General Duke Posted November 4, 2006 Xuseen Caydiid oo sheegay in ay hayaan cadaymo muujinaya in Maxkamadaha Islaamig ay ku jiraan Carab iyo ajaanib mayal adag Last Updated::2006-11-04 05:58:32 Baydhabo:-Wasiirka arrimaha gudaha ee DFKMS Xuseen Maxamed Caydiid ayaa isaga oo khadka telefonka ug warramayay wargeyska Alsharqal awsat ee ka soo baxa magaalada London,isaga oo ku sugan magaalada Baydadhabo waxaa uu sheegay --- In madaxweyne Cabdilahi yusuf uu ku gacan sayray codsi ku aadanaa in si ku meel gaar ah DFKMS loogu raro meel kele oo ka xasilonansho badan magaalada Baydhabo si isaga iyo 72 qof oo xubin ka ah DFKKMS aan magaalada Baydhabo loogu gaysan weeraro argagaxiso ah . Waxaa uu sheegay Xuseen Caydiid in uu arko in madaxweyne Cabdulahi Yusuf uu noqonayo qofka ugu dameeya ee ka taga Baydhabo hadii Baydhabo weerar lagu qaado. Balse waxa uu xaqiijiyay in ciidamada DFKMS ay awoodan in ay difaacan magaalada Baydhabo hadii aymaxkamaduhu ay soo weeraran ,waxana uu sheegay in filayo in khilaaf uu ka dhex aloosmo gudaha maxaakimta isla markan ay ay jabi doonan hadii ay weerar ku soo qaadan magaalada Baydhabo. Waxaana uu sheegay in dagaal lagu qaado Baydhabo uu noqonayo mid xadidan isla markana qiimo wayn ku fariisan doona . Waxaa uu wasiirku arrimaha gudaha ee Somaliya Eng Xuseen Maxamad Caydiid uu shaaca ka qaaday inuu hayo warbaxino iyo cadaymo lagu kalsoonan karo oo muujinaya in kooxo dagaal yahano Carab ah iyo muslimin Maraykan ah ay dagaalka kula jiraan Maxkamadaha islaamiga ah. Waxaana uu intaa raaciyay in joojgitankoodun uu mushkilad dhinac amaanka ah u keenayo dalka Somaliya , dalalka dhinac Juqarifiga ay Somaliya deriska yihiin iyo gebi ahanba geeska Afrika . Faysalwakaalad wakaalad@hotmail.com HorseedNet.com Quote Share this post Link to post Share on other sites