhigga masjid aan ka fogeyn oo uu ku soo tukanayay wuxuu sheegay in lagu soo weeraray gaari nooca Cabdi-Bilaha loo yaqaano oo uu ku xernaa qoriga dhashiikaha ay rasaas si kedis ah u huwiyeen ciidankii saldhigga ku sugnaa ayna qoryahoodii ka qaateen. Dhinaca kale taliyaha saldhigga Booliiska Dayax ee deegaanka Suuqa Xoolaha ayaa ku eedeeyay ku xigeenka G/Banaadir Dhagaxtuur ahna mas’uulka dowladda amniga u xilsaartay in ay ka dambeeyeen ciidamadiisa, isagoo xusay in ay sidoo kale ay maleeshiyadii shalay abaarihii 8-dii subaxnimo weerartay saldhigga Hurwaa. Waxaa sii kordhaya magaalada Muqdisho weerarada iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya goobaha ay ka degan yihiin iyadoo ciidamadana ay sameynayaan qeybo ka mid ah Muqdisho hub ka dhigis. Goobjoog.net. E-mail:webmaster@goobjoog.net Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted January 15, 2007 Dagaalo qaraar oo ka dhacay Muqdisho, haatanse qaboobay Posted to the Web Jan 14, 16:59 (Aayaha.com) 15.01.07 - 01:00 GMT - Wararka aroornimadan Isniinta ah naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu habeenimadii xalay dagaal qaraar ka dhacay degaano ka tirsan koofurta magaalada Muqdisho. Degaanka loo yaqaan Caymiska, warshadda baastada ilaa Suuqa Xoolaha ayaa la sheegayaa in ay ka soconayeen dagaalo iyo qaraxyo lala beegsanayay ciidmada cadowga Itoobiya. Khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo gawaari kuwa mileteriga oo laga gubay ciidamada cadowga ayaa lagu soo waramayaa. Ugu yaraan laba gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa lagu waramayaa in laga gubay ciidamada Itoobiya. Ciidamo saaran gaari Uuraal ah ayaa la sheegay in lagu qarxiyay wadada warshadaha, agagaarka washadda cususb ee Coca Cola, una dhow guryaha loo yaqaan Caymiska. Weerarkan kadib gawaari gurmad ah oo ka timid dhanka Suuqa Xoolaha jidka loo galay, halkaasoo uu dagaal qaraar ka dhacay agagaarka warshadda baastada, kaasoo sababay in ciidanka cadowga laga gubay ugu yaraan hal gaari oo kuwa dagaalka ah. Sidoo kale gawaari gurmad ah oo dhanka magaalada ka timid ayaa loo galay xaafadda Towfiiq, gaar ahaan agagaarka xaruntii Telefishinka, halkaasa qasaare badan loogu geystay. Aayaha.com oo 02:00 aroornimo waqtiga Muqdisho xiriir la sameysay dad ku sugan aagga uu dagaalku ka dhacay ayaa xaqiijinaysa in rasaastii leys weydaarsanayey ay haatan sii yaraaneyso, dagaalkuna u muuqdo mid qaboobay. Warar lagu kalsoon yahay oo soo garaya Aayaha.com ayaa tilmaamaya in ay dagaalkan ka dambeeyeen xoogagga xaq u dirirka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, weerarkuna uu qeyb ka yahay qorshihii uu horay ugu dhawaaqay hoggaamiyaha xoogagga xaq u dirirka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed (Xafidahullaah) oo uu ku sheegay in cadowga Itoobiya meel kasta lagula dagaalami doono. Lama ogaan karo khasaaraha dhabta ah ee gaaray cadowga, balse ilaa berri aroortii ayuu soo bixi doonaa warka oo dhameystiran hadii Rabbi idmo. Aayaha.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Didi Kong Posted January 15, 2007 Abdi2005, Who left you with the impression these people are the party of Allah? I'm referring to your signature. Tell me where in Islam it says to topple a legitimate elected government despite how failed and corrupt its members are? Besides leaders are just a reflection of those they lead. That is why we are a failed state up until now. Please don't insult our sense of Islamic duty by misplacing the application of God's word. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Fanisha Posted January 15, 2007 Originally posted by Didi Kong: where in Islam it says to topple a legitimate elected government despite how failed and corrupt its members are? Elected by whom? Besides leaders are just a reflection of those they lead. That is why we are a failed state up until now. How so? Quote Share this post Link to post Share on other sites