Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Sharif/Sharmrke admin and its strategy?

Recommended Posts

Muqdisho, Mar 22 - Is-maandhaaf nuxurkiisu yahay 'ciidamo suga amniga Muqdisho ma loo baahan yahay, mise looma baahna?' oo ka dhex curtay xukuumada R/wasaare Sharmaarke.

 

Waxaa maalmihii la soo dhaafay soo ifbaxay is-aamndhaaf siyaasadeed oo u dhexeeya xukuumada R/wasaare Sharmaake oo nuxurkiisu yahay in loo baahan yahay ciidamo suga amniga Muqdisho iyo in kale.

 

Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed C/llahi Oomaar ayaa kulan loogana hadlan arimaha Somaliya oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee QM, ku soo bandhigay warbixin la xiriirta qorshaha sugidda amniga ee xukuumada Somaliya, kana hadlay baahida loo qabo xoojinta iyo kordhinta ciidanka AMISOM ee ku sugan Muqdihso.

 

Md. Oomaar oo ka sababeeyey baahida ciidan ayaa sheegay in 'Haddii Somalidu heshiin karto, aan ciidamo shisheeye loo baahdeen", waxaana uu cabiray in dadka oranaya in Somalidu xallili karto mushlilaadka amnigu ay khiyaali iyo riyo ku nool yihiin, aanayna fahamsanayn xajmiga mushkilada amigu inta uu le'eg yahay.

 

Wasiirka warfaafinta ee isla xukuumada Somaliya oo u jawaabay Md. Oomaar ayaa sheegay in xukuumadu ay taageersan tahay go'aamadii culimada Muqdisho ee nuxurkoodu ahaa in ciidamada AMISOM dalka ay kaga baxaan muddo 120 cisho gudahood ah, kana bilaabanaysa 1-da bisha March, dalkana lagu soo rogo shareecada Islaamka.

 

Waxaa ay tani muujinaysaa in xukuumada R/wasaare Sharmaarke aanay lahayn qorshe siyaasadeed oo cad oo ku aadan suggida amniga Muqdisho oo ah halka keliya ee la oran karo waa ay ka talisaa.

 

Waxaa sidoo kale ay muujinaysaa jaahwareerka siyaasadeed ee hoggaanka M/weyne Shariif ee mugdiga badina uu hareeyey.

 

Waxaa iyana muuqata gebi-dhaclayn siyaasadeed oo siyaasada dibedda iyo tan gudaha ee dawlada oo aan is-waafaqsanayn, madaxdana aanay u kala cadayn halka midi ka bilawdo, ku kalena ku dhamaado.

 

Waxaa iyana sii murginaysa xaajada warbixinaha madaxda dawlada ee loogu talagalay deeq-bixiyayaasha bulshada caalamka, iyo waraysiyada loogu talagalay dalka gudihiisa oo aad moodaa in ay khilaafsan yihiin, isna burinayaan. Madaxda ayaa marba xog gaar ah siiya hadba ciddii ay markaa la joogaan, ama la hadlayaan, taasina ay bud-dhig u tahay jaahwareerka siyaasadeed ee dawlada M/weyne Shariif iyo xukuumada R/wasaare Sharmaarke.

 

Mas'uul u hadlay culimada Muqdisho, oo hore u soo saaray baaq ay ku amrayeen in ciidamaa AMISOM ay kaga baxaan dalka 4 bilood gudahood, ayaa sheegay in aanay daw ahayn in dawladu ay dalbato ciidamo hor leh, iyada oo uu jiro qorshe la doonayo in dalka ay kaga baxaan kuwii hore u joogay.

 

Waxaa xusid mudan in murankii ugu horeeyey ee ay kula qaybsameen madaxda dawlada Somaliya uu ka dhashay baahida ciidamo shisheeye sannadkii 2004-tii. Sida muuqata waxaad moodaa in doodu weli halkeedii taagan yahay, horumar siyaasadeedna aan la gaarin, aan ka ahayn jilayaasha masraxa siyaasada oo is-badelay.

 

Waxaa Muqdisho ku sugan 3,500 oo ciidanka AMISOM ah oo ilaaliya amniga madaxda dawlada iyo xarumaha dawlaha ee Muqdisho.

 

Waa su'aale, Shariif & Sharmaarke waa iyama cub iyo cir?

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this