Cowke Posted June 20, 2010 JUURILE:-Maamulka Dawladda Hoose ee Bossaso oo Maanta Hawllo Waddo Sifayn ah Kabilaabay Magaalada Bossaso+Sawirro Dawladda hoose ee Magaalada Bossaso ayaa maanta ka bilowday Magaalada Bossaso olole lagu bur bruinaayo dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla hareeraha Waddooyinka Magaalada Bossaso kuwaasi oo ciriiri geliyey maritaanka Waddooyinka Magaalada. Ka hor intaan ololaha bur burinta saaka la bilaabin ayaa waxaa ka horeeyey qorshayaal ay horay u dejiyeen masuuliyiinta Dawladda Hoose oo uu ugu horeeyo Duqa Degmada Bossaso Maxamuud Faarax Beeldaaje iyo sidoo kale masuuliyiinta Gobolka Bari, kuwaasi oo dadka ugu baaqay in ay isaga guuraan goobaha sharci darrada ah. Bur Burinta goobaha sharci darrda ah ayaa waxaa saaka si xoogleh uga socdeen waddada dheer ee isku xirta Airporka iyo Dekedda Bossaso iyadoo sidoo kale Waddooyinka kale ee Magaalada u dhamaantood maamulku balan ku qaaday in ay kasamayn doonaan bur burinta goobaha sarci darada ah uuna socon doono hawlgalku mudooyikan. Waddooyinka maanta la bur burinaayey ayaa waxaa abbaarro 7:00-dii subaxnimo lagu soo daayey shaqaalaha Dawladda hoose oo waday hawsha bur burinta iyo Ciidamada ammaanka oo siweyn ula socday arrimaha ammaanka iyo dhaq dhaqaaqa guud ee goobaha ay hawshu ka socoto. Goobaha maanta cagta la mariyey ee la bur buriyey ayaa waxa ay u badnaayeen Sanqadao, Buushash iyo Balbalooyin qaarkoodna waxaa lagu iibin jiray qaadka halka qaarka kalena ay ahaayeen goob kale oo ganacsi. Qaar kamid ah dadka laga bur buriyey goobaha sharci darrada ahaa ee ku oolaa hareeraha waddada ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen hawlgalka maanta lagu bur buriyey goobahoodii ganacsi waxayna aad uga soo hor jeesteen hawlgalka waddo banaynta ah. Faadumo Cali Nuur oo kamid ah Haweenka qaadka ku iibiyaha waddada dhinaceeda ayaa iyada oo indhaheeda ay qarisay ilmo waxay u sheegtay warbaahinta Juurile.com in maanta laga baabi'iyey meheradii ay qaadka ku iibin jirtay isla markaana aanay haysan meel kale oo wax ku iibsato tiiyo ay jiraan carruur yar yar o ay meesha ka biilato. "Si aan yeelo maaqaan meeshii aan biilka ka dayan jiray wa ataas dhulka ayaa lala simay, wax digniin ah oo nala siiyey markii hore majirin, sidaasi darteed maamulka maanta waxa uu naga galay qalad weyn", ayey tiri Faadumo Cali Nuur oo kamid ah Haweenka qaadka iibiya ee maanta laga bur buriyey goobo sharci darro ah oo ay ku lahaayeen hareeraha Waddada. Xoghayaha Dawladda Hoose ee Bossaso Maxamed Xasan Camo iyo Taliyaha Saldhiga Bartamaha ee Magaalada Bossaso Coll C/raxmaan Qaybdiid oo maanta shir jaraa'id oo ay uga warbixinaayeen hawgalka waddo banaynta ku qabtay xarunta Ciidanka Dab Demiska ee Magaalada Bossaso ayaa waxa ay ku tilmaameen hawlgalka bur burinta ah ee Magaalada ka socda mid lagu soo celinaayo bilicda Magaalada isla markaana lagu baabi'inaayo goobaha sharci darrada ah ee Waddada ku yaal. Maasuuliyiinta maamulka u hadashay ayaa waxa ay sheegeen in hawlgalku uu socon doono muddooyinka laguna bur burin doono dhamaan goobaha sharci darrada ah, sidoo kale masuuliyiinta ayaa waxa ay dadka ugu baaqeen in ay si wanaagsna ula shaqeeyaan Ciidamada iyo dadka kale uu ku hawlan banaynta Waddada si Magaalada looga dhigo mid ay bilicdeedu wanaagsan tahay. Cismaan Saalax Ismaaciil Cis_ma@hotmail.com Bossaso Puntland Somalia Juurile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted June 21, 2010 Dowlada hoose ee Boosaaso oo wada Maalinkii sadexad burburinta gobaha aan sharciga ahayn Maalntii saddexaad ayaa dowladda hoose ee magaalada Boosaaso waddaa hawlgallo ay ku burburinayso meelaha aan sharciga ahayn ee lagu ganacsado iyo dhismayaasha ku xadgudbay qiyaastii loogu talo galay. Dowladda hoose oo sheegtay in ay hawlgalladan uga gol leedahay sare u qaadidda bilicsamida magaalada ayaa sheegtay in tan iyo Sabtidii ay hawlahaasi si wacan u socdaan. Tiro ka mid ah dadka danyarta ah ee magaalada ayaa ku cabanaya in aanay dowladda hoose marna ka saacidin u astaynta goobo muhim u ah ganacsigooda oo ay ku shaqaystaan, waxase xusid mudan in maalintii jimcihii ee toddobaadkan uu duqa Boosaaso dadka ku ganacsada goobaha aan munaasabka ahayn uga digay in ay ku sii nagaadaan, waxana uu u Maxamuud Faarax Beeldaaje dadyowga u sheegey in ay waqti kooban u haysteen ka baaraan dagidda dib uga noqoshada goobahaas. Su'aasha ligan ayaa ah hawl galladan ma ahaan doonaan kuwo midho dhala, mise sidii marar hore ayaa dadka goobahooda ganacsi laga burburiyay ay dib ugu soo noqon doonaan meelohoodii. Quote Share this post Link to post Share on other sites