Jabhad Posted March 16, 2007 Cabdulaahi Yuusuf oo ka codsadey Sayum Masvin in Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan… Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka itoobiya ayaa si qarsoodi ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho waxa uuna ku sugnaa Magaalada Muqdisho muddo 24-Saacadood ah, wax yar intuusan ka ambabixin Magaalada Muqdsho ayaa waxa uu la hadlay Saxaafada waxa uuna sheegay in Sadax qaybood marka loo qaybiyo Ciidamada Itoobiya ee soo galey Soomaaliya labo qaybood ay dib ugu laabateen Dalka itoobiya isagoo sheegay in qaybta hartay sida uga dhaqsiyaha badan uga bixi doonaan Dalka, balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada itoobiya ay ka qaybgali doonaan sugida Amaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho. Wasiirka arimaha dibada itoobiya waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Cabdulaahi Yuusuf waxa ay isla soo qaadeen sidii ciidamada itoobiya uga qaybqaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalida Dalka Soomaaliya siiba Magaalada Muqdisho, C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa la sheegey in uu ka codsaday Wasiirka arimaha dibadda Musfin in Ciidamada itoobiya ay sii joogaan gudaha Wadanka Soomaaliya tan iyo inta ay iska bedaleyso Xaalada Soomaaliya hase yeeshee warar aan ka helnay Madaxtooyada ayaa waxa sheegayaan in C/llaahi Yuusuf laga aqbalay in Ciidamada itoobiya ay gacan siiyaan kuwa Midowga Afrika. Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya ayaa waxa kaloo kulan la yeeshay Wafti ka socda Midowga Afrika oo isna soo gaaray Magaalada Muqdisho waxayna isla soo qaadeen sidii Ciidamada itoobiya ay gacan u siin la haayeen Ciidamada Midowga Afrika oo Qaar ka mid ah Ciidamadaasi ay soo gaareen Dalaka kuwaas oo ka socday Wadanka Uganda. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jabhad Posted March 16, 2007 March 15th, 2007 15-03-2007 Khilaaf U Dhexeeya Ciidanka Tigreega iyo Kuwa Ugandha: Mesfin iyo Wafdi AU oo Arrinkaas Xalintiisa u Yimid Wararka Xog-ogaal ah oo aanu ka helnay ilow wargal ah ayaa sheegaya in Seyoum Mesfin iyo wafdi ka socda Midawga Afrika ay Muqdisho u yimaadeen sidii loo xalin lahaa khilaaf u dhexeeya ciidanka Ugandha iyo kuwa Itoobiya Ciidanka Itoobiya ayaa iyagu diiday in ay wareejiyaan gacan ku haynta maamulka dekadda oo uu dakhli fara badan kasoo galo, iyagoo sida wararku sheegayaan weli gacanta kula jira garoonka doyaaradaha ee Muqdisho. Ciidanka Ugandha ayaa iyagu ka dalbaday Itoobiyanka in ay soo wareejiyaan gacan ku hayta dekeda, arrinkana looga danbeeyo ciidanka Ugandha oo metelaya Midowga Afrika. Dawlada Itoobiya ayaa iyadu soo jeedisay in 15,000 oo ciidankeeda ka mid ah lagu daro ciidanka nabad ilaalinta ee Midoqga Afrika, gawaaridoodana lagu buufiyo calaamada Midowga Afrika, laakiin Midowga Afrika ayaan arrinkan weli wax go'aan ah ka gaarin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted March 16, 2007 ^^^Wishfull thinking and no more. Quote Share this post Link to post Share on other sites