Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Warbixin ku saabsan Qaraxii Hotel Shamow

Recommended Posts

Muqdisho:- Maanta oo kale, 03 Dec, 2009. Maalin Khamiis ah, waxaa hotel Shamow oo ku yaalla magaalada Muqdisho ka dhacay qarax weyn oo lagu dilay arday, dhaqaatiir iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddii hore ee Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda qaraxaas ay iska diideen xoogagga hubeysan ee dowladda kasoo horjeeda.

 

Qaraxaas, oo uu fuliyay nin la rumeysan yahay inuu ka yimid dalk Denmark oo xiriir la leh kooxaha hubeysan, ayaa waxaa lagu dilay dad ka badan 30-qof oo ay k jiraan afar wasiir oo ka tirsan xukuumaddii iscasishay ee Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke.

 

Wasiirrada lagu lagu dilay qaraxaas, ayaa waxay kala ahaayeen; wasiirkii waxbarashada Axmed C/llaahi Waayeen, wasiirkii hiddaha iyo tacliinta sare Ibraahim Xasan Caddow, wasiiraddii caafimaadka Qamar Aadan Cali iyo wasiirkii dhallinyarada iyo isboortiga Suleymaan Colaad Rooble oo u dhintay sannadkan horraantiisa dhaawac halis ah oo kasoo gaaray qaraxaas.

 

Xafladda, qaraxa lala beegsaday ayaa waxay ahayd mid ay ku qalinjabinayeen arday wax ka bartay jaamacadda Banaadir, waxayna barteen cilmiyada kambiyuutarka, dhaqaalaha iyo arday barta cilmiga caafimaadka, kuwaasoo ahaa kuwii ugu badnaa ee ku dhintay qaraxa.

 

Qaraxaas, ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay dhaqaatiir uu ka mid yahay hormuudkii jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Aadan Warsame (Shahiid), waxaana dhaawacyo isugu jiray kuwo halis ah ay kasoo gaareen dhaqaatiir kale oo qaarkood weli ku jira isbitaallo ku yaalla dalka Saudi Arabia.

 

Sidoo kale, qaraxaas oo ahaa mid murugo xooggan kaga tagay qalbiyada shacabka Soomaaliyeed, ayaa waxaa ku dhintay suxufiyiin ay ka mid ahaayeen: Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyn Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaadihii telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys, ayaa si isku mid ah u cambaareeyay, iyadoo mas'uul walba uu ku sheegay qaraxaas inuu mid lagu dilay dadkii wax u tari lahaa Soomaaliya.

 

Sheekh Shariif, wuxuu sheegay in qaraxaas uusan cabsi gelin doonin, ayna sii wadayaan howlahooda, isagoo sheegay in qaraxaas uusan ahayn midka keliya ee lala beegsaday xubno ka tirsan dowaldda, balse uu ka horreeya qarax ka dhacay Baladweyne oo lagu dilay 70-qof oo ay ku jireen wasiirkii amniga Qaranka Cumar Xaashi Aadan iyo Danjire C/kariin Laqanyo.

 

Waalidiinta dhalay, ardaydii lagu dilay qaraxaas, ayaa iyaguna dareenkooda muujiya, iyado qaarkood ay sheegeen in lagu dilay qaraxaas caruurtooda oo ay dhibaato kusoo koriyeen waxna ku bareen, si ay u anfacaan naftooda, dadkooda, dalkooda iyo waalidiintood.

 

Mas'uuliyiin kala duwan oo horay Soomaaliya xilal muhiim ah uga soo qabtay iyo shacab ku nool dalka dibadiisa ayaa iyaguna cambaareeyay qaraxaas, waxayna ku tilmaameen mid aan horay looga arag, laguna doonayo in lagu naafeeyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa waxbartay.

 

Bannaanbaxyo, looga hojeedo qaraxaas khasaaraha badan geystay, ayaa ka dhacay inta badan dalka Soomaaliya iyo dibadda dalka, iyadoo la sameeyay hees loogu magacdaray QAYLO-DHAAN, taasoo erayadeedu ay ka mid ahaayeen magacyada dadkii lagu dilay qaraxyadii ka dhacay Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this