General Duke Posted September 1, 2007 Dowlada Mareykanka Oo Si Weyn U Soo Dhaweysay Shirkii Dib U Hishiisiinta Ee Muqdisho Lagu Soo Afjaray Posted to the MOL September 1, 2007, 7:35 am Dowlada Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweysay shirkii dib u hishiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kaasi oo ay sheegeen in uu yahay hor mar dhanka nabada loo qaaday. Danjiraha Mareykanka ee Nayroobi Michael Renneberger ayaa shir jaraa`id oo uu ku qabtay Nayroobi ayuu ku sheegay in shirkaasi uu ahaa fursad muhiim oo ay haboon tahay in si deg deg ah looga faa`ideysto. Waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo meel mariyo qodobadii lagu hishiiyay intii uu socday shirkaasi oo muddo 45 cesho ah ka socday magaalada Muqdisho. Mr.Renneberger ayaa dhanka kale ku baaqay in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo dheeraad ah si loogu guuleysto soo celinta nabadii Soomaaliya isaga oo rajo ka muujiyay in arintaasi ay dhawaan dhameystirmi doonto. Waxa uu danjiraha intaa raaciyay in wax laga xumaado ay tahay in dalalkii balan qaaday ciidamada aysan weli aysan dhameystirin arinkaasi , iyadoo dalka ay joogaan oo kaliya ciidamo ka socda Uganda. Dowlada Mareykanka ayaa gadaal ka riixeysa arinta ciidamada ee Soomaaliya , iyadoo Mareykanka uu haatan uu si weyn ugu soo jeestay arinta Soomaaliya . Cismaan Xasan Cali Mudugonline.com Quote Share this post Link to post Share on other sites