Jacaylbaro Posted March 18, 2008 Laascaanood-Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Laascaanood wafdi ka socda wasaarada waxbarashada Somaliland iyo wafdi heer Gobol ah,iyadoo wafdidani ay tahay markii ugu horaysay ee ay soo gaadhaan magaalada Laascaanood kormeerna ay ku maraan goobaha waxbarashada. Wafdidan oo kasoo kicitintay magaalada Hargeisa ee xarunta Somaliland una socotay sidii ay u dhamayn lahaayeen khilaaf ka u dhaxeeya maamulka Jaamacada Nugaal University kaas oo keenay inay jaamacadu ay labo meelood ukala jabto ardaydiina ay kala raacaan labadaas xarumood oo ay hadda wax ku kala bartaan. Wafdidan waxaa hogaaminayay:- C/laahi Yaasiin Diiriye Agaasimaha manaahijta iyo tababarada. Daa’uud Axmed Faarax Gudoomiyaha waaxda Imtixaanaadka SL. C/laahi Yuusuf Warsame Gudoomiyaha Dugsiyada sare ahna xidhiidhiyaha Jaamacadaha iyo wasaarada waxbarasha waxna ka dhiga jaamacada Camuud Saleebaan Cali Cawad Gudoomiyaha waxbarashada Gobolka Sool. Ismaaciil Xasan Dirir (tadhase) Gudoomiyaha waxbarashada ee Degmada. Hadaba wafdidan ayaa waxa ay usocdeen saddex qodob oo kala ah:- Sidii loo xalin lahaa khilaafaadka Jaamaca Nugaal University. Sidii loogu kuur gali lahaa habka waxbarashada ee Gobolka Sool. Iyo Sidii loo sahamin lahaa halka jaamacada Nugaal University laga dhisi lahaa. Jaamaca Nugaal University ayaa waxaa horay isgu taxali jiyay intii maamulkii Puntland uu gacanta ku hay magaalada Laascaanood Ismiada Gobolka iyo aqoonyahanao inay dhameeyaan khilaafka Jaamacada kaas oo ugu danbyntii noqday mid lagu guul daraysto. Mar aan wax ka waydiinay Gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka Sool Saleebaan Cali Cawad rajada ay ka qabaan inay dhameeyaan khilaafka u dhaxeeya masuuliyiinta jaamacada,ayaa waxa uu noo sheegay inuu yahay mid aad u sareeay ayna kuy rajo wayn yihiin inay hal meel isugu keenaan oo ay dhameeyaan khilaafkaasi. Wafdidan ayaa maanta waxa ay la shireen galinkii hore qaar qayb ka mid ah labada garab ee isku hayay Jaamacada,iyadoo galinka danbe ee maanta ay la shiri doonaan qaybta kale ee ka mid ahaa garabyadii isku hayey Jaamacada Nugaal University oo ugu danbayntiina ay ku hawl gali doonaan xogta ka soo baxda labada dhinac. Isku soo wada duuboo wafdidan ayaa waxa ay kormeer ku mareen dhamaanba qaybaha waxbarashada ee maghaalada Laascaanood,iyagoo goobahaasina warbixino kaga dhagaystay masuuliyiinta dugsiyada ay tageen, waxaana ay maalinta barri ah ay wafdidu qaabili doonaan Gudoomiyayaasha dugsida dhexe ee magaalada Laascaanood,waxaana sidoo kale lagu wadaa haddi la soo afmeero khilaafka Jaamacada in dugsigii dhexe ee Boodhan ka magaalada Laascaanood in laga dhigo jaamacada Nugaal University. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted March 18, 2008 ^ waa nasiib daro.. jamacadaha xataa in khilaaf la keeno. waxaan xasuustaa dhowr sano ka hor. khilaaf ka tagnaa jaamacada Camuud ee Awdal hada way waa la xaliyay lakin it was a shame on a otherwise excellent institution. jaamacada ka dhisan dalka waa waxyaabaha kaliya ee weli lagu faani karo . hadii iyagiina khilaaf la dhex geeyo waa dhibaato Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 18, 2008 Yes it is a problem actually ,,,,, Hargeisa University had such problem recently ,, Quote Share this post Link to post Share on other sites