Cowke Posted June 20, 2010 Garoowe:Puntland oo ka dabatagaysay Hanti ku maqan Ethiopia. 20. juni 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Ethiopia ayaa dhawaan waxay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn dagaal kula gashay qaarkamid ah shacabka magaaladaas kadib markii ay Ethiopia xanibtay gawaaridii magaalada soo geli jirtay,islamarkaasna hor istaagtay dhamaan adeegyadii bulshada ee halkaas tagi jiray oo uu u badnaa ganacsiga oo uu qeybweyn ka yahay keenista Qaadka,waxaana ay taasi fududay in halkaas uu ka dhoco dagaalka labada dhinac oo khasaare badan gaystay. Maalmo kadib waxaa magaalada Buuhoodle gaaray wafdi sare oo kasocda dawlada Puntland,kuwaas oo Xildhibaano & Wasiiro isugujira ayna intooda badani kasoo jeedaan gobolka Cayn,waxaana ay halkaas ka bilaabeen kulamo muhiim ah oo labada dhinac la'isku fahansiinayo,balse Ciidanka Ethiopia ayaa iyaga oo ka faa'iidaysanaya dhexdhexaadinta madaxda Puntland waxay halkaas kala tageen dhamaan hantidii ay ka hayeen shacabka ay wada dagaalameen oo ay u badnaynd gawaari Xamuul ah & lacag aad u badan. Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in qaarkamid ah madaxda sare ee Puntland ay gaari doonaan magaalada Addis-Ababa ee xarunta dalka Ethiopia si ay madaxda wadankaas ugala xaajoodaan hantida shacabka reer Cayn ee halkaas ku maqan,waxaana ay dawladu sheegtay in wafdigaasi ay si dhakhso ah howshaas u geli doonaan islamarkaasna soo celin doonaan hantida maqan. Wasiirka Kaluumaysiga & Kheyraadka badda ee Puntland Maxamed Faarax Aadan oo xalay kujiray gabagabada safar uu in mudo ah kujooga magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka cayn ayaa warbaahinta u sheegey in wafdi uu horboodayo madaxweyne xigeenka dawlada Puntland islamarkaasna ay kamid yihiin Wasiiro & madax kale ay dhawaan ka anbabixi doonaan deegaanada Puntland si ay hanrida maqan uga dabatagaan,waxaana uu sheegey in ay doonayaan in lasooceliyo hantida shacabka reer Puntland. "Wafdi kasocda dawlada Puntland ee Soomaaliyeed oo uu madaxweyne xigeenku horboodayo ayaa dhawaan u boqoolaya magaalada Addis-Ababa ee xarunta Ethiopia si ay uga dabatagaa maalka dhawaan ay Ciidanka Ethiopia halkaan (Buuhoodle) kala tageen,waxayna ka shaqeynayaan inay si dhakhso ah usoo celiyaan hantida maqan,shacabka Buuhoodlena waxaa looga baahanyahay inay degenaanta ku dadaalaan,waxaanuna ilaalinaynaa hubka aad haysaan ee Ethiopia leedahay"Ayuu yiri Wasiirka Kaluumaysiga ee Puntland oo ka hadlayey gabagabada safarkiisa. Safarka madaxweyne xigeenka Puntland ayaanan lagaranayn goorta uu bilaami doono,waxaana la filayaa inuu maalmaha soo socda ka anbabaxo deegaanada Puntland,isagoo Ethipia si adag ugala hadli doona qadiyada gobolada Sool,Sanaag & Cayn oo ay qeyb weyn ku leedahay. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites