Sign in to follow this  
General Duke

US admin welcomes the success of the NRC

Recommended Posts

Dowlada Mareykanka Oo Si Weyn U Soo Dhaweysay Shirkii Dib U Hishiisiinta Ee Muqdisho Lagu Soo Afjaray

Posted to the MOL September 1, 2007, 7:35 am

 

Dowlada Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweysay shirkii dib u hishiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kaasi oo ay sheegeen in uu yahay hor mar dhanka nabada loo qaaday.

 

Danjiraha Mareykanka ee Nayroobi Michael Renneberger ayaa shir jaraa`id oo uu ku qabtay Nayroobi ayuu ku sheegay in shirkaasi uu ahaa fursad muhiim oo ay haboon tahay in si deg deg ah looga faa`ideysto.

 

Waxa uuna ku baaqay in si deg deg ah loo meel mariyo qodobadii lagu hishiiyay intii uu socday shirkaasi oo muddo 45 cesho ah ka socday magaalada Muqdisho.

 

Mr.Renneberger ayaa dhanka kale ku baaqay in dalka Soomaaliya loo diro ciidamo dheeraad ah si loogu guuleysto soo celinta nabadii Soomaaliya isaga oo rajo ka muujiyay in arintaasi ay dhawaan dhameystirmi doonto.

 

Waxa uu danjiraha intaa raaciyay in wax laga xumaado ay tahay in dalalkii balan qaaday ciidamada aysan weli aysan dhameystirin arinkaasi , iyadoo dalka ay joogaan oo kaliya ciidamo ka socda Uganda.

 

Dowlada Mareykanka ayaa gadaal ka riixeysa arinta ciidamada ee Soomaaliya , iyadoo Mareykanka uu haatan uu si weyn ugu soo jeestay arinta Soomaaliya .

 

Cismaan Xasan Cali

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this